Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

War deg deg ah: Madaafiic culculus oo wax yar ka hor ku soo dhacday Suuqa weyn ee Bakaaraha

$
0
0

War deg deg ah: Waxaa wax yar ka hor madaafiic waa weyn lagu garaacay Suuqa Ganacsiga ee Bakaaraha xili ganacsatada Súuqu ay isu diyaarinayeen dib u bilaabida shaqooyinkoodi maalmahan xayirnaa dagaalada dartood.

SuxufiyIIN ku sugan gudaha Suuqa ayaa soo sheegay in Suuqa xaaladiisu mar qura isu bedeshay jawi argagax leh ka dib markii madaafiic sida la tuhunsan yahay ka soo dhacday dhanka Ciidamada Amisom ay ku soo dhaceen gudaha Suuqa.

Madaafiicdan ayaa la rumeysan yahay in ay sababeen qasaaro lixaadle oo isugu jira naf iyo maal intaba waloow aan la hubin waxyeelada rasmiga ah ee halkaas ka dhacday.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xayirnaa guud ahaan dhaqdhaqaaqa Suuqa dagaalada galay maalintii sideedaad ee magaalada Muqdisho ka socda dartood.

halgankanet@gmail.com


War Deg Deg ah:-Dagaal GalGala

$
0
0

Wararka hada naga soo Gaadhaya Magaalada ayaa sheegaya in dagaal Xalay
Saqdii dhex Curtay uu wali socdo kaasi oo  Dhinacyo badan ka socda,
Xidhiidh aanu la samayan Bosaaso ayaa la sheegay in dhawaac Fara badan
la Keenay Halka dadka GalGala ay sheegayaan in Mayd Gaadhaya 12-Ruux
Gudaha Degmada la soo Gaadhsiiyay.

Meel dhanka Qorax u dhaca ka xigta Degmada GalGala oo lagu Magcaabo Kala Noqod
ayaa layska Helay waxana ay ahaayeen Ciidamada Puntland kuu doonayay
inay dhanka Miyiga  ay Magaalada u Baxaan si ay Dhabarjab u Sameeyaan
Hase ahaatee Ciidamada Maxamed Atam ayaa Meeshaasi ay isku Hirdiyeen
kuwaasi oo Khasaare xoogan soo Gaadhay dhanka PL.
Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa uu Maamulkooda lahaa
Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo ah Wasiir Xigeenka Aminga waxana ay
Ciidamadaasi ahaayeen kuwa isku dhafan oo ay xitaa ku Jiraan PISta.
Sarkaal  u hadlay Ciidamada Atam  Guutada 34- Lagu Magcaabo waxa uu
sheegay inay xitaa Hub Badan kala wareegeen Ciidamada PL isla markaana
ay Maydkoodii Arkayeen.
Docda kalena Maamulka Puntland oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa
sheegay Laftigooda inay Guula Waa wayn ka soo Hooyeen dagaalkaasi isla
markaana ay dhawaan War Saxaafadeed Kooban ka soo saarayaan.
Dagaalka GalGala ayaa Bilowday ka dib markii PL weerar ku qaaday
Galgala Bishii Julay 26- ee sanadkan aan ku Jiro waxana uu dagaalkaasi
soo Maray wajiyo badan.

xigasho galgala

4 ka dhimatay ciidamada AMISOM

$
0
0

Afar askari oo ka tirsan ciidamada midowga africa ee AMISOM, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen magaalada Muqdisho.8 kale ooka tirsan ciidamada AMISOM ayaa iyaguna dhaawacmay.

8 kale ooka tirsan ciidamada AMISOM ayaa iyaguna dhaawacmay.

Afhayeenka ciidamada midowga Africa ee AMISOM,
Barighye Behuko, ayaa BBC u sheegay in askartan ay dhibaatadu soo
gaartay iyagoo ku sugan xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in hoobiye ku soo dhacay madaxtooyada uu ku dhacay askarta dhimatay iyo kuwa dhaawaca ah.

Marti gelinta cayaaraha adduunka 2018

$
0
0

Khadra Cige waa gabadh Soomaaliyeed oo ka tirsan guddiga England ee u ololeynaya in cayaaraha adduunka ee sanadka 2018 lagu qabto England.

Marti gelinta cayaaraha adduunka 2018

Khadro Cige

Khadro Cige

Dhawaan waxaa Ingiriiska
booqasho ku yimid xubno ka socday xiriirka kubadda cagta ee adduunka
FIFA oo qiimeynayay xaaladda garoomada cayaaraha ee England oo ka mid ah
wadamada u tartamaya inay martigeliyaan cayaaraha adduunka sanadka
2018.

Haddaba, Khadra Cige waa gabadh Soomaaliyeed oo
ka tirsan guddiga England ee u ololeynaya in cayaaraha adduunka ee
sanadka 2018 lagu qabto England, waxaana ay ka mid ahayd dadkii qaabilay
guddiga FIFA.

Weriyaha BBC, Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa
Khadro kula xiriiray telefoonka iyada oo joogta magaaladatan London,
waxaana uu weydiiyay bal inay ka waranto kormeerkii gudiga FIFA.

 

Ciidamada AMISOM tacshiirad huwiyey dad shacab oo jid ka agdhow marayey

$
0
0

Ciidamada Burundiga oo qayb ka ah Ciidamada amisom ee fariisinkoodu yahay Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad ayaa galabta si lama filaan ah Tacshiirad u huwiyey dad weyne fara badan oo xilligaa sida la sheegey ka soo rawaxay Suuqa Bakaaraha.

Mashqadan ayaa timid ka gadaal markii Gaari weyn oo Xamuul ka soo qaaday Dekadda Caalamiga ee Magaalada Muqdisho uu halkaa ku qalibmay taasoo keentay in dhamaanba Gaadiidkii uu isku Xayirmo.
Dadkii rakaabka ahaa ee la socday Gaadiidkaas ayaa bilaabay markaasiba inay Cagta maalaan wadadiina isku soo dhigaan.

Ciidamada AMISOM oo ka shakiyay dadkan faraha badan oo wadada ku soo yaacaya ayaa dabeeto Rasaas Oodda uga qaaday Dadkii ku safrayay Wadadaas.

Tacshiiraddaas ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Shan Ruux oo uu ku jiray Wariye ka tirsan Idaacadda Siimba oo ka mid ahaa Rakaabkii sii hooyanayay.
Wariyahan oo lagu magacaabo Cabdinuur ayaa lagu soo waramayaa in iminka ayasan xaaladdiisu darneen isles markaana lagu dabiibayo Isbitaalka Madiina ee magaa;ada Muqsdisho.
Ma aha markii u horeeyay oo ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundiga ay sedan oo kale Rasaas ugu furan dad rayid ah iyadoo waliba xilliga ay Tacshiiraddu ay dhacaysey aysan jirin wax dagaal ama duqeyn ah oo ka socday Eeryadaas.
Si kasta ha ahaatee Ciidamada AMISOM ayaan ka hadlin dhacdadaas sidoo kale ma jirto cid ka tirsan Mas’uuliyiinta dawlafdda ku meel gaarka oo arrintaa ka hadashay iyadoo dadkii shilkaa ku dhaawacmayna loo soo qaaday dhamaantooda isbitaalka Madiin ooiminka xaaladoodu lagu baxnaaninayo.

Djibouti Muxaadaro 1 Diinta iyo Bulshadda (Shekh Abdirahman God)1.flv

Djibouti Muxaadaro 2 Diinta iyo Bulshadda (Shekh Abdirahman God)2.flv

Djibouti Muxaadaro 3 Diinta iyo Bulshadda (Shekh Abdirahman God)3.flv


Dowladda Uganda oo qorsheyneysa iney ciidamo dheeraad ah u so diraan dalka Somalia

$
0
0

Dowladda Yugandha ayaa sheegtay inay 10-kun askari ciidan oo dheeraad ah u direyso gudaha dalka Soomaaliya si ay xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho oo dagaal adag kala kulmaya ciidamada Alshabaab.

Taliyaha guud ee ciidamada Yugandha ayaa sheegay in dowladda Yugandha ay qorsheynayso in 10-kun askari oo ka tirsan ciidamada Keydka dalka Yugandha ay u dirto gudaha dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamadooda jooga Muqdisho, isla markaasna ay dagaalka kaga adkaadaan kooxaha diidan joogitaankooda iyo jiritaanka dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Yugandha ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah la gaarsiin doono dalka Yugandha meydadka iyo dhaawacyada ciidamadoodii shalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku waxyeeloobay madaafiic hoobiyaal ah oo lagu weeraray ciidamadaasi.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay safaaradda Mareykanku uu ku leeyahay dalka Yugandha ayaa sheegay in dowladdu Mareykanku ay ka taageerayso dowladda Yugandha arrimaha ciidamo geynta dalka Soomaaliya.

Afhayeenku ma suusan faahfaahin qaabka ay u taageerayaan ciidamada Yugandha ee la keenayo dalka Soomaaliya, waxayna arrintan ciidamo keenista cusub ee Soomaaliya ku soo aaday iyadoo shalay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ay shalay howlgeliyeen Taangiyo cusub oo ah kuwa sida aadka ah u dheereeya, kuwaas oo qeybo ka mid ah lagu arkay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Hadalkan ka soo yeeray dowladda Yugandha ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay ciidamo kuwooda ah lagu laayeey madaafiic lagu weeraray, waxaana xusid mudan in dagaalo qaraar ay kala kulmayaan kooxaha ka soo horjeeda jootaankooda, diidanna jiritaanka dowladda KMG Soomaaliya.

Warabixintii ugu dambeysay iyo Xaalada magaalada Muqdisho

$
0
0

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay yara deggan kadib madaafiic iyo dagaal iyo illaa iyo xalay ka socday meelo kamid ah caasimada.

Waxaa saaka degan degmada Hodan halkaasi oo dagaalo iyo duqeymo culus ay ka dhaceen saacadihii la soo dhaafay.

Waxaa saaka sidoo kale jawi deganaansho laga dareemayaa wadada Warshadaha, nawaaxiga isgoyska Dabka, degmooyinka Dayniile, Boondheere iyo deegaano kale oo duqeymaha iyo dagaaladii u dambeeyay ay saameeyeen.
Dagaal aad u xoogan ayaa ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab wadada Warshadaha ka dib markii xoogaga Al-Shabaab goor xalay aheyd ay weerareen fariisinka ciidamada AMISOM ee kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxaa barbar socday madaafiic xoogan oo labada dhinac ay is weedaarsanayeen, welina lama hubo qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ay sababeen dagaalkaasi iyo isweedaarsigaasi madaafiicda xooganeed.
Dagaalada culus ee magaalada Muqdisho ayaa qasaaro xoogan oo ka badan waxyeelada soo gaaraya dhinacyada dagaalamaya waxaa ka soo gaara dadka shacabka ah.

Itoobiya oo ka hadashay Dagaalada ka socda muqdisho.

$
0
0

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Itoobiya ayaa waxay ku sheegtay in dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo qaraxii ka dhacay hotel-ka Muna ay muujinayaan khatarta ka jirta magaalada Muqdisho, taas oo daruuri ka dhigeysa bay tiri in Midowga Afrika iyo beesha caalamku il gaar ah ku eegaan xaaladda Soomaaliya.

"Inkastoo dhibaatooyin ammaandarro ka imanayaan kooxaha hubeysan iyo kuwa xagjirka ah ee Soomaaliya, haddana dawladda Itoobiya waxay mar kasta saaxiib la ahaanaysaa dadweynaha Soomaalida, waxayna soo dhaweynaysaa taageerada la siiyo dowladda KMG Soomaaliya" ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in Itoobiya ay dalkeeda ku soo dhaweynays qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo firxanaya dagaalada iyo colaadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Waxa dowladda Itoobiya ay sheegtay in sidoo kale xiriir iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya la leedahay maamullada Somaliland iyo Puntland, ayna sii wadi doonto xiriirkaasi si xal waara looga gaaro dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

Warbixinta ka soo baxday dowaldda Itoobiya ayaan marna lagu soo hadal qaadin soo gelitaanka ciidamadeeda ee gudaha dalka Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay ka waddo xudduuda ay la dawaagto Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ciidamadeedu ku sugan yihiin.

Xarakada Alshabaab oo dagaal ku qaaday Kulliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho kadib dadkii ey shalay ku waxyeeleeyeen

$
0
0

Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa xalay weerar culus ku qaadeen Fariisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Kulliyadii hore Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, waxaana dagaaladaasi barbar socday madaafiic.

Dagalada xalay ku dhex maray ciidamada labada dhinac waxa ay saamayn ku yeesheen dadka rayidka ah ee dagan degmada Deyniile kadib markii Ciidamada AMISOM madaafiic sida daran dooriga ah ugu garaaceen Xaafadaha degmadaasi.

Wadada Warshadaha oo ah goobtii xalay dagaalada culus ku dhex mareen Ciidamada Xarakada Alshababaab iyo AMISOM saaka gaadiidka BL-ka si caadi ah u isticlaamayaan.

Ugu danbeyntii lama hubo qasaaraha rayidka ka soo gaaray dagaalada iyo duqeymihii xalay dhex maray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo AMISOM.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo saxaafaada kula hadlay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

$
0
0

Shiikh Xasan Daahir Aweys, Hogaamiyaha Xisbul islaam oo saxaafada kula hadlay maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka hadlay arrimo u badan dagaalada hadda ka socda Muqdisho, Ciidamada Amisom iyo baaqii madaxweyne Shariif.

Hogaamiyaha Xisbul islaam oo aad u xamaasadeysnaa maanta ayaa ugu horeyntii ciidamada Amisom ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay dalka isaga baxaan maadaama shacabka Soomaaliyeed aysan jecelyn, kuwa kale ee la damacsan yahay in dalka la keenana wuxuu kula taliyay in ay aysan wadamadooda soo dhaafin.

Baaqii iyo ciladhaantii ka soo yeertay Madaxweyne Shariifna ee ku wajahneyd Beesha Caalamka ayuu shiikh Xasan dhanka kale ka soo horjeestay wuxuuna ku sifeeyay cadawnimo iyo mas'uuliyad xumo ka muuqata kooxda dalka in ay dowlad ka yihiin sheeganaya waa siduu hadalka u dhigaye.

Dagaalka ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ayuu Shiikh Xasan ku sheegay mid aan joogsaneyn ilaa askeriga u dambeeyay cagihiisa ciida Soomaaliya ay qaadayaan islamarkaana ka xaqiijinayaan in dalku xor ka yahay.

Hadalka ka soo yeeray Shiikh Xasan ayaa ku soo aadaya xili maalintii sagaalaad magaalada Muqdisho afarteeda dhinac ay madaafiicdu is dhaafdhaafeyso, madaafiicdaas oo ay ku baaba'ayaan shacab masaakiin ah oo aan wax shuqul ah kula laheyn dagaalada ka socda dalka.

halgankanet@gmail.com

Dowladda Soomaaliya; "Waxaan dalbadanay ciidamo fara badan oo Afrikaan ah, dhowaanna waan ciribtireynaa Alshabaab iyo xulufadooda"

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in ay dalbadeen ciidamo fara badan oo Afrikaan ah si ay cagta u mariyaan Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul Islaam ee tan iyo markii dhidibada loo taagay laf dhuun gashay ku noqday jiritaankeeda.

Injineer Yariisoow, wasiirka wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamo IGAD ka socda oo aad u fara badan ay dalbadeen si buu yiri ay uga taqalusaan Xoogaga Alshabaab ee dagaalka kala soo horjeeda kuwaas waa Alshabaabkee oo sida uu Wasaiirku ku dooday si xun ugu jabay dagaalkii ugu dambeeyay ee ay dowladda ku soo qaadeen.

Hadlakan wasiirka wasaarada warfaafinta ayaa la jaan qaadaya xili dagaalo shacab badani ku hoobtay ay weli ka holcayaan magaalada Muqdisho, dagaaladaas oo u dhexeeya Xoogaga Alshabaab/Xisbul islaam iyo dowladda oo gaashaan ka dhiganeysa AMISOM Ahlu Sunnana gacan saar la leh.

halgankanet@gmail.com

Dowladda Uganda oo sheegtay haddii Mareykanku siiyo lacag badan ay Soomaaliya geyn doonaan Ciidan gaaraya Toban Kun oo askeri

$
0
0

Dowladda Uganda oo ciidamo ku shaqeeya magaca Midowga Afrika Soomaaliya u soo diray ayaa daboolka ka qaaday in ay ciidamo Toban kun gaaraya Soomaaliya geynayaan haddii Mareykanku lacag siiyo.

Sarkaal sare oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kampala ayaa sheegay in ciidamo xoog badan islamarkaana tayo leh kana guuleysan kara Alshabaabka Soomaaliya ay Soomaaliya u daabuli karaan haddii Dhaqaale ku filan Mareykanku siiyo.

Sarkaalkan oo sida hadalkiisa ka muuqata ka turjumaya siyaasada dhaqaalaha ku saleysan ee Uganda ka leedahay dalka Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Ciidamadoodu haatan ilaaliyaan hay'adaha dowladda iyo madaxda dalka Soomaaliya laakiin haddii loo baahdo dhaqaale xooganna la siiyo ay cagta marin doonaan xoogaga dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ee Alqaacidada caalamka in ay ku xiran yihiin la rumeysan yahay.

halgankanet@gmail.com


Djibouti Muxaadaro 1 Furaha qoyska (Shekh Mustafa)1.flv

Djibouti Muxaadaro 2 Furaha qoyska (Shekh Mustafa) 2.flv

Djibouti Muxaadaro 3 Furaha qoyska (Shekh Mustafa) 3.flv

Djibouti Muxaadaro 4 Furaha qoyska (Shekh Mustafa) 4.flv

Djibouti Muxaadaro 5 Furaha qoyska (Shekh Mustafa) 5.flv

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live