Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxaa kasoo baxay shirkii Baydhabo?

$
0
0

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray waxaa ka mid ahaa arimaha amniga iyo ladagaalanka wax lagu tilmaamay argagaxisada, waxaa sidoo kale looga hadlay arimo kale.


AMISOM lauded for effective implementation of community projects in Somalia

$
0
0

Wednesday June 6, 2018photoj1A visiting delegation from the African Union (AU) headquarters left Somalia today, after a three-day assessment tour of AU funded community projects in the country.The team evaluated Quick Impact Projects in the capital Mogadishu and in Kismayo, the administrative capital of Jubbaland state, to assess their impact on beneficiary households.“We came to evaluate whether the Caterpillar Police Station has improved the working conditions of the police in Jubbaland; whether it has enhanced the maintenance of law and order to local communities here; to see also whether it has increased access to justice for women, children and for the general community,” said AU’s Mr. Mike Bugason, who led the delegation to a police station in Kismayo, which was refurbished and equipped by the African Union Mission in Somalia (AMISOM), last May.Since it’s renovation, the station has facilitated speedy determination of criminal cases.  At least 80-criminal cases, have been conclusively investigated by Jubbaland Police through the facility.“The existence of the police station has improved the security situation in this area and served the community well. The level of crime has gone down and the public is able to access the station to report crime,” said Abdinasir Mohamed Shire, a resident of Alanley village. His sentiments were echoed by the station’s Commander Mohamed Ahmed Ali.“The station has been effective in preventing crime and maintaining law and order,” said the Ali, who emphasized the importance of involving local communities in fighting crime. “The officers socialize with the local community and the community in turn works closely with the station, by sharing important information with the police,” he added.Crime cases reported at the station vary, and include domestic violence, gender violence, theft and land disputes.The coordinator of AMISOM Police in Jubbaland state Mr.  Abilu Earnest Martin, who hosted the delegation in Kismayo, acknowledged the critical role the police station is playing in maintaining law and order.“People are reporting cases and they are being investigated. Cases of gender violence, domestic violence, petty theft and land problems and other security matters are some of the cases which the police in Caterpillar Police Station are handling, under the mentorship of AMISOM Police,” he remarked.The delegation, which scrutinized six projects implemented in 2017, with funding from the African Union, had earlier toured a water project which serves 400-people in Mogadishu, and held meetings with AMISOM officials.  The community projects, funded by the Crisis Management, Post Conflict Reconstruction and Development Division of the African Union Commission, are implemented by AMISOM in recovered areas.
advertisements

 

  • Two Somali lawmakers killed in al-Shabaab ambush - army officer - Reuters
  • Mum gets compo over son's alleged murder - Nine News
  • Turkish Red Crescent to aid 10M people during Ramadan - Anadolu Agency
  • Ethiopia 'accepts peace deal' to end Eritrea border war - BBC

Shirkii Amniga Qaranka oo soo Gabagaboobay

$
0
0

Qodobadii culeyska lagu saaray ayaa ahaa dhinacyada amniga, doorashooyinka 2020ka iyo qeybsiga kheyraadka. Dhinaca amniga ayaa lagaga hadlay tayeynta ciidanka iyo isku dhafkooda.

Guatemala ku dhawaad 200 oo qof oo la la'yahay

$
0
0

Sida ay sheegeen saraakiisha dalka Guatemala ugu yaraan 192 qof ayaa la la'yahay 75 qof oo kalena way dhinteen taas oo ka dhalatay qaraxa foolkaanada laga magacaabo Fuego ee ka dhacday dalkaas axaddii lasoo dhaafay.

Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle

Akhriso:-War-Murtiyeed laga soo saaray shirka amniga Qaranka Ee Baydhabo

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa sidoo kale, shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Difaaca, La-taliyaha Amniga Qaranka, wasiirada dawlad goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.
Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo dhammaan shacabka Koonfur Galbeed oo si habsami leh u marti galiyay shirka. Goluhu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa ciidamada amniga Konfur Galbeed, XDS iyo AMISOM.
1. Arrimaha Amniga:
Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka, tix-galiyeenna aragtiyada iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Goluhu wuxuu isku raacay qodobada hoos ku xusan:
1.1. Madax-bannaanida: Golaha Amniga Qaranku wuxuu adkeynayaa in midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.
1.2. Ka hortagga khataraha: Golaha Amniga Qaranka markii uu dhegeystay khataraha amni ee ay argagixisadu ka geysanayaan dalka waxa uu adkeynayaa in la dardargeliyo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, labada heer, lana siiyo tababarro iyo xirfado la xiriira qaababka looga hortagi karo falalka argagixisada.
1.3. Qorshaha Kala-guurka: Golaha Amniga Qaranka wuxuu ansixyey qorshaha kala-guurka (Transition plan), kaasoo loo arkay inuu yahay qorshe horseedaya in Soomaalidu hanato, kuna filnaato amnigeeda, iyada oo la raacayo tallaabooyinka soo socda;
1.3.1. In si wadajir ah looga mira dhaliyo fulinta wejiga koowaad ee qorshaha kala guurka oo dhigaya qaabka lagu hawlgalinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Booliiska ee labada heer oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu.
1.3.2. In ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay qeyb noqonayaan hawlgallada qorsheysan ee lagu furayo waddada muhiimka ah (MSR) ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Hawlgalkan waxaa doorka hoggaamineed qaadanaya Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed, waxayna ciidamada ka amar qaadanayaan Taliska Ciidamada Xoogga Dalka inta hawlgalkaas lagu jiro.
1.3.3. In Guddiga Qaran ee Isku-dhafka Ciidamada la yimaadaan muddo soddon (30) maalmood guduhood ah qorshe hawleedkooda.
1.3.4. In qorshaha kala guurku uu noqdo mid dhammeystiran oo ay ka mid yihiin dadaallada xasilinta, soo kabashada dhaqaalaha, sarreynta sharciga iyo caddaaladda.
1.4. Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga: Goluhu waxa uu ansixiyay in muddo soddon (30) maalmood gudahood ah lagu hawlgeliyo Xafiisyada Aminga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si loo dardargeliyo in Golaha Amniga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ay noqdaan kuwo waajibaadkooda shaqo gutaan.
1.5. Goluhu wuxuu isku raacay in muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah guddiga farsamadu ay ku fuliyaan Qodobka 1.2 ee go’aankii 6-10ka bishii Febraayo 2018, kasoo qeexaya “Dawladda Federaalku waxay ka caawineysaa ciidamada Booliiska Dawlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Daraawiishtu (hub, saanad, agab ciidan, raashin, daawo, gunno, tababar iyo tayeyn) ee kala qeyb qaadan doona ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.”Goluhu wuxuu ku boorrinayaa ummada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la-dagaalanka argagixisada.
1.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga Fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kala guurka.
1.7. Goluhu wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada wax ku oolka ah ee laga wado CXDS oo ay kamid yihin sida qaab-dhismeedka ciidanka, mideynta tababarka iyo hagaajinta anshaxa iyo adaabta ciidanka iyo sidookale qaabaynta hannaanka dallacsiinta saraakiisha iyo saraakiil xigeennada oo la waafajiyey sharciga dallacsiinta.
1.8. Goluhu wuxuu farayaa Guddiga Dib-u-habeynta Booliiska Federaalka ee hoos yimaada Wasaaradda Amniga Gudaha in ay kusoo dhameystiraan qaabka dib-u-habeynta Booliiska Federaalka muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah.
1.9. Goluhu wuxuu bogaadinayaa hawlgallada sugidda amniga Caasimadda iyo barnaamijka Derisaynta ee ka socda degmooyinka Gobolka Benaadir, wuxuuna qirayaa in degaanada ku dhow Caasimadda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay qeyb muhiim ah ka yihiin sugidda amniga Caasimadda.
2. Arrimaha Siyaasadda
Goluhu waxaa kale oo uu falanqeeyay qodobada soo socda:
¢ Habka Doorasho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2020-ka.
¢ Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka iyo Macdanta).
2.1. Goluhu wuxuu bogaadinayaa waxqabadka Guddiga Wada-xaajoodka iyo Wasaaradaha ka shaqeeya Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay.
2.2. Goluhu wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay hawlaha la xiriira dib-ula-falgelidda hay’adaha dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan wada shaqeynta ay Xukuumaddu la leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) oo uu Goluhu dhiirrigelinayo in lasii adkeeyo wada shaqeyntaas, si wadajir ahna loola dagaallamo musuqmaasuqa, lana joogteeyo nidaamka isla-xisaabtanka.
2.3. Goluhu wuxuu go’aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka, sida canshuurta Furdooyinka, macaashka shaqaalaha iyo faa’iidadda ganacsiga.
2.4. Goluhu wuxuu ku heshiiyay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida ku cad heshiiska habka doorasho ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun, 2018.
2.5. Goluhu wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey wadatashiyada caqabadaha ka hor imaan kara doorashooyinka, iyo daraasaadka Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha. Wuxuuna Goluhu faray in Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinku soo dhammaystiraan kala xulashada nidaamka diiwaan galinta.
2.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka la sii dardar-galiyo, laguna soo gabagabeeyo sannadka 2018-ka, ayada oo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo sida ay u kala muhiimsan yihiin.
2.7. Goluhu wuxuu heshiis ka gaaray Lahaanshaha, Maamulka, iyo Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka sida ku cad heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu saxiixay Magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun 2018.
2.8. Goluhu wuxuu faray Guddiga Farsamada (TC) ee Golaha Amniga Qaranka in ay soo gudbiyaan Hannaanka Caddaalada iyo Asluubta shirka xiga ee la qabanayo bisha Agoosto iyadoo laga amba qaadayo go’aamadii shirkii Wasaaradaha Cadaaladda ee ka dhacay magaalada Jowhar bisha Jannaayo 2018.
2.9. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la hawlgaliyo xubnihii ay dawlad gobaleedyadu u soo magacaabeen guddiyada dib uu eegista dastuurka.
2.10. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardar geliyo wadaxaajoodka arrimaha federaalka si loo dhamaystiro hannaanka awood qaybsiga ee ku qeexan Qodobada 53-54 ee Dastuurka.
2.11. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa hindisaha lagu abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Goluhu wuxu si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Xildhibaannadii iyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarradii xaqdarrada ahaa ee ka dhacay Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
DHAMMAAD
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/War-murtiyeed_shirka... 630w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/War-murtiyeed_shirka... 640w" sizes="(max-width: 529px) 100vw, 529px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/shirka-amniga-baydha... 630w" sizes="(max-width: 525px) 100vw, 525px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/shirka-amniga-baydha... 630w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/shirka-amniga-baydha... 640w" sizes="(max-width: 522px) 100vw, 522px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/shirka-amniga-baydha... 630w" sizes="(max-width: 521px) 100vw, 521px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/shirka-amniga-baydha... 630w" sizes="(max-width: 523px) 100vw, 523px" />
The post Akhriso:-War-Murtiyeed laga soo saaray shirka amniga Qaranka Ee Baydhabo appeared first on Shabelle.

Baarlamaanka HirShabelle Oo Walaac ka muujinaya amniga Waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa walaac xoogan ka muujinaya amniga Waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaan C/weli Sheekh Cali oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulkaasi ayaa sheegay in xilligan aan la’isku haleyn karin amniga Waddadaasi.
Waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato amni xumida ka jiray halkaasi.
Baaqan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay gelinkii dambe Xildhibaano ka tirsanaa maamulka HirShabelle iyo qaar ka mid ah Askar ilaalo u aheyd lagu dilay weerar qorsheysan oo Al Shabaab ay ku qaadeen gaadiid ay la socdeen mas’uuliyiintaasi oo marayay Waddada isku xirta magaalooyinkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/Wareysi-Xildhibaan-Cabduwweli-Sheekh-Cali-05-06-2018.mp3
The post Baarlamaanka HirShabelle Oo Walaac ka muujinaya amniga Waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar appeared first on Shabelle.

Putin: Cunaqabatayntu cidwalbay u daran tahay

$
0
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabataynta reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka "ay dhibaato ku tahay cid walba"in la qaadana ay dan ugu jirto qof walba.


Warta Nabadda iyo Dharkenley Oo xalay ku baratamay Tartan aqooneedka Shabelle

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku loomay degmooyinka Warta Nabadda iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Labada degmo oo ku wada jira Group-ka D ayaa xalay ku kulmay is araga 3-aad wareega koobad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.
Warta Nabadda iyo Dharkenley ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan, Waxaana labada degmo ay wada galeen bar bar dhac, iyagoona kala keensaday mid 8 dhibcood, sida uu natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale.
Balse waxaa tartanka gabi ahaan isaga hartay degmada Dharkenley oo 1 dhibic la heyd, taas oo kulamadii hore laga soo badiyay.
Caawa waxaa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Shangaani iyo Xamarjajab oo ku wada jira Group-ka D ee tartanka.
Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa Jaamacadda  caalamiga ah ee Jobkey.
The post Warta Nabadda iyo Dharkenley Oo xalay ku baratamay Tartan aqooneedka Shabelle appeared first on Shabelle.

Al Shabaab Oo xalay la wareegay Ceelwaaq

$
0
0

Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab xalay ay gudaha u galeen degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.
Waxaana la sheegay in Al Shabaab ay la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmadaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay jiritaanka warkan, iyaga oo sheegay in Al Shabaab hawada ay ka saareen Isgaarsiintii magaaladaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uuliyiinta maamulka degmada Ceelwaaq ay u baxeen dhanka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo Ismaan Nuux Xaaji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay uga hortagayaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan gobolkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/Wareysi-Gudoomiye-ku-xigeenka-G-Gedo-05-06-2018.-ooo.mp3
The post Al Shabaab Oo xalay la wareegay Ceelwaaq appeared first on Shabelle.

Camey “Puntland waxa ay dagaal hor leh ku qaadeysaa S/land”

$
0
0

Garowe ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/ xakiin Xaaji Cumar Camey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi ayaa waxa uu sheegay in dagaal hor leh ay u qaadayaan fariisimaha Ciidamad Soomaaliland ay ku leeyihiin gobolka sool
Mr Camey aya tilmaamy in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Soomaaliland, tan iyo inta ay Ciidamadeeda ka baxayan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi
Waxaana uu intaasi ku darea in shacabka reer Puntland ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan duulaan kasto oo kaga yimaada dhanka Soomaaliland.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/cod-farxiya-.mp3
 
The post Camey “Puntland waxa ay dagaal hor leh ku qaadeysaa S/land” appeared first on Shabelle.

Maxay Kenya dhakhaatiirta badan uga keensatay Cuba?

$
0
0

Magaalada Nairobi waxaa soo gaaray 50 dhakhaatiir oo ka socda dalka Cuba, kuwaasoo ay marti qaaday wasaaradda caafimaadka ee Kenya.

Ciidamo Kenyaan ah Oo Qarax lagula Eegtay deegaanka Liboi

$
0
0

Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa in maanta qarax miino lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Liboi ee dalka Kenya.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi oo marayay inta u dhaxeysa magaalada Dhoobley iyo deegaanka Liboi oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Dad goobjoogaal ah ayaaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Kenya, iyadoona khasaaro xoogan uu ka soo gaaray qaraxaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya oo ku aadan qaraxaasi, illaa iyo hadana ma jiro cid sheegatay masuuliyaddiisa.
Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaadan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladd, xilliyada ay isaga kala gooshaaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
The post Ciidamo Kenyaan ah Oo Qarax lagula Eegtay deegaanka Liboi appeared first on Shabelle.

Dilal qorsheysan Oo maanta dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa saacadihii la soo dhaafay dilal qorsheysan ay siyaabo kala duwan uga dhaceen gudaha magaalada Muqdisho.
Dilka koobaad ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, iyadoona loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xuseen Geedi Jimcaal.
Kooxo ku hubeysanaa Bastoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay ku toogteen ilinka hore ee gurigiisa oo ku yaalla degmadaasi.
Dhinaca kale askari ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Minashiibiya ayaa duhurnimadii maanta qof shacab ahaa ku dilay degmada Xamarweyne ee G/ Banaadir.
Marxuumka la dilay ayaa ahaa darwal Mooto Bajaajle ah, waxaana dilkiisu uu ka dhacay nawaaxiga Suuqa Bacadlaha ee degmada Xamaeweyne.
Askarigii ka dambeeyay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in Ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen.
Welina ma jiro war hadal oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo la xariira dilka Marxuumkaasi.
Maalin ka hor ayey aheyd markii askari ka tirsan Ciidamada Minashiibiyada uu darwal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
The post Dilal qorsheysan Oo maanta dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

Degmooyinka Xamarjajab iyo Shangaani Oo caawa ku loo lamaya tartanka Shabelle

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee ramadaan ku ballansan degmooyinka Xamarjajab iyo Shangaani ee gobolka Banaadir.
Labada degmo oo ku wada jira Group-ka D ayaa caawa ku loo lami doona is araga 3-aad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.
Degmada Xamarjajab ayaa labadii kulan ee hore guulo ka soo gaartay, kadib markii ay afka ciida u dartay degmooyinka Dharkenley iyo Warta Nabadda ee G/ Banaadir.
Sidoo kale degmada Shangaani ayaa kulan ka soo badisay dhiggeeda degmada Dharkenley, halka kulanka kalena laga badiyay, kadib markii ay ka hortimid degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Xamarjajab iyo Shangaani ayaa caawa gabagaba u ah wareega koobaad ee tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle.
Waxaana wareegan ku haray  illaa iyo 7 degmo  oo kala ah :-Wadajir, Dharkenley, Heliwa, Howlwadaag Shibis, Waabari iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banadir.
Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Jaamacadda Jobkey, halka Su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.
The post Degmooyinka Xamarjajab iyo Shangaani Oo caawa ku loo lamaya tartanka Shabelle appeared first on Shabelle.


Maamulka Ceelwaaq Oo beeniyay in Al Shabaab ay la wareegeen degmadaasi

$
0
0

Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Ibraahim Guuleed Aadan ayaa beenayay in xalay Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Ibraahim Guuleed Aadan oo la hadlay Shabelle ayaa gaashaanka u daruuray in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen degmadaasi.
Waxaana uu sheegay in magaalada duleedkeeda ay yimaadeen Al Shabaab, balse ay ka hortageen Ciidamada dowladda, sida au hadalka u dihgay.
Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan ayaa xusay in ka maamul ahaan ay ka go’antahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaaladaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/ceelwaaq.mp3
The post Maamulka Ceelwaaq Oo beeniyay in Al Shabaab ay la wareegeen degmadaasi appeared first on Shabelle.

Kenya oo si caro leh uga jawaabtay garoonkeeda oo lala barbardhigay Soomaaliya

$
0
0

Kenya ayaa ka carootay in garoonkeeda caalamiga ah ee Nairobi lala barbadhigay Soomaaliya waxayna dalbatay raaligelin

Rift Valley fever claims four in Wajir as panic grips Kenya

$
0
0

Wednesday June 6, 2018Two more people have died of suspected Rift Valley fever (RVF) in Wajir, bringing death toll to four as panic grips the county.Wajir County’s Chief Health Officer Noor Sheikh Mohamed said the two deaths occurred outside the local referral hospital but have not independently verified the report.“We cannot exactly confirm the two deaths, but we have sent a team on the ground for confirmation since the area has low network connectivity and the victims died away from our facilities,” Mr Mohamed said.Ads By Google The first two victims, both male, died on June 4 at the Wajir Referral Hospital.According to the Centers for Disease Control and Prevention (CDC), the RVF is an acute, fever-causing viral disease most commonly observed in domesticated animals such as cattle, buffalo, sheep, goats, and camels and has the ability to infect and cause illness in humans.CDC says the disease is caused by RVF virus (RVFV) and was first reported in livestock by veterinary officers in Kenya’s Rift Valley in the early 1910s.The disease has been reported in Basir and Lakoley areas in Eldas sub-County.Hundreds of livestock continue to die in the area due to the outbreak with camels and goats the most affected.In an earlier interview with the Nation, Mr Mohamed said that all the victims had shown symptoms of RVF but they had sent blood samples to the Kenya Medical Research Institute for further tests.The county health chief said the county will issue a detailed report on the suspected RVF outbreak on Thursday.
advertisements

 

  • Armed groups in Somalia - Al Jazeera
  • BOOK REVIEW: Islamophobia in the USA - The Stranger
  • First Muslim elected to Congress wants to be Minnesota AG - AP
  • Kenya: Five GSU officers killed in Liboi IED attack - Daily Nation
  • State Rep. Ilhan Omar files to run for Congress - WCCO
  • AMISOM lauded for effective implementation of community projects in Somalia - AMISOM
  • Two Somali lawmakers killed in al-Shabaab ambush - army officer - Reuters
  • Mum gets compo over son's alleged murder - Nine News
  • Turkish Red Crescent to aid 10M people during Ramadan - Anadolu Agency
  • Ethiopia 'accepts peace deal' to end Eritrea border war - BBC

"Ragga oo kaliya ah ayaa hoggaamin kara shirkadaha diyaaradaha"

$
0
0

Shirkadaha diyaaradaha adduunka waxay doonayaan inay haween badan ay shaqo siiyaan balse waxay u muuqata in aanan loo sheegin ninka madaxa u ah shirkadda diyaaradaha ee Qatar.

Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagu dilay

$
0
0

Shan ka tirsan ciidamada dalka Kenya ayaa maanta ku dhintay qarax lala eegtay baabuur ay wateen oo marayay degmada Liboi ee u dhow xadka Kenya iyo Somalia.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live