Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Calankii Soomaaliya oo dib looga taagay safaaradii Kenya SAWIRRO

$
0
0

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xarunta  dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Xafladda oo ay soo qabanqaabisay safaaradda ayaa waxaa loogu tala
galay in dib loogu taago calanka dalka oo si xaq darra ah uga maqnaa
mudoo 15 ah, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda
Soomaaliya, oo isugu jira xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada,
dublamaasiyiin, shaqaalihii hore ee ka soo shaqeeyay safaaradda
xilligii bari samaadka, fanaaniin, bahda saxaafadda iyo dad fara badan
oo deggan dalka Kenya.
Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka kenya Maxamed Calinuur Ameeriko
oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ugana mahadceliyay sidii ay u garab
istaageen xilligii ay dacwada socotay, ayaa sheegay in ay dib u furi
doonaan dacwo kale oo ah in dib loo dhiso guriga laguna soo celiyo sidii
uu ahaa mudo 15 ah ka hor, maadaama uu gurigu burburay, agabkii
asaasiga ahaana ay ka wada maqanyihiin.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda
batroolka tamarta iyo biyaha iyo macdanta C.raxmaan Yuusuf Faarax
Dujaana oo sheegay in uu arrinkaan billow u yahay soo celinta hanti
badan oo uu qaranku lahaa oo si qaldan loo iibsaday, ayna fariin u tahay
cid walba oo ku hamineysa in ay lunsato waxa dadka ka wada dhaxeeya oo
uu qaranku leeyahay.
Xildhibaanada munaasabadaan ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid
ahaa Mowliid Macaane, Dalxa iyo Ibaahin Yaroow, halka dublamaasiyiinta
ajnabiga ahna ay ka mid ahaayeenn safiirkii hore ee talyaaniga u
fadhiyay Soomaaliya oo khudbad dheer jeediyay aadna ugu hambalyeeyay
dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Xafladaan oo ahayd mid casiriye ah ayaa gebegabadii waxaa la saaray
calanka dalka oo loo qaaday heestii uu lahaa ee " Qolabaa calankeed"
waxaana saarar safiirka oo ay dhinac taagnaayeen dhamaan dadkii soo
xaadiray.
Calanku waxa uu ciishoonaa mudo dheer oo marba guri kira ah
uu ka dul babanayay, balse wixii maanta ka dambeeya wuu iloobi doonaa
oo waxa uu dib ugu soo laabtay booskiisii. " hantiyooy macaan waa midaan
hooy lagaa oraneyn"
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr1.jpg" border="0" />
Mowliid Macaane: wax badan ayaa haray
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr10.jpg" border="0" />
Qaar kamid ah dhalinyaradii ka soo qeyb galay oo farxad ka muuqaneyso
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr11.jpg" border="0" />
Fanaaniinta Nairobi calanka ku lebisan
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr12.jpg" border="0" />
Danjira ameerika oo u soo socdo dhanka albaabka, si uu usaaro calanka
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr13.jpg" border="0" />
Calankeena oo ka dul babanaya dhismaha safaaradda
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr14.jpg" border="0" />
Barbaarta gaashaaman oo ciyaaro dhaqameed bandhigaya
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr15.jpg" border="0" />

wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka tamarta iyo biyaha iyo macdanta C.raxmaan Yuusuf Faarax Dujaana

rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr16.jpg" border="0" />
Heeso wadani ah oo goobta laga qaaday
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr17.jpg" border="0" />
Astaanta qaranka oo lagu xardhay gidaarrada safaaradda
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr18.jpg" border="0" />
Safiir Ameeriko oo dhanr hidaha iyo dhaqanka ku lebisan
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr19.jpg" border="0" />
Ka soo qeyb galayaasha oo uu ka dhex muuqdo madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr2.jpg" border="0" />
Fanaaniinta oo u diyaarsan kicinta dareen wadaniyadeed
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr20.jpg" border="0" />
Safiirka oo jeedinaya Khudbad loogu talagalay munaasabadda
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr21.jpg" border="0" />
15 sano kadib ayuu booskiisa ku soo laabtay, waa mahad Alle
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr22.jpg" border="0" />
Joog oo jir.  looma kala harin in la sawirto
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr23.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr24.jpg" border="0" />
La taliyaha arimaha bulshada Safaarada C/sataar Xasan Cali iyo Xildhibaan Yaroow
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr25.jpg" border="0" />
Dalxa oo heestii Shanka roon qaadaya
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr3.jpg" border="0" />
Maxamed Cali Ameeriko:hantidii guriga dhex tiillay kama hareyno
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr4.jpg" border="0" />
in sha Allaah mar kale lama dejin doono
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr5.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr6.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr7.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr8.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr9.jpg" border="0" height="376" width="668" />
Alinur Salad
Nairobi Kenya

Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>