Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wafdi ka Socda DKMG oo Tagay Baydhabo

$
0
0

Saraakiil ka tirsan DKMG oo u hoggaaminayo wasiirka Gaashaandhiga, Xsueen Carab ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wafdifgan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee tagay magaalada Baydhabo tan iyo markii maamulka magaaladaasi uu gacanta u galay ciidamo Ethiopian ah iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa kulamo la qaatay qeybaha bulsha iyo ciidamada ku sugan Baydhaba.


Daraasad La Sameeyey Ayaa Lagu Soo Bandhigey In 10 Kii Sanadood Ee U Danbeeyey Bulshadda Britishku Ay Diinta Islaamka U Soo Galayeen Si Xawli Ah.

$
0
0

London(OWN) Tiradda dadka Britishka ah ee soo galaya diinta islaamka ayaa laba jibaarantey tobankii sanadood ee u danbeeyey , waxana lagu ogaadey daraasad qotodheer oo la sameeyey si loo qiyaaso tiradda dadka Britishka ah ee soo galey diinta islaamka , iyadoo ay tixraacayaan dhibaatadda baahsan ee ka taagan dunida muslimka ayey dadka Britishka ahi si xeelaf dheer u baadheen sababaha loo takooraayo , dadka Muslimka ah hadyo jeerna looga faaloodo diinta Islaamka si aan looga faaloon diimaha kale ee dunida ka jira , hadyo jeerna looga sheego wax khaldan iney yihiin bulshooyinka muslimka ahi , baadhitaankas xeelada dheer ka dib dadka Britishka ahi waxay la qabsadeen iney wax ka ogaadaan diinta Islaamka waxaana arintaasi saameysey in kumanaan qof oo British ahi ay sanadkii soo galaan diinta Islaamka.
 
Qiyaasidda dadka Britishka ah ee ku nool gudaha dalka Britain ayaa aad u adag sababtoo ah tirakoobku makala saari karo dadkani iney yihiin qaar diinta Islaamka ku dhashey iyo qaar haysan jirey diimo kale oo dhawaan ku soo biirey diinta Islaamka , laakiin qiyaas horre loo sameeyey ayaa lagu soo bandhigey in dadka Britishka ahi ee sanadkasta soo gala diinta Islaamka ay tahay ku dhawaad 14,000 ilaa 25,000 , laakiin daraasad kale ayaa sheegeysa in tiradu ay intaas ka badantahay oo qiyaastii dunida dadka soo islaama ay yiriin 100,000 . Iyadoo la isticmaalaayo daraasad kale oo laga sameeyey Scotland sanadkii 2001 da ayaa lagu sheegey in tiradda Britishka ah ee ku nool Britian , qaateyna diinta islaamka  sanadkii 2001 oo qudhi ay tahay 60,699 , lama sameyn daraasad kale sanadkii  ka danbeeyey , rayi ururin laga sameeyey masaajiddada London si loo xisaabiyo tiradda dadka Britishka ah ee soo gala diinta Islaamka sanadkasta , ayaa lagu sheegey in caasimadda oo qudhi ay 12kii bilood ee la soo dhaafey ay soo galeen diinta Islaamka 1,400 oo qofi, waxana la saadaalinaya qiyaas ahaan iyo guud ahaanba dalka Britain in sanadkii la soo dhaafey ay diinta Islaamka soo galeen 5,200 oo qofi , daraasadani kumey koobneyn Britain oo keli ah laakin sidoo kale Germany iyo France ayaa lagu soo sheegey in qiyaas ahaan 4000 oo qofi ay sanadkii soo galaan diinta Islaamka.
 
Dad badan oo British ah oo horre u qaatey diinta islaamka ayaa ka hadlaaya sababa keeney in diinta islaamku ay noqoto diinta keliya ee dadka Britishka ahi ay aad ka ugalaan iyo qiyaas ahaan tiradda guud ee sanadkasta gasha diinta Islaamka ,Batool al-Toma oo ah nin Irish ah isla markaasna galey diinta Islaamka 25 sano ka hor , kana shaqeeya Urur islaam ah , islamarkaasna mashaariico ka geysta arimaha Muslimka , ayaa ku andacoonaaya in tiradda ay daraasadu sheegtey in sanadkasta ay galaan diinta Islaamka ahi ay tahay tiro aad loo yareeyey oo aan run ahayn isago ku andacoonaya in tiradu ay intaas aad uga badantahay , wuxuuna yidhi “Malo ahaanteyda daraasadani tira koobka ay soo saartey waa mid mudo hore la qiyaasey , aad baaney u yartahay”..” sida iska cad waxa lagu soo waramaya dadka soo gala diinta Islaamku iney badanyihiin , iyadoo ay warbaahintu farta ku fiiqdo oo qudha cida sida caamka ah ugu dhawaaqda iney qaateen diinta Islaamka , laakiin dadka qaatey ee aan meel shaac ah isugu so bandhigini ay aad u badanyihiin”.
 
Inayat Bunglawala, oo ah aasaasaha Muslims4UK, isagoo dhiiri geliya in bulshada Britishka ah loo soo bandhigo diinta Islaamka , ayaa ku sheegtey in daraasani tahay wax aan la qaadan karin , marka loo eego tiradda dadka Britishka ah ee soo gala diinta Islaamka Sanadki wuxuuna yidhi “Diinta Islaamku waa diin la faafiyo gaar ahaan waxa faafiya ururadda Musliimta iyo ardeyda jaamacaddaha , bulshada muslimiintuna waxay heegan ugu jiraan sidii aan fikrad khaldan loogu sheegin dadka loona canbaareyn diintooda suubaan ee Muslimka .
 
Daraasadda waxa lagu soo bandhigey in Joornaaladda ka soo baxa dalka Britain tan iyo 2001 dii ay daabacayeen boqolkiiba 32% ay ka hadlaan argagaxisada iyo xagjirnimadda , halka 62 % ay ka hadlayeen dadka Britishka ah ee ku  qulqulaaya diinta Islaamka , warbixintan ayaa ka hadashey in horaanti bishan laba nin oo British ahaa oo qaatey diinta Islaamka lana baxay magacyada guerre Abu Bakr iyo Mansoor Ahmed ay ku dhinteen duqeyn xaga cirka ay oo ay qaadey diyaarad ay laaheen CIA mareykanku ,iyadoo duqeyntu ka dhacdey dalka Pakistan xero ay lahaayeen Al-Qaida .
 
Dad badan ayaa ka warwarsan in dadka Britishka ahi ee qaata diinta Islaamku ay noqdaan dad xagjir ah amaba argagaxiso waa kan mr Mughal isagoo yidhi “Dadka diinta qaata iney noqdan xagjir amaba aragagaxiso waa arin sharci ah , waxanse ka warwarsanahay xaaladda arintani iney waxyeelo u geysan doono dadka doona iney qaatan diinta Islaamka ,kana mid noqdaan qayb ka mid ah dhibaatadda .
 
Catherine Heseltine oo ah 31 jir dhawaana ku soo biirta diinta Islaamka ayaa waxay sameysey sheeko cajiib ah ka dib markii ay noqotey haweeneydii ugu horeysey ee soo gasha diinta Islaamka ee magax ka noqota ururka Muslimiinta Britain” British Muslim organisation” .
 
 
Ugu danbeyn akhriste waxaanu dhawaan idiin soo deyn doona qayb kale oo ka hadleysa dadka Britishka ah ee ku soo qul qulaaya Diinta Islaamka iyo wixii ay kula kulmeen , iyagoo is barbardhigaaya diinta Islaamka iyo diimihii ay horre u aamin sanaayeen iyo weliba dhaqanka dadka muslimiinta iyo weliba qaar la takoorey markii ay qaateen diinta Islaamka.
 
 

 
Maxameddeeq muuse ibraahim
oodweynenews.com/china
shamaxle1@hotmail.com

Maxay tahay ujeedka ka dambeysa ee uu dalka Turkigiu ka leeyahay Dalka Soomaaliya”Daawo”

$
0
0

Dalka Turkiga ayaa waxaa la sheegay inuu caawimaad joogto ah oo dhinacyo badan isugu jirta uu siiyo Soomaaliya, iyadoo markii ugu horeysayna laga furey magaalada Muqdisho iskoolkii ugu horeeyey ee Turkiga, sidoo kale ayaa waxay Turkidu ku caawiyaan hoy iyo raashin kumanaan qof oo barakacayaal Soomaali, Laakiin su’aasha la isweydiin karo ayaa waxay tahay maxay tahay ujeedka ka dambeysa ee uu dalka Turkigiu ka leeyahay arintaas.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Dalka Turkiga oo uu ra’iisal wasaarahoodu Recep Tayyip Erdogan uu sanadkii ayna ka soo gudubnay booqasho ku yimid dalka Soomaaliya, iyadoona uu raysal wasaaraha Turkigu uu ahaa masuulkii ugu sareyey ee aan ahayn Afrikaan oo Soomaaliya booqdo mudo ka abdan labaatan sano ayaa wixii xilligaas ka dambeeyey waxay turkigu bilaabeen gurmad iyo caawinaad aan kala joogsi lahayn oo ay la soo gaareen dalka Soomaaliya iyadoona sida la sheegay uu dalkaas Turkigu soo gaarsiiyey Soomaaliya mucaawino iyo waliba lacag kaash ah oo lagu qiyaasay inay gaareyso ku dhawaad ilaa iyo 400 oo milyan oo doolar, Laakinn waxay dad badan isweydiinayaan islaanimada ka sukoow miyey jiraan ujeedo kale oo ka baxsan arintaas oo uu dalka Turkigu ka leeyahay Soomaaliya, Taas oo sida ay sheegeena xeer dheerayaal siyaasadeed ay jirto inuu dalka Turkigu uu Soomaaliya ka leeyahay arimo siyaasadeed iyadoona sida la sheegay uu dalka Turkigu rabo inuu ku yeesho awood weyn dalka Soomaaliya si ay ugu sahlanaato arimihiisa siyaasadeed ee wadamada Afrika.
http://youtu.be/Xc8dvFGCie4
Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ujeedka uu doonaba ha ka yeeshee dalkaas Turkiga uu yahay mid si weyn u caawiyey dadka Soomaaliyeed oo aysana waligood iloobi doonin ayaa mucaawinada iyo gargaarka uu siiyo Soomaaliya dalkaas Turkiga waxay ka yaabisay xataa heyadaha caalamiga ah ee qaabilsan gargaarka wadamada aduunka iyadoona uu dalka Turkigu kaga hormarey arintaas qolooyinka bixiya gargaarka caalamka, dalka Turkiga oo wali aysan fari ka qodneyn qorshayaasha uu la damacsan yahay inuu ka hirgaliyo dalka Soomaaliya ayaa hadii howlahaas loo maamulo si cadaalad ah ay noqon doonaan kuwo wax tara dhamaan dadka Soomaaliyeed oo dhan.
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland

Qulqulkii tahriibayaasha Soomaalida ee Sacuudiga oo yaraaday

$
0
0

Tani markii Dalka Soomaaliya kadilaacday dagaalo ahli ah isla markaa la afganbiye dowladii soomaaliya aya shacabka soomaaliyeed u firxadeen guud ahaan caalamka waxaana qaarkood maciin bideyn Boqortooyada Sacuudiga waxaana war qoraal kasoo saaray Safaarada SOomaaliya dalkaas kuleydahe waxayna sheegtay in yaraadeen dadkii usoo tahriibi jiray dalkaasi.

Qunsulka Soomaalida ee Dalka Yeman Xuseen Xaaji Axmed ayaa sheegay in soomaalida usoo tahriibi jirtay dalka yeman una sii gudbi jirtay Dalka Sacuudiga aya aad u yaraaday mudooyinkii ugu danbeeye waxaana oo sheegay in dhalinyaro soomaliyeed maalin hore madax furasho loogu afduubtay magaalada Cadan blse safaarad ahaan so dayeen.
Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa waxaa jirkooda ka muuqday dhaawacyo loo geystay intii afduubka loo heystay, iyagoo sidoo kale la kulmay dhibaatooyin kale.
Ma ahan markii ugu horeesey oo Hoos u dhac kuyimid tahriibayaasha soomaalida ayadoo hore ugu sii gudbi jireen dalka Sacuudiga

Xildhibaan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Garbaharey.

$
0
0

Sida ay soo shegayaan wararka aan kaheleyno magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo a ayaa shegyaa in halkaas oo kadhacay dagaal aad u culus kasoo udhaxeeyo Ciidamada dowlada iyo kwa Alshabaab.
Dagaalkan aya yimid kadib markii shabaab soo qadeen waxaana oo bilowday fiidnimadii xalay waxaana lasheegay in oo kadhashay khasaaro balaaran oo soo kale gaaray dhinacyadii.
Xildhibaan Max’ed Sayid Adan oo katirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada DKMG ayaa ku dhawacmay dagaalkaasi maanta,

Xildhibaan Max’ed Sayid Adan oo lahadlay VOA ayaa u sheegay in uu yahay dhaawaca soo gaaray Mid aad u fudud,
Al-Shabaab ayaa iyada Dagaalyahanadeeda waxa ay bilaabeyn Maalmihii lasoo dhaafay in ay weeraro kusoo qaadaan Dhulalka hoostaga Goboladda Gedo iyo Hiiraan oo Al-Shabaabka hore loogala wareegay haatana gacanta ugu jirta Ciidamada dowladda iyo ku ay garabsanayaan.

U Guuriya Dhalinyarada-Qaybta 1 aad( Sheekh Khalid Rashid )

Ra’isulwasaare Gaas oo kusoo Yaaceen Shacabka Soomaaliyeed ee Dalka Sweden”Sawiro”

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sweden ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo dhoweeyeen casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay.
Casho sharaftan ka dhacday Makhaayadda Jubba ee magaalada Stockholm ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Nabadda iyo Horumarka. Xafladan ayaa cashadii ka dib waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadda Sweden, oo isagu jiray oday dhaqameed, dhalinyaro, aqoonyahan, dumar iyo waxgarad kale. Jaaliyadda Sweden ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaantay doorka saliimka ah ee uu ka qaatay sidii amnigii iyo kala danbeyntii dib loogu soo celin lahaa.
Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Safiirka Midowga Yurub Nur Adde, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga Abdiwahab Ugas Khalif iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo aad iyo aad uga mahadceliyey Jaaliyadda Sweden sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen, isla markaana u sheegay in Dowladdiisu ay diyaar u tahay in shacabka Soomaaliyeed uu la xisaabtamo isla markaana sheegay in khudbadiisa rasmiga ah uu maalinta Khamiista ka jeedin doono xafladda Jaaliyadda ugu talo gashay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.





Golaha wasiirada oo maanta shir xasaasi ah yeeshey (War-saxaafadeed)

$
0
0

Muqdisho-hobyonet)Maanta waxaa shirkii caadiga ahaa isugu yimid golaha wasiiradda xukuumada KMG Soomaaliya oo gudoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha Mudane, Max’ed Max’uud Xaaji Ibraahim.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka markii uu furay shirka kadib, waxaa loo qeybiyay golaha qodobada ama ajandaha shirka oo ka koobnaa 3 qodob.
Ugu horeyntii Mudane Max’ed Max’uud Xaaji, Wuxuu warbixin ka bixiyay socdaaladii ra’iisul wasaaraha uu ku marayo qaaradda Yurub, Wuxuuna golaha wasiiradda u sheegay in guul laga gaaray, kolkaa kadib wuxuu hadalka siiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise inuu golaha ka siiyo warbixin booqashadii uu ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Mudane Carab Ciise oo sheegay in wafdigiisa ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan golaha wasiiradda iyo taliyaha ciidanka xooga dalka, Wuxuuna sheegay intii ay halkaasi joogeen iney la kulmeen madax ka tirsan maamulka gobalka Baay iyo mas’uuliyiin kale.
Wuxuuna cadeeyay in ay ka wada hadleen amniga iyo nabad gelyada gobalka Baay sidii loo soo xoojin lahaa, wuxuuna soo qaaday iney yihiin madaxda gobalka Baay kuwo si aad ah u dadaalaya una baahan in dhan kastaba baahidooda wax lagala qabto.
Golaha Wasiiradda Waxay kaloo dhageysteen warbixino ay u soo jeediyeen wasiirka dastuurka oo sheegay in dadaal xoog leh loogu jiro dhameystirka howlaha dastuurka, Isagoo cadeeyay in shaqadiisa ay dhamaan doonto ka hor waqtigii loogu talagalay, SIdoo kale waxaa golaha wasiiradda warbixin xagga amniga ka siiyay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha oo ka waramay olalihii adkeenta amaanka ee gobalka banaadir iyo guulihii laga gaaray.
www.hobyonet.com


Dibadbax dhinaca nolosha ah oo maalintii labaad ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho-hobyonet)Iyadoo weli xeryaha ugu weyn ee barakacayaasha Muqdisho ay ku soo qulqulayaan barakacayaal iyo qoysas hor leh, ayaa waxaa weli halkaasi ka jirta inaanay helin wax gargaar ah bilihii ugu danbeeysey..
Qeybo ka tirsan Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay Banaanbaxyo ay soo abuubuleen dadka ku dhaqan Xerada Badbaado oo ah Xerada ugu weyn ee dadka Barakacayaasha Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Isgoysyada Banaadir, Soobe iyo KM4 iyo Afaafka hore ee Xerada Badbaado, kaasi oo ay uga cabanayeen dadka Raashin la’aan soo wajahaday labadii bil oo la soo dhaafay.
Qaar kamid ah Horjoogiyaasha Xerada Badabaado oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay kawarbixiyeen Xaaladda Nolol xumo ee iminka ka jirto Xerada,waxaana ay sheegaan in Caruurta yar yar iyo dadka waaweyn ay soo food saartay Nafaqo darri kadib markii muddo billoyin ah aan la siin Kaalmooyinkii ay ka heli jireen Hay’adaha samafalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxda xeradaasi badbaado ayaa sheegay in ujeedada cabashadooda ay timid markii Hay’adaha qaar ay joojiyeen Deeqihii ay siin jireen Barakacayaasha kadib markii dadka intoodu badan ay dib ugu laabteen deegaanadoodii ay kasoo barakaceen halkaasi oo la sheegay in Roobab ay ka da’een.
Sidoo kale waxaa jira cabashooyin ka imaanaya dhinaca xerooyin ku yaala dhanka waqooyi bari ee caasimada MUqdisho, kuwaasi oo sheegaya in iyaga leyska iloobayba oo aanay jirin wax heyado ama dowlada ka socda oo booqanaysa dhibaatada halkaasi ku heysata barakacayaasha oo gobolka shabeelaha dhexe qaarkood ka soo barakacay.
www.hobyonet.com

Xukuumadda KMG Soomaaliya: Maamulka Hadda Ka Jira Gobolka Baay Ayaa Xilka Sii Heyn Doona

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Arimaha Gudaha
Muqdisho (RBC) Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shaacisay in maamulka hadda ka taliya gobolka Baay iyo degmada Baydhabo ay sii heyn doonaan xilka illaa inta dawlada ka xasilineyso dhamaan gobolada dalka.
Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda KMG ah Xuseen Carab Ciise ahna raysul wasaare ku xigeenka oo hogaaminayey wafdi Arbacadiii shalay booqday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la isku afgartay in C/fataaxIbraahim Geeseey oo ah gudoomiyaha gobolka Baay oo xilkaasi ay u magacawday dawladii hore ee madaxweyne C/laahiYuusuf inuu isagu sii hayo xilka gobolka.
Sidoo kale ayaa wasiirka gaashaandhiga wuxuu sheegay in maamulka degmada Baydhabo ay sidooda ahaan doonaan illaa inta maamulada gobolada dib looga habeynayo.
“Waxaan isku afgaranay in raggamaamulka haya hadda gobolka Baay ay iyagu shaqada sii wadaan” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Wasiirka ayaa sheegay in afar hay’adood oo samafalka ka shaqeeya dhowaan ay tegi doonaan magaalada Baydhabo si ay uga shaqeeyaan gargaarka bani’aadanimo gacana uga geystaan caawinta dadka ku dhaqan gobolka Baay.
Dhanka kale wasiirka ayaa ku amaanay maamulka gobolka Baay inay sugeen amaanka Baydhabo isagoo maamulada kalana ugu baaqay inay iyaguna adkeeyaan amaanka deegaanada ay joogaan, shacabkana ay kasbadaan.
Hadalka wasiirka gaashaandhiga ayaa yimid xilli dad badan isweydiinayeen sida DKMG ah ka yeeleyso degmooyinka iyo gobolada lagala wareegay Al-Shabaab gaar ahaan Beledweyne iyo Baydhabo oo si weyn loo hadalhayo in maamulo cusub loo magacaabi doono.
Waxaa jiray qorshe ay waday wasaaradda arimaha gudaha oo la doonayey in maamul loogu sameeyo gobolka Hiiraan oo ay ku loolamayaan kooxo kala duwan sida Ahlusuna Waljamaaca, Dooxada Shabeelle, Hiiraan State iyo siyaasiyiin madax banaan oo raba in xil laga siiyo gobolka.
 
 
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
 

Somalia: Attacks against journalists must stop

$
0
0

The killing of a third journalist in just two months in Mogadishu is a stark reminder of the dangers faced by media workers and activists in the Somali capital, Amnesty International said today.
Abukar Hasan Mohamud Kadaf, the former director of private radio station Somaliweyn, was shot dead by unidentified gunmen on Tuesday evening in front of his home in the Wadajir district of Mogadishu. He was buried on Wednesday in the capital.
He was reportedly working with a youth and peace organization after Radio Somaliweyn was raided and closed down by the al-Shabab armed group in May 2010.
He is the third journalist to be killed in a targeted attack in the last two months in Mogadishu, despite the city now being under the control of the Transitional Federal Government (TFG) and African Union forces.
“Security will not be achieved in government-controlled areas until those who are responsible for attacks on media workers and activists are held to account,” said Michelle Kagari, Deputy Director for Amnesty International’s Africa programme.
“Every effort must be made to stop a re-emerging pattern of targeted killings against civil society actors. This includes conducting thorough investigations into the murders, ensuring that perpetrators are brought to justice in fair trials, and re-establishing the rule of law.”
Though journalists and civil society actors have been continuously at risk in Somalia, targeted attacks against them peaked in 2007 and 2008.
At the London international conference on Somalia last week, the international community highlighted the need for journalists to operate freely and without fear. It called for action to address human rights violations and abuses and committed to focus more on supporting the Somali justice and security sectors.
“The international community should now put these commitments into practice and step up efforts to help rebuild the rule of law in Somalia. It is essential that Somali civil society actors, who continue to risk their lives, are fully consulted in ways to improve their protection,” said Michelle Kagari.
Background
At least 25 Somali journalists have been killed in Somalia since 2007, and many others have been injured.
Hassan Osman Abdi, director of the Shabelle Media Network, was shot by unidentified men outside his home in the Wadajir district in January 2012 and died of his injuries.
On 18 December last year, Abdisalan Sheik Hassan, a freelance journalist for the Horn Cable TV station and Hamar radio, was shot in the head by a man wearing a government military uniform in the Hamar Jajab district in Mogadishu. He died shortly afterwards.
Though the TFG opened investigations into these last killings, and reportedly held suspects, these have not led to criminal prosecutions.
The year 2008 also saw a wave of attacks on Somali civil society actors: at least 40 Somali human rights activists and humanitarian workers were killed between January and September that year, the majority in targeted attacks. These attacks prompted many activists to flee the country.
No one has been brought to justice for any of these attacks. All parties to the conflict have threatened and attacked journalists and civil society actors, and have restricted freedom of expression.
 

10 Suaalood: Jawaabihii Wasiirka Dastuurka & Dib u Heshiisiinta DKMG Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh (Daawo)

Hees Cusub Uu Soo Saaray Fanaanka aadka Loo Jecelel yahay Ee Cabdirisaaq Gaas (Wacdahara Aduunka)

$
0
0

Dhageystayaashayada qiimaha badan ee Hawada nagala socdow waxaan halkan idin kusoo gud bineynaa hees aad u macaan badan oo uu soo saaray fanaanka qaaliga isla,markaasina aadka loo jecelyahay ee cabdirisaq saleeban gaas, heestan cusub oo magaceeda la yidhaahdo (wacdahara aduunka).
 
Waa Erayadii iyo Laxankii Axmed Ciise Cawaale, Codkii Cabdirisaaq Saleebaan Gaas, Music-gii Maxamed Karama Sidii, ee dhagaysi wacan:-
AMA
KA DHAGAYSO MOBILE-KAAGA 

Dalka Liibiya oo Ka Codsaday Wadamada Ay Jaarka Yihiin Inay Ka Caawiyaan Liibiya Sidii Ay u Xidhi Lahaayeen Xuduudkooda oo Ay Sheegeen In Noocyada Tariibka oo Dhan Ay Maraan

$
0
0

 LIIBIYA(OWN)- Xukuumada dalka Liibiya ayaa ka codsatay wadamada ay jaarka yihiin inay isugu yimaadaan shir ujeedadiisu tahay sidii ay liibiya uga caawin lahaayeen xidhitaanka & illaalinta xuduudka dalka liibiya, Xukuumada ayaa sheegtay inay la tacaalayaan xidhitaanka xuduudkooda oo ay xuseen inuu noqday wado halaq mareen tan & intii ay dhacday xukuumadii Madaxweyne qadaafi isla markaana ay iska dhexmaraan guud ahaan noocyada kalla duwan ee Tahriibayaashu,
 
 
 
Mas,uul u hadlay wasaarada arimaha dibada ee dalka Liibiya ayaa sheegay in mas,uuliyiin ka socda dalka Liibiya & wadamada ay xuduudka leeyihiin inay ku kulmayaan bishan sagaalkeeda magaalada Tripoli ee caasimada ah iyagoo diyaarin doona shir balaadhan oo ay isugu iman doonaan wasiirada arimaha dibada ee dalalka Liibiya & kuwa xuduudka la,leh isla bishan MARCH,
 
 
 
Reysal wasaaraha dalka Liibiya Mr: Cabdiraxiim Al-Kiib ayaa warbaahinta u sheegay in kullankaa lagaga arinsan doono sidii loo illaalin lahaa amaanka xuduuddaha wadamadaa u dhaxeeya isla markaana loo joojin lahaa Tahriibta oo uu sheegay inay si xad dhaafa uga socoto xuduuddaha dalka Liibiya,
Reysal wasaaraha ayaa ugu yeedhay inay shirkaa kasoo qeyb gallaan Wasiirada difaaca & arimaha gudaha ee wadamada Aljeeria & Chad & Masar & Niger & Sudan & Mali & Muritania & Marocco, isla markaana tilmaamay in shirkan uu yahay mid aad u muhiim ah, Dalka Liibiya ayaa dhinaca galbeed waxay xuduud kalla leedahay wadamada Tunisiya & Aljeeriya Dhinaca barina dalka Masar Dhinaca saxaraha weyn ee koonfureedna waxay xuduud kalla leedahay wadamada Sudan & Niger & Chad,
 
 
 
 
 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews

SASA oo ugu baaqday ganacsatadda soomaalida south Africa iney u gar gaaraan dadkii lagu boobay duleedka magaaladda Restanburg ee gobolka north west

$
0
0

Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika ee SASA ayaa manta baaq ku wajahan ganacsatadda soomaalida ah ee dalka koonfur afrika ka soo saartay xafiiskeeda magaaladda Johannesburg.
SASA waxeey wax lagu xumaado ku tilmaamtay dhaca iyo boobka soo lab labanaya ee loo geysanayo ganacsatadda soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfur Afrika .
SASA waxeey farta ku fiiqday boobkii u danbeeyay ee ganacsatadda soomaaliyeed loogu geystay magaaladda Restanburg ee gobolka north west .
Dadkii boobka geystay ayaa ahaa shaqaalaha qoda macdanta oo ka cabanayay dhanka mushaarooyinka mudaaharaad eey wadeen markuu soo dhamaaday ayey cagta mariyeen in ka bada 20 dukaan oo soomaali leedahay oo ku yaalada duleedka magaaladda Restanburg.
Baaqan manta ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha SASA mudane C/Raxmaan Raabi ayaa waxaa laga ga codsaday ganacsatadda soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfur Afrika iney garab istaagaan ganacsatadda lagu boobay magaaladda Restanburg lana gaaraan gurmad iyo samafal deg deg ah.
Baaqan ayaa si gaar ah looga codsaday maamulka jaaliyadda soomaalida ee gobolka north west iyo gudiga culumada ee gobolkaas iney u istaagaan samatabixinta barakacayaasha ku sugan magaaladda Restanburg.
Arintaas oo ah waajib diini ah oo saran ruux kasta oo soomaali ah inuu wax ka qabto musiibada haleeshay walaalaha la boobay.
U gar gaarida dhibanayaasha waxeey xoojineysaa walaaltinimadda diinta islaamka ah iyo soomaalinimadda dhexdiina ah.
Xadiis x.aadan Cismaan
xadiis80@hotmail.com
Johannesburg,koonfur Afrika,


Duqa Magaalada Muqdisho Oo Gadoomay Gaadiid Isugu Jira Dab Damisyo Iyo Ambalaasyo

$
0
0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir hana duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo safar shaqo ku joogay maalmahanba dalka Britain ayaa ka hor inta uusan soo gabagabeyn safarkiisa waxa uu gadoomay gaadiid isugu jira dab damisyo iyo ambalaasyo kaasi oo loogu deeqay dowladda hoose ee Xamar.
Xaflada uu gudoomiyaha gobolka Banaadir kula wareegayey gaadiidkan oo ka dhacday magaalo 180KM u jirta magaalada Bristol ayaa waxaa tirada gaadiid ee loogu deeqay dowladda hoose ee Xamar ay gaarayaan Laba gaari oo nooca dab damiska ah iyo Seddex gaari oo ambalaasyo ah waxaana ugu deeqday hay’adda Iqra Trurst oo fadhigeedu yahay dalka UK.
Mudane Maxamuud axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasbadii uu gaadiidkan kula wareegay ayaa u mahad celiyey mas’uuliyiinta hay’adda Iqra Trust iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka ingiriiska oo arintan gacan weyn ka geystay waxaana uu gudoomiye Tarsan tilmaamay in arintan gacan weyn ka geysan doonto dib usoo laabashada nolosha Muqdisho.
Mas’uul u hadlay hay’adda Iqra Trust ayaa ku amaanay Jaalliyadda UK gacanta ay arintan ka geysteen waxaana uu dhanka kale tilmaamay in hay’addu qorsheyneyso gaadiid kale oo isla dowlada hoose ee Xamar ay ugu deeqayaan kuwaasi oo ay ka mid yihiin gaadiidka qashinka lagu daabulo.
Xaaji Macoow oo isna ka mid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol islamarkaana ku hadlayey afka jaalliyada UK ayaa sheegay in hadii ay qurba joogto iskaashato wax weyn ka qaban karaan dib u dhiska dalka tanina ay arintaasi marqaati u tahay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa mudooyinkanba dadaal xoogan ugu jiray sidii gaadiidkan iyo waxyaabo kale oo farabadan ay ku heli laheyd dowladda hoose ee Xamar waxaana uu dhowr jeer kulammo uu qurba joogta ugu ifinayo ka qeybqaadashada horumarka iyo dib u dhiska dalka kula yeeshay dalal ka tirsan qaaradda Yurub.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 01-March-2012
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 01-March-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

OWN: Barnaamij Gaara Oo Ku Saabsan Shirkii Soomaalida Loogu Qabtay London

$
0
0

Dhagaystayaasha qiimaha leh kusoo dhawaada barnaamij gaara oo aanu    ku eegi doono  shirkii loogu qabtay soomaalida magaalada London iyo arimo kale oo xiiso leh,   Barnaamijkan   waxaa inoo soo diyaariya inala socodsiinaya Wariyaha Oodweynenews ee Dalka Norway    Cabdilaahi Raaxeeye , ee dhegaysi wacan– 
AMA
KA DHAGAYSO MOBILE-KAAGA
 

 
Abdilahi Ali Aidid Raaxeeye
Oodweynenews.com/Norway

Ogeysiis: Jaaliyadda Somaliland ee Finland. Kulan Xog waran: Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe

$
0
0

Dhammaan jaaliyadda Somaliland ee degan wadanka Finland waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono kulan xog waran ah- oo uu ugu warami doono Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee JSL.Gudoomiye Faysal oo qayb ka ahaa weftigii JSL uga qayb galay shirkii Soomaalida ee London iyo bannaan bixii   weynaa ee ay reer Somaliland ka dhigeen cariga ingiriiska todobaadkii hore.   Kulanka waxaa lagu qaban doonaa Xarunta jaaliyadda Somaliland ee Helsinki.
Maalinta:        Axadda ee  4.3.2012
Cinwaanka:   Nokiantie 2-4,3krs  00510 Helsinki
Saacadda:      15:00 ama Saddexda galabnimo.      Fadlan waqtiga ha la ilaaliyo si looga faa’iidaysto xog waranka.
Gudiga Jaaliyadda Somaliland ee Finland.

DAAWO SAWIRRADA:-Bandhig Balaaran Oo Lagu Soo Bandhigayey Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Oo Boosaaso Lagu Qabtay

$
0
0

Bandhiga oo ahaa kii ugu horeeyay ee nuuciisa oo kale ah oo lagu qabto deegaanada Puntland ayaa waxaa lagu soo bandhigay alaabaha ay sida aadka ah dadka degan miyiga ugu isticmaalaan hoyga,cunta karsashada,dharka la xirto iyo aqal Soomaaliga.
Kumanaan qof oo kasocday qaybaha ay ka koobantahay magaalada Boosaaso ayaa kasoo qaybglay intii  ay socotay bandhigan taariikhiga ah ee jaamacdu qabatay.
Munaasbad lagu soo xirayay bandhigan oo maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda Bariga Afrika ayaa waxaa abaal marino kale duwan lagu gudoonsiiyay ardaydii sida aadka ah ugu guulaysatay samaynta aqal Soomaliga iyo keenista waxyaabaha kale duwan ee caanka ku yihiin dadka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika Dr Maxamed Cabdi Aadan oo ka hadlay xafladda ayaa waxaa uu sheegay ujeedada ay jaamacdu u qabtay bandhigan inuu yahay in dadwayanaha Soomaaliyeed la baro dhaqankooda.
Waxaa uu tilmaamay dhaqanka dadka Soomaaliyeed inuu yahay mid aad hodan ugu ah miyi iyo magaalo islamarahaanaatana jaamacaddu ay doonayso dhalinyarada aan aqoon dhaqanka miyiga iyo hidaha Soomaaliyeed in la barro.
Abwaan Maxamuud Sheekh oo ka mid ah abwaaniinta reer Puntland kana mid ahaa waayo aragii ka qaybqaatay bandhiga todobaadka ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa waxaa isaguna soo bandhigay murti ay dadwaynihii xafladda joogtay si aad ah uga heleen.
Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Cabdiqaadir Saciid Cali Shiino ayaa isaguna ka hadlay xafldda,waxaana uu mahad gaar ah u jeediyay dadwaynihii kasoo qabygalay xalfadda iyo dadkii bandhigan ka qaybqaatay.
Gudoomiyaha ayaa ku tilmaamay bandhigan inuu yahay mid taariiqi ah ayna muujinayso sida ay jaamacadda Bariga Afrika ay uga qaybqaadanayso horumarinta dhaqanka umadda Soomaaliyeed.
Isku duwaha wasaaradda haweenka ee gobolka Bari Ayaan Muuse Nuur ayaa iyada oo ka mid ahaa masuuliyiiintii lagu casuumay xafladda bogaadin u jeedisa maamulka iyo ardayda jaamacadda Bariga Afrika.
Gabagbadii xafladda ayaa waxaa abaal marino lagu gudoonsiiyay ardadii sida wacan u soo bandhigtay dhaqanka Miyiga iyadoona kaalinta koowaad ee abaalmarintana la gudoonsiiyay kuliyadda shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika










 

 



















Axmed Naasir Maxamuud Xasan, Warbaahinta Qaranka Boosaaso
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live