Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxaa ka soo baxay shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada maanta ku yesheen Magaalada Muqdisho

$
0
0

Shirkii Khamiislaha ahaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaba gaboobay, iyadoo kulankan uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas.
Shirkan oo looga hadlay dhowr arrimo oo ay ka mid ahaayeen safarkii Ra’iisul Wasaaraha ku tagay dalalka Kenya iyo Djibouti, arrimaha ammaanka, gar gaarka bani’aadanimada, canshuuraha berriga.
Afhayeenka Xukuumada ahna La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Eng. C/raxmaan Yariisow oo markii uu kulankan soo dhamaaday saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu uga warbixiyay Golaha shirkii uu Nairobi uga qeyb galay 9-kii Janaayo shirka isku xirka iyo la socoshada Road Map-ka.Hadaba qoraal saxaafadeed ka soo baxay shirkan oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:
War-SaxaafadeedShirka Golaha WasiiradaMuqdisho – 19 January 2012
(Muqdisho,19 January 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uushir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaalooga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin safarkii Ra’iisul Wasaaraha kutegey Kenya iyo Djibouti, arrimaha amniga, Gargaarka Bani’aadanimo, canshuurahaberriga iyo warbixin wasiirka Haweenka iyo 3 wasiir ku xigeen oo ka qeybgalayshir ka dhacay Tunis.
Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Nairobi uga qeybgalay 09kiiJanaayo shirka isku xirka iyo la socoshada Roadmapka. Shirkan ayey beeshacaalamku ku ammaaneen Dowladda Soomaaliya horumarka ballaaran ee laga sameeyeyRoadmapka sida dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, isku xirka maamulada iyodowladda dhexe, dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka. Sidoo kale Ra’iisulWasaarahu waxuu ka warbixiyey booqashadii rasmiga aheyd ee uu ku tegey Djiboutioo uu sheegay in Madaxda Djibouti ay si heer sare ah u soo dhoweeyeen, islamarkaana uu la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelleh, Ra’iisulWasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte iyo qaar ka mid ah wasiiradaDjibouti. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dowlada Djibouti ay rajo badan kamuujiyeen horumarka ballaaran ee Dowladdu ku tallaabsatay ee dhan walba sidaabaaraha, amniga, iyo dhaqangelinta roadmapka.
Wasiirada Amniga ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhanka amniga oo howlgalo ayciidamada amnigu sameeyeen lagu guuleystay oo 12 qof lagu soo qabtay iyo 18 qori.Golahu waxey ku ammaaneen hay’adaha amniga dadaalkooda waxeyna isku raaceen indegmooyinka ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaaisla markaana loo soo celin lahaa kala danbeyntii iyo sharaftii shacabkaSoomaaliyeed. Goluhu waxey ku ammaaneen shacabka sida ay ula shaqeeyeenhay’adaha amniga, kana codsadeen in shacabka iyo hay’adaha amniga ay siixoojiyaan wadashaqeyntooda.
Guddiga Wasiirada Abaaraha ayaa warbixin siiyey golaha ee ku wajahan sida ay u socdaanhowlaha gar-gaarka bani’aadanimo, waxeyna sheegeen in qorshihii Dowladda eedib-u-dejinta barakacayaasha uu bilowday oo dhowaan la qorsheynayo in illaa 10kun oo qoys loo sameyn doono dib-u-dejin dhameystiran.
Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa ka warbixiyey howlo lagu hirgalinayo canshuurahagaadiidka, waxeyna sheegeen in qorshahaas uu si wanaagsan u socdo. Golahu waxeyugu baaqeen gaadiidleyda inay iska bixiyaan canshuuraha ku waajibay oo 1daFebraayo gaadiidka aan bixinin canshuurtii ku waajibtay la saari doono ganaax.Wasaarada Maaliyada ayaa waxey ka warbixisay muhiimada canshuuraha si loofuliyo adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada, caafimaadkaiwm, waxeyna ka codsadeen in ganacsatada ay kala shaqeeyaan wasaaraddamaaliyadda howlaha canshuur ururinta.
Ugu danbeyntii Wasiiradda Haweenka ayaa waxey ka warbixisey shir ay ka qeybgashayoo looga hadlayey gudniinka fir-fircoon oo ka dhacay magaalada Garowe oo aysheegtay in shirku uu ku dhamaaday guul iyo is-fagarad isla markaana ay kalatashan doonto wasaarada caafimaadka iyo garsoorka dhaqangelinta barnaamijkan.
Sidoo kale golaha waxa warbixin siiyey wasiir ku xigeenada Biyaha, Tamarta, iyoBeeraha iyo Xanaanada Xoolaha oo safar shaqo ku tegey magaalada Tunis, kulamanala yeeshay Bankiga Horumarinta Afrika oo ay sheegeen in Bankigu uu diyaar uyahay inuu maalgeshi ku sameeyo Soomaaliya. Waxey kaloo sheegeen in Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali uu u saxiixay Bankga HorumarintaAfrika 3 million oo mashaariic biyo gelin ah loogu sameynayo Somaliland.
 
- DHAMAAD-


Xafladda Furitaan Xaafiiska Xisbiga DPS oo London ka dhacaysa.

$
0
0

London:(GMN) Guud ahaan Umadda Soomaliyeed ee ku dhaqan Magaaladda London iyo nawaa xigeeda waxaa laga codsanayaa inaay kasoo qayb Galaan Xafladda Furitaanka Xisbiga DPS.
Xisbigaan DPS oo ah Xisbi siyaasadeed si wayn ugu howlan dib u dhiska dalka Soomaliya iyo wacyi galinta dhalinyardda Soomaliyeed ayaa waxaa Gudoomiye ka ah Generaal Maslax Maxamed Siyaad oo ah ruug Cadaa Siyaasadda Soomaliya ku Jiray 50kii Sano ee ugu dambeeyay asagoo Xilal kala Duwanna kasoo qabtay Dowladdii kacaanka.
Maslax Maxamed Siyaad ayaa burburkii Dowladda Soomaliya wixii ka dambeeyay aan Wax siyaasad ah ku lugyeelan asagoo inta badan shacabka Soomaliyeedna Aay ku Tilmaamaan Hogaamiye Aragti fog leh isla markaana Umadda Soomaliyeed ku haggi karra Siyaasad midaysan oo Soomaalinimo ku dhisan.
Sikastaba ha ahaatee Xisbigaan DPS Ayaa Inta badan u muuqda mid si xowli ah aay shacbiyadiisu usoo badanayso ayaddoo la dhihi karro Wuxuuu u muuqdaa Xisbiga ugu Shacbiyadda haatan ee ka Jirra Dalka Soomaliyeed.
Usku Soo Wada duuboo dhamaan Shacabka Soomaliyeed Waxaa laga Codsanayaa Inaay kasoo qayb galaan Xafladda Xisbiga ayagoo soo abaaraya Ciwaanadda hoos ku qoran isla markaana dheehan karra Xiliga Xafladdu dhacayso.
 
Goobta iyo waqtiga
Hotel jurys inn, milton keynes,
address-midsmmer boulevard
central milton keynes,
MK9 2HP
England.
Taariikhda-22/01/2012
waqtiga-03.00pm—10pm
Waxii faahfaahina kala xiriir
Cabdi cismaan nuur–tell-07983971841
Cumar Dheere-tell- 07538882873….
Cali Yaasiin Gurbe
Gedoonlinenews@gmail.com

Maamulka Galmudug oo Heshiiyey

$
0
0

Khilaaf in muddo ahba u dhexeeyey hay'adaha kala duwan oo maamulka Galmudug ayaa Afhayeenka Baarlamaanka ee maamulkaasi sheegay in la dhameeyey.

Afhayeenka baarlmaanka ee Galmudug Xasan Heyl oo VOAdu wareysi la yeelatay ayaa sheegay in xubin kasta oo maamulka ka mid ah ay xilkeedii hore dib ugu soo noqon doonto.

Horay ayaa baarlamaanka Galmudug uu u sheegay inuu xilkii ka qaaday Madaxweyne Axmed Caalin, halka madaxweynuhuna uu ku gacan seyray.

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Muqdisho: Hay'adda MSF oo Xirtay Xarumo Caafimaad

$
0
0

Hay’adda Caalamiga ah ee Dhakaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sheegtay inay xirayso xarumo caafimaad oo ka furnaa caasimadda Somalia ee Muqdisho, ka dib markii labo shaqaalaheeda bishii hore magaaladaas lagu dilay.

Kooxdan ayaa Khamiistii maanta sheegay inay xirayaan goob ay 120 sariirood yaalleen oo ku taallay degmada Hodan, halkaas oo lagu daweyn jiray cudurada nafaqo-darada, Jadeecada, iyo shuban biyoodka.

Isu-duwaha Hay’adda, Christopher Stokes, ayaa sheegay inay adag tahay in adeegyadan laga joojiyo meel ay hay’addu naf ku badbaadinayso, laakiinse, “dilkii naxdinta lahaa” ee shaqaalaheeda loo geystay uu howsha ka dhigay mid aan sii socon karin.

Xiriiriye u dhashay dalka Belguim iyo dhakhtar u dhashay dalka Indonesia ayaa 29kii bishii December ee sanadkii hore waxa dil u geystay shaqaale maxali ah oo ay hay’adda u shaqeynayey.

Sidee loga bixi karaa Qabyaalada loona dhisi karaa maamul cadaalad ah

$
0
0

Sidee loga bixi karaa Qabyaalada loona dhisi karaa maamul cadaalad ah
 
Waxaa mahad oo idil u sugnaantay Allah Aburay circa iyo dhulka Intaa kadib waxan rabaa inta aan u guda galin maqaalka inaan hor dhac yar aan ka sameeyo dibna usoo eegno wixi dhacay, Laga  soo bilaawo 1991 ilaa 2011 laga soo bilaawo marki xukunka laga tuuray Madaxweynihii Maxamed Siyad barre oo ahaa nin wax badan ka soo qabtayAminiga iyo dhismaha dalka Somalia lkn dad badan o soomaalida   marka la yirahdo maxamed siyaad barre waxa u ahaa nin dalka wax badan uso qabtay ka xanaaqayo lkn xaqiiqda la iskama indha tiri karo hadii aan halkaas kaga gudbo  waxeynu so marnay marxalado kala duwan oo la is dhihi karo waxey ahayd marxalado ku dhisnaa Qabaa’ilo  u dhaqmi jiray qaab beleed iyo hogaamin kooxeed qabiilka oo ansi dhihi akrnowaxa uu usoo nooladay si aan khayrulcaadi ahan ,  waxan is dhihi karnaa marka la eego  waqtigii an soo marnay waxey ku salaysnayeen qaabka la yirahdo  Rule and Divide oo uu ku dhaqmi jiray Kufaarkii weynaa ee Fircon nacalatullah   qaabkaas oo ah qaab uu u adeegsanjiray  Dadkii uu xilagaa gumeysan jiray o usameyn jiray  inuu qabiilna la heshiiyo ooo uu sarre u qado qabiilna uu gumeysto waa qaabka eey iminkaba ku dhaqmaan Dowladaha isticmarka sida America oo kale sida aan wada ogsoonahay waxan is dhihi karaa waxaaa Amni lataaban karo ama maamul lataaban karo ka qabtay Somalia maxkamadihii Islamica ahaa oo  oo iyaguna ku yimadeen Tijaabo shacab oo aan isdhihi akro ilaa iyo xad wuu guuleestay hadafkoodii ahaa iney nabadeynaan inta eey ka talin jireen   inkastoo eey ubadnaayeen Dhalinyaro aan sidaa u sii khibrad badneen tasi oo aan is dhihi karno  sabab waey u ahayd iney  burburaan  Maxakimta Silamicga ahaa  inta kadib waxaan filayaa in eey dhibaatada kowaad tahay qabilka oo loo adeegsaday si aan sax ahayn taasi ooo keentay in la is aamini waayo  waana tan halkaa ina dhigtay manta oo aan calamka ka harnay  lkn su’asha is weydiinta mudan waxey tahay side looga gudbi akraa Qabkan qabiilka ah ee loo heli karaa Maamul cadaalad ah oo la aamini karo?
 Waxaan is dhihi akrnaa waxaa loogabixi akraa Qbayaalada waa hadii la helo dhowr arimood  in eeeynu khaadano Ku dhaqanka sharciga ah ee Islamka waayo somalida waxey taqana in siyaabo kale wax loo maldaho sida in xeerbeeg aan sharciga ku  saleysneen wax lala aado kadibna wadada loo soo laabto si kadhacday bari hore Somalia iminkanaba is dhihi akro wey ka jirtaa Tusaale: Ninbaa  Bari Gaadhi ka dhacay deetana rerkisa ayaa waxey u yimaden ninkii gaadga watay waxey ku yirahdeen Inaga garbax oo inankanagii ayad dishay ,waxa uu ku yidhi wayahee bal sharciga Islaamka ina geeya waxad ku heshaan iga qaata ,rerkii aya dib isugu noqday waxeyna isyiraahdeen Armaad sahrciga islamka wax ku weysaan war sharcigaa inoogu kariyoo gaari laga dhaco iminka inooguma horeyne ina hebal ayaa kadhacay sidaa ayaa lagu xalay haa kadaa.. markaas ayu yiri hada waad diideen soo ma’aha sharciga islamka bal halka kale ee aad rabtaan ina geeya ayuu ku yiri  kadibna waxaa la isla aaday xeerbeegtii markii ina hebval garigii hebal ka dhacay waxaa lakala qaatay intaa iyo intaa bal  weynu xakh simanaynaye inoogu yeera wadaad kutaabka inoo eega inta uu la’egyahay xakha wa imisa halaad ,markaas ayuu ninkii yiri bal suga soo idinkii diiday sharcigii Islamka kan waa sharcigiiye bal meel kale geeya marki horeba waa diideena deem el kaloo xakha lagu simo ma jarto wax kastoo dhaca waxaa sima xakhoda wa un wadad wadana waxa uu eegayuaa sharciga islamka marka aniga waxaan aaminanahay in sharciga islamka ma’ehee wax kale iney dadkaan lagu xakmi akrin marka wa in la helaa horta caqiido saxan kadibna lagu dhaqmaa islaamka dadka Muslimiinta ah waxa kala cecliya ama kala sara Kitaabka iyo Sunnaha  wax kale ma kala saari karaan  wayo hadii qofkii qof dila la dilo lama helaayo qof kale o qof dila wayo qof waliba Naftiisa wuu jecelyahay ilaaheyna markii uu ka waramaayay waxa uu yiri:sedan: (( ولكم في القصاص حياة يا أولي الألباب لعلكم تتقون   waxa idinku jirta khasasta nolol  wanagsan  hadi aad tihiin kuwa dhowrson marka ilah ayaa inoo cadeyay iney tahay islaamka hoganka saxda ah  waxey tahay in la samro wax walbo loo samro waa inaanan khuusan lagama quusto naxariista alah ma’aha in Somalia waligeed isdaan ku jireyso wayo illah ayaa inoo shegay iney tahay waxan aad arkeysaan malmo  lakala warwareejinaayo qofba amr ayu helaya illah isagooo ka waramaaya maxuu yir(وتلك الأيام نداولها بين الناس) marka waa inaan Allah ku kalsoonaana wax waliba wa sabir imisa qof xun ayaa ku jirta dadka oo loo bahanyahay in loo samro imisa qof ayaa inta wax loshego aan khadanayn ma’aha inad tiraahdo war wu qadan wayee inagada wa in aad markasta ad wax usheegtaa samarku waa wax qaali ah amrka aniga xey ila tahay in looga gudbi akro marxaladaan aan hada ku jirno
1:waa inaynaan Quusanin nolosha lagama quusto Maxawalaadku iney istaagin wanaag in la radiyo iney laabud noqoto
2 waaa in mabaa dii’da islaamiga ah ku sugnaano  daruuf kastoo timado  si kastooo caalmka oo dhan uga soo hor jeesto  hadana waa caqiido iyo diin allah soo dajiyo waa inaan ku dhaqanaa  oo waliba nafta inooga baxdo anagoo heesana caqiidada islaamiga ah
3 Noloshu waa halgan halgankuna waa ka imanaya dhibaato wa in loo samro ma’ahan yesan kula noqon halgankain Xal;wad la isku siinaayo wa in loo samara
4  waaa in Illah kasooni ku qabno  Mahmaa gaal iskutago inii ku dhibaateeyo allah hadad tala saarato waxba kaama qaadi karo gaal
5 waa in taariikhda dib an u eeeghno wa la dhibatoon jiray wa la jabi jiray markad eegto dhibatada soo amrtay Asxaabtii iyo nabigii NNKH waxa anaga ina heesta waa wax aad u fudud marka waa inaan u samarnaa dhibatada kuna dhaqano sharciga islamka
 
W/Q Qoraaga sarre maxamed cumar Faarax bicir (Honest)
 Email :mohamedyare_143@hotmail.comEmail :maxamedsaxafi@gmail.com
Mobile:+252-24064356

Sidii Nabada Somalia Losoo Cilin Lahaa,Sh.Maxamed Idris Iyo Sh Bashir Shiil

$
0
0

Sidii Nabada Somalia Losoo Cilin Lahaa,Sh.Maxamed Idris Iyo Sh Bashir Shiil.

Short But Important Story and Strong Message To The Muslims [Abdurraheem Green]

$
0
0

Short But Important Story and Strong Message To The Muslims [Abdurraheem Green]
 

Uganda oo sheegtay in Al-Shabaab ay damacsan tahay in dalkeeda ka geysato weeraro aar-gudasho ah

$
0
0

Dowladda Uganda ayaa ka digtay weeraro Al-Shabaab dooneyso inay dalkeeda ku soo qaado, si ay uga aar-gudato, kadib markii Ciidamadooda wiiqeen awooda Al-Shabaab, saldhigyo badan oo ku yaala Muqdisho kala wareegtay.
Jeneraal ka tirsan Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Ivan Koreta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sameyn karaan wax walba oo ay waxyeelo uga geysan karaan dadka Uganda sida uu yiri.

“Waa suura gal in Al-Shabaab sameeyaan isku day kasta ama ficil walba oo waxyeeleyn kara bulshadeena, waxayna qiil ama mar marsiiyo uga dhiganayaan doorka howl galka AMISOM aan ka qaadaneyno”ayuu yiri Jeneraalkan.
Sirdoonka Uganda ayaa hada bilaabay dhaq dhaqaaq la xiriira xog ay heleen oo ku saabsan in Al-Shabaab doonayaan in weerar ka fuliyaan dalkooda, waxaana jira digniino isa soo taraya oo Laamaha Ammaanka ay bixinayaan.
Uganda ayaa door weyn ku leh howl galka nabad ilaalinta AMISOM ee Muqdisho, Ciidamada ka socda Uganda ayaa ah kuwa ugu badan Muqdisho ku sugan.
Sanadkii 2010-kii bishii June ayay aheyd markii Al-Shabaab qaraxyo mataano ah ka fuliyeen Magaalada Kampala, goobo lagu daawanayay Final-kii ciyaarihii Aduunka, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70-ruux.


Pele Maxaa Daba Dhigay Messi ?

$
0
0

Gedo Online Sports - Boqorka Kubbada Cagta Pele, ayaa is barbar dhigay isaga iyo Messi cida fiican, wuxuuna ku faanay Messi ha dhaliyo 1,283 gool isla markaana haku guueyto sedex koobka Aduunka ah ka dib ha ila hadlo hadii kale meel ha fariisto.
Pele oo dhaliyey goolasha kor ku xusan isla markaana qaaday sedex koob aduun ayaa Messi fariin u diray uu ugu digayo inuu wali uusan gaarin heerkii lala simi lahaa Boqorka Kubbada Cagta Pele.
71 –jirkaan ayaa cadowtinimo xun ay kala dhaxaysaa dalka Argentina gaar ahaan mucjisada kubbada Cagta Diego Armanda Maradona taasoo keentay inuu la xafiiltamo laacibiinta reer Argentina.
Messi koow iyo laba wax uma joogaan shaqo adag ayaana sugaysa siduu igu soo gaari lahaa ayuu yiri Pele mar la weydiiyey sida uu arko laacibka Aduunka ee sannadkii tagay Messi. Jid dheer ayaa sugaya waana inuu ku guuleystaa koobab badan ayuu yiri markale PELE.
Ciyaaryahanka xulka Qaranka Argentina Lionel Messi ayaa noqonaya qofkii labaad taariikhda ee hela Abaal marinta Ballon D’Or.
Pele ayaa qirtay inuu Messi taageere u yahay balse uu kasoo horjeedo in isaga lala bar bar dhigo. Wuu jabin karaa natiijada ugu sareeysa ee ciyaaraha kubbada cagta balse aniga ima gaari karo ayuu mar kale ku celiye Pele.
Messi haduu dhaliyo sideeyda oo kale 1,283 gool oo misana xulkiisa kula guuleysto 3 jeer koob Aduun sideyda oo kale ka dib ha ila hadlo ayuu Pele fariin ugu diray.
Dadka ayaa i weydiiya mar waliba goormee ayuu imaanayaa Pele cusub waxaana u sheegay dhamaantood Waalidiinteyda Warshada weey damiyeen, taasoo uu ula jeedo Pele cusub ma dhalayaan hooyadeey iyo aabahay.
Pele ayaa hada ka hor fariin u diray Messi taasoo uu umarsiiyey saxaafada ”Waxaan kusoo dirayaa cajaladahayga waagii aan adiga kula ekaa fiirso sidaan wax ugali jiray ayuu yiri Pele”.
Messi oo u jawaabayana wuxu ku yiri wali ma arag cajaladahaaga imana soo gaarin.
Gedo Online News
Gedoonline@gmail.com

Xarakada Al Shabaab oo damacsan inay qaraxyo cul culus ay ku gil gisho Magaaladda Kampala “Top News”

$
0
0

Dowladda Uganda ayaa waxay shaaca ka qaaday inay soo wajahday arin dareen culus leh, kadib markii ay ka war heshay in Xarakada AlShabaab ay damacsan tahay, inay qaraxyo waaweyn ay ka geysato gudaha dalka Uganda.
Ku Xigeenka Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Uganda General Ivan Coretta oo ku sugan Wadanka Marocco, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay ka war helleen in Xarakada Al Shabaab ay qorsheyneyso qaraxyo waaweyn oo ay ka geysato gudaha dalka Uganda, gaar ahaan Magaaladda Caasimadda ah ee Kampala.
Wuxuu tilmaamay in Xoogaga Shabaab ay yihiin kuwo argagaxiso ah, wuxuuse xusay inay mar walba doonayaan sida uu sheegay inay dhibaato ka geystaan Qaaradda Afrika, balse wuxuu qeexay inay taasi kahor taggi doonaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in Dowladda Uganda ay Wadamada Qaaradda Afrika kala kaashaneyso dhinaca Sirdoonka, si buu yiri looga hortaggo weerarada ay maleygeyso kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab.
General Ivan Coretta ayaa wuxuu tibaaxay in Dowladda Uganda ay si kastaba uga hortaggi doonto weerarada ay qorsheyneyso Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in mid meesha ku jirto ay tahay in la-wiiqo Al Shabaab.
Iskusoo wada-duuboo Ku Xigeenka Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Uganda General Ivan Coretta, ayaa wuxuu Dowladda Marocco uu ka dalbaday inay gacan ku siiso, sidii Xarakada Al Shabaab looga ciribtiri lahaa Geeska Afrika oo dhan, si markaasi ay meesha uga baxdo cabsida laga qabo Al Shabaab.

General Dhaga Badan oo sheegay inaysan faro ka qodneen dagaalada culus ee xilligaan lagu qaaday Al Shabaab

$
0
0

General C/Kariin Yuusuf Aadan ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay isa soo tarayaan guulaha balaaran ee dagaalada looga gaaraayo Xarakada Al Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in Xarakada Al Shabaab ay soo wajahday arin xasaasi ah.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, oo markale Saxaafadda la-hadlay, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay guulo muhiim ah ay ka gaareyn Xarakada Al Shabaab.
Abaan Duullaha ayaa wuxuu sheegay in dagaalada shalay Shabaab looga sifeeyay Magaaladda Muqdisho oo dhan, isagoo intaasi ku daray in goor dhaw ay taggi doonaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya oo dhan, isagoo markaasi sheegay inay baacsanayaan Al Shabaab.
General Dhaga Badan ayaa wuxuu xusay inaysan faro ka qodneyn dagaalada ay xilligaan kula jiraan Al Shabaab, waayo buu yiri dagaalada maaha mid ku koobnaan doono goobihii shalay looga saaray oo dhan, isagoo intaasi ku daray inay taggi doonaan meel walba oo ay jooggaan Ciidamadda Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu qeexay in dagaalada Shabaab ay ka soo gaareyn khasaarooyin culus oo baaxad leh, isla-markaana wixii dhibaato ah oo ay u geysteen shacabka Somaliyeed, ayaa wuxuu sheegay inay ka aar-gudayaan Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu ugu dambeen uu Ummada Somaliyeed uu ugu baaqay inay taageeraan Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed.

Al-Shabaab Oo Qiratay Jabkeeda

$
0
0

Muqdisho – GMN - Al-Shabaab, ayaa si naf lacaari ah u sheegatay inay guulo aan muuqan ka gaareen dagaaladii qaraaraa ee shalay looga saaray fariimihii ugu dambeeyey ee ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.
Afhayeenka dhanka Howlgalada Al-Shabaab Sh C/Casiis Abuu Muscab Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaaladaas ay dhankooda guulo ka gaareen.
Waxaa uu sheegay in dagaalo xoogan looga soo qaaday jihooyin badan oo Muqdisho ah, iyagana ay xireen wadooyinka laga soo xiray waarkood, ayna fasaxeen jidka aada Dhanka Jaamacadaha Muqdisho.
“Waxay isdku dayeen [AMISOM] inay dhul ballaaran isku dayaan iyagoo weerarka ka soo qaaday nawaaxiga Jaamacadii Muqdisho illaa warshada Baastada wayna ku jabeen xaqiiqdii oo dhibaato xoogan ayaan u geysanay” ayuu yiri abuu Muscab.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa Tilmaamay in ay sax tahay in deegaano laga qabsaday, laakiin aysan ahayn sida loo sheegayo.
“Waan wadaynaa dagaalada waxaana ognahay in ay cadwga ku jabeen kii shalay oo askar badan laga dilay gaadiidna laga gubay’ayuu Abuu Muscab Tilmaamay.
Dhinaca kale Taliska Dowlada KMG iyo kuwa Amisom ayaa guulo ka sheegtay Dagaalkii ka dhacay Degmooyinka Yaaqshiid, Hurwaa iyo Dayniile.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
 

Dhimashada iyo dhaawaca oo sii badanaya Magaalada Lascanood

$
0
0

Guud ahaan magaalada Lascanood ayaa si weyn isu badashay, waxaana hada magaalada gudaheeda ku dhex dagaalamaya maleeshiyaadka snm iyo shacabka lascanood
Wali macada dhishada iyo dhaawaca, balse waxaa la sheegay in ay dhinteen shacab diro ah, dhaawacuna uu aad u badan yahay.
Dagaalka ayaa ah mid dhigax ay ridyaan shacabka, halka ninka SNM uu ridayo Barooka iyo qoryaha waa weyn siiba madaafiicada culus oo aan loo aabayeelayn………
Waxii ku soo kordha kala soco Radiowidhwidh.com

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo deeq gaarsiiyay caruurta ku jirta Xerada Qaxootiga Kaakuma (Sawirro)

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameerika ayaa kormeer ku tagay Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, oo ka mid ah xerooyinka ugu waa weyn dalka Kenya, isagoo gaarsiiyay deeq kala duwan oo caruurta xeradaas ku jirta ugu dhiira gelinayay waxbarashadooda.
Danjire Ameeriko ayaa tagay Iskuul ay wax ku bartaan caruurta qaxootiga, isagoo mid mid ula kulmay, kana dhageystay wixii ay soo barteen, waxaana Danjiruhu uu gudoonsiiyay Arday walba buugaag, qalibaan iyo alaabo kale.
Waxaa uu sheegay in kormeerkiisa uu jawaab u ahaa codsi horay uga yimid waxgaradka iyo Maamulka Xerada oo ay ku codsadeen inuu xeradaas soo booqdo, isla markaana uu qaatay tallaabadaas si uu caruurta Soomaaliyed ee ku jirta Xeradaas ay waxabarasho wanaagsan u heli lahaayeen,

Danjiraha ayaa sheegay in caruurta deeqdii uu gaarsiiyay ay ku farxeen, isla markaana niyad ahaan ay ahaayeen kuwo aad ugu niyad samaa, waxaana uu cadeeyay in hada iyo wixii ka dambeeya uu ka war heyn doono caruurta ku jirta xeradaas ee waxbaraneysa.
Sidoo kale ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyed ee wax heysta inay caawiyaan walaalahooda qaxootig,a isagoo sidoo kalena baaq u diray hey’adaha gar gaarka inay sii wadaan howlahooda sama fal ee ku aadan dadka qaxootiga,
Waa markii u horeysay ee uu Safiir Ameeriko deeq uu gaarsiiyo Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, iyadoo tani muujineyso sida Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya uga war heyso qaxootiga Soomaaliyed ee dhibaatooyinka xaga nolosha heysta.






Al Shabaab oo ay ka soo yeertay hanjabaado culus iyo gurmad xoogan oo u yimid “Warbixin Xasaasi ah”

$
0
0

Waxaa markale laga cabsi qabaa in dagaalo faraha looga gubto ay ka dhacaan Magaaladda Muqdisho, kadib markii shalay dagaalo culus meelo badan looga qabsaday Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Gurmadyo xoogan oo taageersan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ka kala imaanayaan qeybaha kala duwan ee Goboada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, waxayna doonayaan inay dib u soo ceshtaan meelihii shalay dagaalada looga qabsaday.
Wararka ayaa waxay sheegayaan ilaa 5,00 oo dagaal-yahano oo taageersan Xarakada Al Shabaab inay saacado kahor ka kala yimaadeen Degmooyinka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ku yaalla.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan inay ku soo qul qulaayaan duleedka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyagoo markaasi doonaaya inay dagaalo toos ah ay kala horyimaadaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu maanta Saxaafadda uu u sheegay, inay dib u soo ceshan doonaan goobihii shalay dagaalada xoogan looga qabsaday.
Ugu dambeen Sheekh Abuu Muscab ayaa wuxuu ku hanjabay inaanan weli dagaalada lagu kala bixin, isla-markaana wuxuu ka dhawaajiyay inay diyaar u yihiin, sidii ay u soo ceshan lahaayeen goobihii shalay laga qabsaday.


Al-Shabaab oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay gaareen halkii Ciidankii Itoobiya ku sugnaayeen

$
0
0

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalada Muqdisho uu weji cusub galay, cadawgana uu bilaabay inay awoodooda ku baahiyaan Magaalada oo idil.
War saxaafadeed ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay gaareen halkii ay Ciidankii Itoobiya ee Muqdisho qabsaday sanadkii 2007-dii gaareen.
“In Ciidanka Cadawga is baahiyaan oo awoodiisa ku baahiyo magaalada, waxay dan u tahay cidii bilo ka hor magaalada ka baxday, iyagoo aan wax awood ah loo sheegan”ayaa lagu yiri qoraalka saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalka Xarbul Cisaabaadka uu saddex marxaladood u qeybsan yahay, oo mid walba dhib ku yahay awooda nidaamiga ah.
1-Waa in dagaalka Waqtiga loogu dheereeyo cadawga si ay u nacaan dagaalka oo ay u daalaan ayna ka quustaan dagaal halka ciidanka awoodda yar ee saanta Fudud ay caaboon yihiin ayna doonayaan xaqiijinta Mabda’ooda.
2- Marxaladda Labaad waa istinzaaf ama Dhiig-bax waa marxad aad u adag oo cadawgu xeryaha ku soo koobmaan ayna dhiig bax ugu dhintaan xeryahooda.

Marxaladan waa Marxaladda ugu wanaagsan ee Shabaab ama cid walba oo awood yar ee ka horjeedda quwad Nidaami ah oo macnaheedu yahay ciidan Saddex jiho ka dhisan oo dowli ah sida Ciidanka Badda, Barriga iyo Cirka.
Ciidankii Itoobiya ee Muqdisho qabsaday waxay mareen marxaladahan markii dambana iyagoo dhiigoodu shubmayo ayay isaga bexeen Muqdisho iyo gobolada dalka.
3-Waa soo afjarid la soo afjarayo cadawga maadaama ay dhan walba ka jabeen, mujaahidiinta ayaa marxaladaasi heli doonaan hub iyo dhaqaale xoogan maadama ay gaareen wixii ay u soo halgamayeen isku dheeli tirsanaan ayaa dhacaysa waxaana sharciga alle lagusoo rogi doonaa meelaha ay cadawgu kabaxaan.
Marxaladahaan aan soo sheegnay waxaa maraxalad cadaw walba oo dal ku duula uu maro waxaana soo maray ciidanka Mareykanka Ciraaq ku duulay hadda  waxaa marxaladan ku sugan ciidanka Mareykanka ee Afghanistan.Taalibaan waxay cadawga ku qasabtay in ay ku sugnaadaan saldhigyadooda mana awoodaan cadawgu in ay dhaq dhaqaaqyo sameeyaan.
Xiligii Itoobiyaanka ayay tijaabada nuucaan ah soo martay Soomaalida taasi oo ka dhigtay in weligood aysan ka welwelin cadaw ku soo duulo dalkeena Soomaaliya.
War saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli shalay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM isku fidiyeen qeybo hor leh oo daafaha iyo duleedka Magaalada ah, kadib markii ay gaareen goobo aanay horay u joogin.
Marka loo eego la wareegida goobaha cusub oo ah dhul ballaaran oo howd ah waxay calaamad su’aal saareysa sida Ciidamada u xajistaan difaacada aagagooda, isku xirka sahayda iyo saadkooda, waana hubanti in Ciidamada AMISOM ay weji cusub oo dagaal ay galeen

Macllimiinta Dugsiyada Quraanka ee Gobolka Shabeellada Hoose oo iyagoo fakad ah soo gaaray Muqdisho. Maxey ka soo baxsadeen?

$
0
0

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray inta badan Macllimiintii malcamadaha Quraanka Kariimka ah ee gobolka Shabeellada Hoose wax ka dhigi jirtay.

Macallimiintan oo maalmihii la soo dhaafay koox-koox u soo geliyay magaalada Muqdisho ayaa iyagoo weli baqdin qaba waxay warbaahinta qaarkood u sheegeen inay ka soo baxdeen maamulka al Shabaab ee gobolka oo macallimiintaas amaro ku soo rogay.

Macallimiintu waxay sheegeen in kadib markii al Shabaabku amreen in albaabada loo laabo mudo kooban Dusgiyada Quraanka lagu barto ee gobolka si macallimiinta loo siiyo carbis la xiriira jihaadka lagu amray qaarkood inay gobolka ka tageen halka qaar kalana ay naftooda la soo baxsadeen.

Firxadka ay macallimiintii dugisyada Quraanka ee gobolka Shabeellada Hoose ka soo firxanayaan deegaanadoodi ayaa ka dambeeyay amarkii maalmo kahor ka soo baxay al Shabaabka gobolkaas ka taliya, amarkaas oo macallimiinta farayay inay dugsiyada xiraan mudo kooban kadibna soo qaataan tababar ku saabsan dagaalka Jihaadka ay al Shabaabku ku sifeeyaan ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com  

Rabshaddo ka Dhacay Laascaanood

$
0
0

Rabshado dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Laascaanood kaddib markii ay ku dhaceen dibadbaxayaal iyo ciidanka amniga Somaliland.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay ka hortagayeen dad kale oo magaalada dibedda uga yimid oo doonayay inay sameeyaan banaanbax Somaliland lagu taageersan yahay.

Wararka ayaa sheegay in dadka dibadaxayay ay isku dhaceen ciidanka Somaliland, kaddibna ay ciidamadu fureen rasaas.

Goob joogayaal ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen in kabadan 11 kalena ku dhaawacmeen rabshadaha maanta.

Puntland oo ka Soo Horjeestay Khaatumo

$
0
0

Maamul-goboleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u sheegay inay ka soo horjeedaan maamulka Khaatumo ee lagu dhisay shirkii Taleex.

Dhageyso warbixinta ku saabsan mowqifka Puntland ee Khaatumo.

Cawayska: Faadumo Cabdilaahi Maandeeq (Q-3aad)

$
0
0

Cawayska waxaan idiinku haynaa qobonayaal xiiso leh iyo qeybtii saddexaad ee wareysiga Fannaanadda Faadumo C/laahi Kaahin Maandeeq.

Dhageyso barnaaamijka oo dhameystiran.

 

.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live