Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Shariif oo la shirbay Bar baarta gaashaman (Daawo-Sawirada)

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa oo maanta kormeero kala duwan ku maray qeybo ka mid ah Magaalada, isla markaana ku dhex lugeeyay Xaafadaha degmada Xamar weyne ayaa mar uu tagay Xarunta Gobolka Banaadir si layaab leh shirib ula jiibiyay Bar baarta Gaashaaman. Madaxweynaha ayaa dhex galay kooxda bar baarta gaashaman, isagoo la jiibiyay shirib [...]


African Union to get extra troops for Somalia mission

$
0
0

The African Union (AU) says it expects to receive 3,000 extra troops over the next six months to reinforce its operations in Somalia. Lt Colonel Paddy Ankunda, spokesman for the AU mission in Somalia, said the troops would come from Djibouti and Sierra Leone. At present the AU has around 9,000 soldiers in the Somali [...]

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe iyo maamulka Ximan iyo Xeeb oo is eedeeyay. Maxaa dhexmaray?

$
0
0

Suufiyiinta inta badan ka taliya gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka soo jeeda dhanka Ximan iyo Xeeb ay dhaceen raashin gargaar ah oo loo waday agoon ku sugan Galguduud.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo iyaguna ka jawaabay eedeynta Suufiyiinta ayaa eedeyntaas ku tilmaamay  mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la beenabuuray, maamulkooduna uusan wax shaqo ah ku laheyn kooxda raashinka dhacday.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka raashinka lagu dhacay uusan maamulkooda hoostagin, dhacdada meeshaas kadhacdayna ay tahay mid u dhexeysa kooxo ka wadatirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

Khilaafka labada dhinac ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya waxaana laga cabsi qabaa in uu colaad isu bedelo haddii aan xal degdeg ah laga gaarin murankooda.

halgankanet@gmail.com

 

Diyaarad Mareykanka laga leeyahay oo aan duuliya wadin ayaa ku soo dhacday agagaarga degmada Dhoobley iyo

$
0
0

Diyaarad ay Mareykanku leeyihiin oo nooca duuliya la'aanta duula ah ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku soo dhacday agagaarka degmada Dhoobley.

Wakaaladda wararka ee PRESS TV oo soo xiganeysay sarkaal magaciisa qariyay oo dowladda Soomaaliya ka tirsan in diyaarad nooca Drone:ka loo yaqaan ah ay ku soo dhacday meel u dhow Dhoobley.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta keentay in diyaaradu dhacdo ayaa sheegay in burburka diyaaradaas ay ciidamada dowladdu qaadeen, inkastoo uusan sheegan halka ay u qaadeen.

Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyuhu wadin ayeey Mareykanku u isticmaalaan Koonfurta Soomaaliya hawlgalka ay ka wadaan, hawlgalkaas oo ay kaga soo horjeedaan xoogagga al Shabaab.

halgankanet@gmail.com

Siilaanyo: "yaan la isku khaldin gurmadka iyo siyaasadda"

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ku tilmaamay in aan Somaliland ka noqon doonin gooni isu taagga. Waxaa uu ka jawaabayay hadallo ka soo yeeray madaxda Soomaaliya oo ku baaqay midow.

War naxdin leh oo laga soo sheegayo qaar ka tirsan barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho

$
0
0

Idaacadda Shabeelle Radio oo booqasho shaqo ku tagtay xerada Soona Key (Zone K) ee magaalada Muqdisho ayaa soo tebisay war murugo iyo uur kutaalo leh.

Idaacaddu waxay sheegtay in ay indhohooda ku soo aragtay dad halkaas ku sugan oo ay heysato dhibaato nololeed oo aan la qiyaasi karin baaxadeeda, waxaana ugu darnaa markii ay idaacadu la kulantay Hooyo Soomaaliyeed oo 70 sano jirtay, hooyadaas oo cuneysa geedka Qodaxda badan ee Tiitiinka loo yaqaan.

Hooyadaas ayaa sheegtay in ay xeradaas soo gashay labaatan cisho kahor, labaatankaas cisho oo aysan baad iyo biyo toona helin, marka laga reebo geedkaas tiitiinka loo yaqaan oo ay nafta ku samrineyso.

Xeradaas waxaa ku sugan dad u badanw aayeel, haween iyo carruur, dadkaas oo ay noloshoodu halis ku jirto, waxaana loogu baaqayaa in gargaar walaaltinimo lala soo gaaro dadkaas dhibaateysan.

Dadkan ayaa ku dhibaateysan meel aad uga fogeyn bakhaarada waa waaweyn ee lagu keydiyo gargaarka ay dunidu ugu tashay dadka Soomaaliyeed, waxaana bakhaaradaas si toos ah iyo si dadban intaba u maamula dowladda Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com

CILMI BAARIS: Cabista qaxwada (Kafeega) oo ka hortegi karta Niyad jabka Haweenka

$
0
0

Cabista ama durduurasha kafeega ayaa waxaa hadda la sheegayaa in ay wax ka tareysa cudurka niyad jabka ama murugada ee Dumarka.

BBC:da ayaa baahisay warbixin cilmi-baariseed oo ka soo baxday jaamacadda Harvard, warbixintaas oo sheegeysa in haweenka caba ugu  yaraan maalintii laba fiijaan ama koob oo Kafee ah uusan ku badneyn ama uu aad ugu yar yahay xanuunka Niyad Jabka marka la barbardhigo haweenka kale ee aan cabin kafeega.

Baarayaashu weli si rasmi ah uma oga sababta laakiin waxay tuhunsa yihiin in maadada Kafayiinka loo yaqaan ee bunka ku jirta ay saameyn ku yeelato kiimikada maskaxdka.

Baaritaano kale oo dheeraad ah in la sameeyo ayeey baarayaashu ku taliyeen si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan arrintan hadda ugubka ah, sidoo kale waxay sheegeen in ay degdeg tahay  ku talinta cabista Kafeega iyadoolooga hortegayo Niyad Jabka.

Isha warkan hoos ka gujiso.

http://www.fyiliving.com/mental-health/depression/coffee-drinking-linked-to-reduced-depression-in-women/

Ciise Muuse Yay U Shirayaan oo Ka Shirayaan? By- Ahmed Jama Hure

$
0
0

 
Tolow  yay u shirayaan oo ka shirayaan? Wallee Timir Lafbaa Ku Jirta!
 
         1.  Ma Dawladda Somaliland ayay u dhoolo tusayaan?
2.  Ma Marxuunkii Ina-Cigaal ayay siyaaro u dhigayaan?
tab-stops:list 54.0pt">3.    Ma Siilaanyo ayay yarad cusub ka doonayaan?
tab-stops:list 54.0pt">4.    Ma Kulmiye ayay Berbera  food ka siinayaan?
tab-stops:list 54.0pt">5.    Ma Mujaahid Dhegaweyne ayay U-Dhis ka sharaxayaan?
tab-stops:list 54.0pt">6.    Ma Waddaadka-Fooxle UDUB ayaa la gelbinayaa
0cm;margin-left:54.0pt;margin-bottom:.0001pt;text-indent:-18.0pt;mso-list:l1 level1 lfo1;
tab-stops:list 54.0pt">7.    Ma Dekedda Berbera ayay lacag baad ah ka doonayaan?
0cm;margin-left:54.0pt;margin-bottom:.0001pt;text-indent:-18.0pt;mso-list:l1 level1 lfo1;
tab-stops:list 54.0pt">8.    Ma Ramaax Ali Hayste ayay Badha-saabka ka qaadayaan?
tab-stops:list 54.0pt">9.    Ma Haji Bursade ayay taalo Berbera uga dhisayaan?
10.Ma General Fadhi-Ku-Salaan ayay ciidanka Qaranka la doonayaan?
l2 level1 lfo3;tab-stops:list 56.25pt">11.Ma kursiga Gudoomiyaha Wakhiilada ayay doonayaan?
l2 level1 lfo3;tab-stops:list 56.25pt">12.Ma HCTV iyo Jamal Ali Hussein ayay Xayaysiis u samaynayaan
   13. Ma Budhcad-Badeed ayay noqonayaan?
   14. Ma ciidanka xeebaha Somaliland ayay noqonayaan?
   15. Ma Petrol ayaa buuraha Shiikh laga helay?
16. Ma Dhul-balaadhsi ayay gobalka Saaxil ka bilaabayaan?
l0 level1 lfo2;tab-stops:list 56.25pt">17.Ma Hargeysa ayay neceen oo Burco  ayay dib-u-dejin ka samaynayaan
18. Ma Waddada Berbera ayay Isbaarooyinka ka qaadayaan?
19. Ma Carabtii, Hindigii iyo Reer-Ahmed ayaa Berbera Ku soo noqday?
20 Ma Wershadda Sibidhka ayay qadhaan u gurayaan?
         21 Ma Qadhaabkii ayaa daayeerkii ka dhamaaday?
line-height:150%"> 
Waxaan  ka baqayaa in Ciise Muse noqdo: Warsangeli Wax Noolba Cun Oo Awrkii Cirkana Cid U Diray.
 
Ahmed Jama Hure
Xusbiga Miyi-Iyo-Magaalo
ahmedsoleman@tiscali.co.uk
London
—————————————– 
 
line-height:normal;mso-outline-level:2">
mso-bidi-font-size:11.0pt;font-family:"Georgia","serif";mso-fareast-font-family:
"Times New Roman";mso-bidi-font-family:"Times New Roman";color:black">Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
color:black;background:white;font-style:normal">


SHARIIFAW MARNBA SOMALILAND KAMA NOQONAYSO GOONI ISKU TAAGEEDA IYO JIRITAANKEEDA By:Muse ismail muse

$
0
0

 
Dhamaan Shaqaalaha Oodwayne News Aad Ayaan Idiin Salmayaa
Hadii Aan U Dhaadhaco Maqaalkaygan Hadlka  Shariifku Iyo Raysal Wasaraaha Somaliya Ay  Kula Dul Dhacay Hadal Aan Ka Qaban Somaliland .Waxaan Leeyahay Shariifaw Somaliland Waa Dal Madaxbanaanidiisa Kaala Soo Noqdey 1991 Taas Oo Halgan Dheer Loo Soo Galay Dibu Xorayntii Dalka Oo Ay Ku Shihideen In Kabadan 50 Kun Oo Qof Oo Reer Somaliland U Dhashay , Nasiib Wanaag Waxaanu Si Kalsooni Ah Ugu Heshiin Dadkii Wada Dagey Somaliland Iney Dawlad Qudha Wada Dhistaan 1991 Taas Oo U Rumawada Shacabka Reer Somaliland ,
 
Hadba Tariikhada Somaliland Iyo Waxay Qabsatey  Maaha Mid Aan Halkan Ku Soo Koobi Karo , Somaliland Waa Dal Jira Jirdoonana Ilaa Inta Uu Ictiraaf Ka Helayo Beesha Caalamka ,
 
Hadii Dawlad Somaliland Kuu Fidisey Macaawimo Ay U  Deeqayso Dadku Abaaruhu Ku Habsadeen ,Somaliland Ilaahaybaa Ka Abaal Marine Ee Ha Is Odhan Somaliland Ee Dawladnimad Keena ,Aduunyo Kala War Laa , Halkaan Sii Socdo Iyo Hadalka Kaa Soo Yeedhay Waa Kaaf Iyo Kala Dheeri  Shariifaw ,
 
Dawlad Somaliland Maxaa Lagu Diidanyahay 
Dad Kaygu Hadii Uu Tashadey Maxaa Loo Daba Socdaa …
 
 
ALLAA MAHAD LEH
By: Muuse Ismaaciil Muuse
padding:0cm 0cm 1.0pt 0cm">
Hargaysa Somaliland
—————————————————
 
line-height:normal;mso-outline-level:2">
mso-bidi-font-size:11.0pt;font-family:"Georgia","serif";mso-fareast-font-family:
"Times New Roman";mso-bidi-font-family:"Times New Roman";color:black">Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
color:black;background:white;font-style:normal">

Maxaa kallifay in madaxweynuhu u jawaabo dad gaar ah iyadoo…. By- Maxamed Jaamac.

$
0
0

 
 
Aad ayaan u salaamayaa ummada s/land iyo saxaafada xorta ahba, salaam kadib waxaan qalinka u qaatay in aan weedh ka idhaahdo jawaabta uu madaxweynuhu ugu jawaabayay ashqaas gaar ah iyadoo isugu gudo jirtay jawaad toos ah iyo aflagaado aan af madaxweyne ahayn.
Sida xaqiiqda ah ama aynu wada ogsoonahay xukuumada waala dhaliili karaa wixii ay ku qaldantahayna waala sheegi karaa, balse waxa siyaasada s/land wax ku cusub noqotay dhaliilihii madaxweynaha iyo xukuumadiisa loo soo jeediyey oo laf dhuun gashay ku noqotay xukuumada iyada oo aad isugu taxalujisay sidii ay ugu jawaabi lahayd mucaaradka aad iyo aad. Ma xumo in madaxweynuhu eedaha loo soo jeediyo iska leexiyo ee waxaan meesha qaban in habeen saqbadhkii madaxweynaha video laga soo duubo oo la yidhaa waa jawaab, waxay milgaha madaxweynuhu ahayd in uu shir jaraa’d qabto oo saxaafada isugu yeedho oo halkaa wixii tallo iyo tusaale ahba la is dhaafsado isagan su’aalo la weydiiyo, laakiinse may dhicin ee waxaad moodaa in lakala qarinayo madaxweynaha iyo saxaafada runtii waa mid la yaab leh.
Kasoo gudub, waxa xiligan kalifay in xukuumada aad isugu dhibto u jawaabista mucaaradka waa maxay? Waxaa weeye lama dhaliilin oo lama mucaaradin xukuumada imika jirta ee runtii waa la soo dhaweeyey intii ay imika joogtay, laakiin waxa aad maalinba maalinta kasii danbaysa arkaysaa iyadoo ay kasii darayso oo ay dhalliilo badani jiraan, markaa waxaan odhan karaa waxaa ka xanaajiyey xukuumada waa runta, runtuna raga ma dishee way ka nixisaa, ee dulqaad ha yeelato oo ha saxdo dhaliilaha loo soo jeediyo maaha in ninkii ugu sareeyey uu cay ugu jawaabo iyo aflagaado aan qaban, maxaa yeeelay madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday taariikh hore, hadii taariikhda dib loogu noqdo cidina kama dhaliil iyo gadaloolo badna siilaanyo oo haday tii SNM  noqoto iyo haday dagaaladii sokeeye noqotaba waa ka tilmaamanyahay, laakiin shacbigeenu waa goboo waatii la iswada saamaxay, waxaan qabaa in hadalka madaxweynaha kasoo yeedhay aanu ahayn mid looga fadhiyey.
Murti ayaa tidhaahda “midkaloo kasii daran maxaad miimka uga qaaday” maxaa kalifay in madaxweynuhu u jawaabo sadexnin oo isku beel ah iyadoo la ogayahay in cidwaliba dhaliisho oo wixii dhaliil ee jiraba ay sheegto ayaad hadana moodo in raga qaar hadalada ay sheegaan aad looga gubanayo, tolow maxaa sababay? Maxaa keenay in aynu urino saansaan qabyaaladeed oo uu madaxweynuhii umadu dooratay u bilaabo? Allow sahal.
Waxaan kula talinayaa xukuumada in ay shakiga iyo bafta iska saarto oo mucaarad iyo muxaafadba dhex loo ahaado sababtoo ah waa la is dhaliili oo la isa sixi balse hadaynu rabno in aynu sii jiro cunfiga hala joojiyo.
Wasalaamu calaykum.
Maxamed Jaamac.
mjaamac67@yahoo.com
Burco.
———————————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 
 

” Tiiraanyadiinnii horaan Tiicayaa Welliye, Miyaanu caqligu Toosahayn Tanina Waa Yaabe!:” – Maxamed_Keyse

$
0
0

 
Dadku waa labo qaybood oo kala ah makas iyo masuul. Diinteenna ayey ka dhuux muuqataa farqiga u dhexeeya makas (sufaho) iyo masuulka. Labada qaybood isku aragti maaha, isku ficil maaha, iskuna dood maah. Makas kama fekerto meel dheer ee waxay ka fekertaa meel gaaban. Waxay ku go’aan qaadataa maalinta ay joogto iyo waxa taagan ama sida caadifadeedu markaa tahay. Waxay u ficiltantaa si aan tudhaale iyo xishood midna lahayn. Marka makastu doodayso inta badan waxa ku lifaaqan hadalkeeda xin, ciil iyo ficiltan. Waxaan qofka masuulka ahi ka ficiltamin ayey ka ficiltantaa.
 
Masuulku waa qofka aragtidiisa ku qotomiya ma dhaafaanka xaqiiqda. Waa qofka marka uu go’aan gaadhayo iska fogeeya aragtidiisa shiqsiga ah iyo caadifaddiisa qofnimo, isla markaana joogtada (waxa markaa taagan) iyo timaaddada (waxa soo socda) intaba si wanaagsan u qiimeeya, ka dibna arrinka dhiga meesha uu filayo in Ilaahay ka raali yahay.
 
La yaab maaha maanta in makasta iyo masuulku isku milmaan oo la kala garankariwaayo. Labo arrin baa u sabab ah in sidaasi dhacdo: Seben-aakhirka la joogo iyo warbaahinta xuduudaha jebisay. Xaaladda noocaas ah caqligu ma shaqeyn karaa? Hadduu shaqeeyana ma guulaysankaraa?
 
Maalmahan waxa taagan hadallo iyo doodo aan ku qurux badnayn inay qofka ama dadka ka soo baxaan waqtiyada qaar, hadday soo baxaanna aan ku haboonayn warbaahinta. Diinteennu waxay innaku waanisay markaan sadaqad la baxayno in aanay bidixda iyo midigtu is ogaan. Waxa diintu innaka reebtay inaynaan ku manno sheegan waxa aynu bixinnay. Waxa diintu ina fartay in muslimku isu kaalmeeyo oo aanu is hoojin. Markaa ma ku habboon tahay qofka Ilaahay raxmad ka sugayaa in uu ka xumaado kaalmo qof muslim ah oo baahan loo fidiyey?
 
Arrintan dooddu ka taagan tahay waxa go’aamiyey maamulkii ummadda oo gacan ka helaya dadkiisii. Markaa qofka ka hadlaya waxa habboon inuu marka hore labo kala caddeeyo:
1. Dawladda Somaliland ee madaxweynuhu hoggaamiyo ma aqoonsanyahay?
2. Ma yahay qof Ilaahay diintiisa qiray oo qaatay?
A. Hadduu hoggaanka dawladda ogolyahay uma bannaana inuu caayo iyo inuu ka hor yimaaddo midna. Waxa u bannaan inuu u tago oo u sheego waxa ka khaldan, isaga oo nasteex uga jeeda. Haddii aanu aqoonsanayn iyadu waa wax kale.
B. Hadduu yahay qof Ilaahay diintiisa ku ballan-qaaday inuu ku toosnaado waxa ku waajib ah in uu barto xuquuqda Ilaahay kala siiyey ‘’Taliyaha iyo loo-taliyaha.’’ Isaga oo aan aqoon taas u lahayn hadduu aragtidiisa adeegsado waxa uu halis u yahay in uu dhex dabbaasho baddii jahliga.
 
Waano
-Waxa habboon in qofku sameeyo waxa naftiisa u roon, ee aan cidhib-xumo ku keenayn.
-Waxa jira hadal ku yidhaa ‘’ ha i odhan, haddaad i tidhaana ha ii noqon’’ waxa habboon in qofku iska ilaaliyo kelmadda Ilaahay iyo Islaamkiisa ka fogeynaysa.
-Muddo 20 sano ka badan ayaan muran iyo is ceebayn shaqo ka dhigannay, haddaan guul dhab ah rabno waa inaan ku bedelnaa dacaadnimo, muran la’aan iyo wax qabad.
 
-Waxa guul lagu gaadhi karaa in masuuliyadda la qiimeeyo oo karaamadeeda la siiyo. Ma suuliyaddu qofka haya maaha, ee waa qaranka loo hayo. Qofku marka uu xil huwan yahay waxa uu sitaa karaamaddii ummadda, tix gelin iyo xuquuq gaar ah buu leeyahay, oo uu ku mutaystay xilka uu hayo. Haddaad neceb tahay la sug inta uu xilka ummadda dhigayo, haddii kale dhagaxa aad ku tuurtaa waxa uu dakhrayaa xilka qaranka ee uu huwan yahay, taasina adiga iyo ummadda midna dan uma aha. Waa in qofnimada iyo qarannimada la kala aqoonsadaa. Adiga oo qof ujeeda waa inaanad qaranka dhaawicin.
 
-Qofka masuulka ah dulqaad iyo tudhaale ayaa looga baahan yahay. Wixii uu ummadda ka xumeeyo isagaa Ilaahay kala xisaabtamayaa, wixii uu u wanaajiyana isagaa laga abaal marinayaa, sidaa darteed qofkasta oo masuul ahi taas maanka haku hayo. Yuu ka hakan wax u bannaan, isla markaana ha iska jiro inuu ku dhaco wax ka reebban.
Tawfiiq
Tafantoofe duulkii Cabdow, kala tasoobaaye
Tawfiiqda iyo wadajirkaa, lagu tanaadaaye
Tafaraaruq guul laguma helo, iyo is tuurtuure
Tiiraanyadiinnii horaan, tiicayaa weliye
Miyaanu caqligu toosahayn, tanina waa yaabe!
Tusmo iyo hoggaan bay bulshadu, tahan ku gaadhaaye
Marka la isla taageero bay, arrini toostaaye
Daacadnimo la garab taaganyaa, lagu tisqaadaaye
Tiiraanyadiinnii horaan,tiicayaa weliye
Miyaanu caqligu toosahayn, tanina waa yaabe!
Qof uu araggu towsaysan yahay, turunturroo jeere
Taagtu muruqa uun maaha’e, waa tab iyo xeele
Talo-xumo dadkii qaayibaa, taabi waa libine
Tiiraanyadiinnii horaan, tiicayaa weli
Miyaanu caqligu toosahayn, tanina waa yaabe!
Qof iimaanku waa hore ka tegay, looma taag helo’e
Markay tafanto xaajadu qof sami, waa tanaasule’e
Tudhaaliyo xushmaa lagu dhaqmaa, laysma soo tigo’e
Tiiraanyadiinnii horaan, tiicayaa weli
Miyaanu caqligu toosahayn, tanina waa yaabe!
Tookh beena iyo faan bulshooy, tacaddi weeyaane
Isku tiirsanaan ma leh dadkii, kala takoormaaye
Tiro iyo anaa badan la’eed, taamistii hore
Tiiraanyadiinnii horaan, tiicayaa weliye
Miyaanu caqligu toosahayn, tanina waa yaabe!
Intii aan isku taagnayn dadyahow, aadmigii tage’e
Intaan tacab ku foognaan lahayn, weysu tirinaaye
Tartankeennu waa xine ma laha, toosin iyo khayre
Tiiraanyadiinnii horaan, tiicayaa weliye
Miyaanu caqligu toosahayn, tanina waa yaabe!.

Allaa Mahad leh
Maxamed-keyse
mykayse@hotmail.com

Urur Siyaasadeedka DALSAN Oo Laga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa

$
0
0

Hargeysa (OWN)- Munaasibad balaaadhan aasaasayay urur siyaasadeed  cusub oo la magac baxay DALSAN ayaa maanta lagu qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa.
Kulankani oo ahaa mid balaadhan oo ay ka soo qayb galeen 236 ergay oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxa laga jeediyey Qubado aad u dhaadheer oo lagu faahfaahinayey Siyaasada Urursiyaasadeedkaasi.
Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Dalsan Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare) oo ka hadlay xafladan ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa  “Waxaan  aad iyo aad ugu mahad naqayaa aasaaseyaasha ka soo qeyb galay shirweynaha aasaaska ururka  dalsan, waxaan ergada uga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee aad uga soo qeyb gasheen ee aad nooga ajiibteen casuumadan oo aad nala aasaasteen urur siyaasadeedkan. Waxaanay ergadani ka timid  gobolada Somaliland ururkani waa ururka nabadda iyo horumarinta ee dalsan. Dal wanaagsani waa kii nabad haysta.Somaliland waxay leedahay xuduud caalami ah oo rasmi ah.”
Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu si faahfaahsan uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay,  waxaanu sheegay  inaanay qaranimada Somaliland gorgortan lahayn oo ay ku timid halgan qadhaadh.
“Waxaan leeyahay dawlada ha laga daayo in la yidhaahdo waxay na geynayaan Soomaaliya, madaxdeenu kumay dhawaaqin inay Soomaaliya inagu wadaan laakiin aan ka dayno hadalka Madaxweyne Siilaanyo  horena wuu ugu dhawaaqay in badan in Somaliland tahay dal madax banaan imikana wuu sheegay waxaan leeyahay aynu aamino waynu dhaarinay oo waynu dooranaye’e. Madaxweyneyaashii hore oo dhan iyagana waxa la lahaa waxay inageynayaan Soomaaliya, Daahir Rayaaleba waa tii lagu lahaa inamanuu geynin ee wakhtigiisii waa kii markii uu dhamaystay iska tagay. Cidina inama kaxayn karto. Haddii aan anigu caloosha ku haysto ILAAHAY inagama dhigee meel ma geyn karo haddii aanay dadkani ina ogolayn. Waxaan leeyahay  aynu la shaqayno kolba xukuumadii inoo dhalata.”
“Waxaan leeyahay xisbiyada qaar baa lahaa haddii  la furo wax baa dhacaya, iyadoo la furayna wali way leeyihiin, waxaan leeyahay wax dhacayaa ma jiraan ururadan samaysmayaana waa ururo nabadeed,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.
Guddoomiyuhu waxa uu tafaasiil ka bixiyay waxyaabaha ururkoodu kaga duwan yahay xisbiyada ka jira dalka waxaanu yidhi “Ururkani  waxa uu kaga duwan yahay ururadii hore 32 qof ayaa odhan jiray waanu aasaasnay. Maanta waxaynu shirweynahan iskugu nimid 236 qof oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan ayaynu ku aasaasnay ururkan dalsan. Waxaanu noqon doonaa xisbi u dhashay ummadda reer Somaliland oo dhan waa xisbi u dhashay dhalinyarada, Haweenka iyo waayeelkaba. Waa urur u dhashay inuu ka midho dhaliyo dalkeena qaniga ah waxa uu u baahan yahay oo kaliya in laga shaqaysiiyo dadka aqoonta leh ee jooga gudaha iyo dibadaba.”
Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo ka hadlay furitaankii shirweynaha ururka dalsan oo Lagu soo marti qaaday waxa uu yidhi   “Waxaan ku faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galo wanqasha shirweynaha ururka siyaasiga ah ee cusub ee dalsan, dagaal badan ayaanu anagu ka galay in  ururada siyaasiga ah la furo ugu dambayn waa lagu guulaystay in la ogolaado. Waxaan ku faraxsan nahay in hawshii aan qeyb ku lahaa in maanta halkan loo fadhiyo. ILAAHAY waxaan uga baryayaa inuu ururkan ka dhigo mid ka mid ah sadexda urur ee ku soo baxa xisbinimada.”
Md. C/Qaadir Jirde waxa  sheegay inuu hore uga soo qeyb galay wanqashii KULMIYE, UCID iyo urur siyaasadeedkii ASAD, waxa kale oo uu Xildhibaanku intaasi ku daray “Dadweynahana waxa looga baahan inay is garab taagaan,waxaan leeyahay hawshu waa bilowgii iyo unugii u horeeyay ee waa inaad la shaqaysaan oo is daba taagtaan. Waxaan leeyahay qaban qaabiyeyaashii ururka yaan hawsha oo dhan lagu helayn. Waxaan ergada iyo dadweynaha u soo jeedinayaa inay tallo, xoolo iyo wakhtiba ay geliyaan ururka dalsan,”ayuu yidhi Xildhibaan C/Qaadir Jirde.
 
Saddam Mohamed Ahmed                                              
Oodweynenews.com/ Hargeysa Office 2    
Sadam151@hotmail.com  

Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga Puntland oo toogasho lagu dilay

$
0
0

Sarkaal lagu magacaabi jiray Gaashaanle Axmed Maxamed Nuux ayaa habeenkii xalay lagu magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntlan.
 
Sarkaalkaas ayaa waxaa dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo wejiga soo qarsaday, kuwaasoo ku dilay meel ku dhow gurigiisa.
 
Wararku waxa ay sheegayaan in sarkaalka uu markii hore soo gaaray dhaawac, isla markaana loola cararay Isbitaal waxaase la sheegay in inta aan la gaarsiin Isbitaalka uu dhexda ku geeriyooday.
 
Goobta lagu dilay sarkaalkaas ayaa waxaa tagay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo halkaasi ka sameeyay howlgal, waxaana la sheegay in tiro dad ah ay howlgalkaasi ku qabqabteen, kuwaasoo baaritaanno lagu samaynayo.
 
Meydka sarkaalka oo  maanta lagu aasay magaalada Boosaaso ayaa waxaa aaskiisa ka qayb galay saraakiil ciidan iyo waxgarad ka tirsan kuwa reer Boosaaso oo wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka loo geysanayo saraakiisha iyo dadka waxgalka ah.

Shirka Gollaha Wasiiradda Oo Lagu Aqoonsaday Gollaha Qaranka KMG Liibiya(Dhageyso)

$
0
0

Shirkii todobaadlaha ahaa ee gollaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo looga doodday arrimaha badan maanta ayaa lagu aqoonsaday gollaha qaranka KMG ah ee Liibiya.
Shirkii maanta ay yeesheen gollaha wasiiradda Xukuumadda FDKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas khaliif ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda ammaan ee dalka, safarka R/wasaaraha Soomaaliya iyo aqoonsiga gollaha qaranka KMG ah Liibiya.
Markii uu soo idlaayay kullanka gollaha wasiiradda ayaa waxaa warbaahinta qaranka arrimahaasi u faahfaahiyay wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn) waxa uuna sheegay in shirka gollaha wasiiradda ee maanta uu ahaa mid xasaasi ah isagoo tilmaamay in ugu horeyn laga doodday aqoonsiga gollaha qaranka KMG ah Liibiya oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda,  waxa uuna  sheegay dood dheer ka mid in si wada jir ah ay wasiiradda isugu raaceen in la aqoonsado mucaaradka Liibiya.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Shirka Jaraa,id ee Wasiirka Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta
Mudane Jahweyn ayaa tilmaamay in sidoo kale  kullanka lagu dhageeystay war bixin ku aadan safarka R/wasaaraha Soomaaliya iyo shirkii uu uga qayb galay gollaha guud ee Qaramada Midoobayee magaalada New York ee dalk Mareykanka, waxa uu intaa raaciyay in wasaaradda arrimaha guddaha iyo amniga qaranka ay soo gudbisay howl gallada hay’adda Nabad Sugidda iyadoo wasiirradu ay isku raaceen in ay kasoo talla bixiso wasaaradda arrimaha guddaha howllahaasi iyo sida ugu wanaagsan ee loo wajahi karo.
Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in ugu danbeentii ay gollaha wasiiradda si diiran u soo dhaweeyeen haddalkii madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ahaa in la hirgaliyo isbuuca nadaafadda gobolka Banaadir isagoo sheegay in gollaha wasiiradda ay ballan qaadeyn in ay kaalin mug leh ay ka qaadan doonaan arrimahaasi, iyadoo dhinaca kale gollaha wasiiraddu ay ku dadaali doonaan sidii loola socon lahaa arday Soomaaliyeed deeqqaha waxbarasho ka hellay dalka Turkiga iyo sida ay uga faa’ideysan karaan.
 

Shirkii Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Copenhagen…SAWIRRO

$
0
0

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan xubnaha  ku jira  kooxdan xiriirka caalamiga ah, Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya  oo ay horkacayaan gudoomiyaha golaha baarlamaanka soomaaliya iyo Rwasaaraha kuwaas oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano , waxaa sidoo kale kulanka joogo wafdi ka socdo  dowlad gobaleedyada puntland iyo galmudug iyo ahlusunna waljamaaca.
Kulankan  ayaa waxaa  shir gudoominaya  ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay , Mareykanka iyo dowladda martida loo yahay ee  Denmark, waxana furitaanka shirka si weyn loogu sharaxay  ujeedada  kulanka 20aad ee kooxda xiriirka caalamiga ah.
Ambasadoor Mahiga oo kulanka ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey guulaha laga gaaray  shirarkii ugu dambeeyey ee kampala iyo Muqdisho iyo  sida ugu haboon ee  loo dhaqan gali karo qodobada shirkii Muqdisho ee wada tashiga ahaa.
Kulankan waxaa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya  Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo R.wasaaraha Soomaaliya prof  Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, waxa ayna ka hadleen dowrka dowladda Soomaaliya  ee nabad ku so dabaalida  guud ahaan dalka iyo  hanaanka ugu haboon ee loo wiji hi karo dhaqangalinta  hishiiskaas iyada  loo eegayo axdiga federalka ee dalka u degsan.
Kulankan  ayaa loo qorsheeyey mudo laba maalmood ah ayaa waxa la soo gabagabeyn doonaa maalinta berito ah iyada oo si weyn uu kulankan kaga duwan yahay kulamadii hore ee Kooxda xiriirka caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya.






C/raxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi)
Copenhagen


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Lagu Casuumay Machadka Daraasaadka Arrimaha Dibadda ee Denmark..SAWIRRO

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka qeybgalay kulan ay Machadka daraasaadka Arrimaha Dibadda ee Denmark soo qabanqaabiyeen, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad ama cashar xiiso badan oo uu ugu talo galay ardayda Jaamicadaha ee dalka Denmark.
Kulankan ayaa waxaa goobta ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Mr Holger Bernt Hansen oo ah Guddoomiyaha Machadkan. Mr Hansen ayaa warbixintiisa ay ku jirtay taariikh nololeedka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo kulamadii uu Qaramada Midoobey ku yeeshay oo uu halkaas ka xusay qeybo ka mid ah khudbadihii Ra’iisul Wasaaraha uu ka jeediyey Qaramada Midoobey.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku saleysneyd muhiimadda hay’adaha dowliga ah oo uu sheegay inay muhiim u yihiin horumarka, dimoqraadiyadda iyo nabadda. RW waxuu sheegay in Somalia ay 20sano oo dictator ah iyo 20 sano oo dowlad la’aan ah ay keentay inay burburaan dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee u adeegi lahaa shacabka. Waxuuna sheegay inay muhiim tahay in hay’adihii dowliga ay shaqeeyaan si loo helo amni, kala danbeyn iyo nabad waarta. RW waxuu sheegay inuu u yimid Soomaaliya sidii dib loogu soo celin lahaa hay’adihii dowliga si ay u soo celiyaan amnigii iyo kala danbeyntii, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursad ay kula tartamaan dalalka kale ee caalamka. Ra’iisul Wasaare Abdiweli M. Ali ayaa sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u ad-adag, isla makaana leh hab curin oo haddii ay helaan fursad ay suurtogeleyso inay dalkooda dib u dhisaan. Waxuu kaluu sheegay in waddanka Soomaaliya oo burbur ku jira 20 sano, haddan ganacsatada Soomaaliyeed ay horumar ballaaran ka sameeyeen dhinacyo badan, sida isgaarsiinta, xawaaladaha iwm.









Urur caawinaya saamaynta burcadda

$
0
0

Olole lagu caawinayo dadka ay burcad baddeeda ay saamaysay ayaa laga bilaabayaa maanta London

Warka Teknolojiyadda

Madaxda Sare Ee Ciidanka Qaranka Sanaag Oo Qaylo-dhaan Ka Muujiyey Gubista iyo Goynta Dhirta iyo Degaanka Lagu Hayo.

$
0
0

 
CEERIGAABO(OWN)- Shir-jaraa’id oo taliskooda magaalada Ceerigabo ku qabteen Taliyaha Ciidanka Qaranka Sanaag Suldaan-Muuse Jaamac Delef iyo Abbaanduulihiisa C/laahi Suufi ayna ku weheliyeen Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Degaanka iyo Reer miyiga ee gobolka Sanaag Xuseen Cismaan (Talaahi) ayaa madaxdan ciidammadu si aan kala hadh lahayn halkaas kaga dhawaaqeen qaylo-dhaanta ku waajahan gubista iyo goynta lagula kacayo dhirta kala duwan ee intooda badan degaannada kuxeeran gobolka Sanaag ee dhuxusha loo adeegsanayo. Waxayna madaxdaasi xukuumadda sare iyo hay’adahaba ugu baaqeen si deg deg ah in gurmad looga sameeyo aafadaas ku habsatey gobolka oo haddii ay sii socoto keeni karta in dhulka degaannadaasi isu beddelo saxaare ama lama degaan.
 
“Ciidanka qaranku markaannu aragnay in bulshada degaanku iskaga hor imanayaan arrintan oo haddi qolo joojiso dhuxusha ama qabtaan gaadiidka iyo dadka ka hawl gelaya ay taasi dhalisay in loo dhaco xoolahooda ama gaadiidkooda ama dhibaato kaleba ay kala gaadhayso ayaannu dhexda u xidhannay in lagasoo bilaabo 03/August/2001 ilaa xilligan gaadiid 8 baabuur iyo 140 askari oo abbaanduuluhu madax u yahay maalin kastaba ka hawl galaann degaannada baaxad ahaan 200-km² isugu jira buuraleyda waqooyiga iyo bariga iyo weliba soolasha koonfureed ee gobolkan”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay taliyaha ciidammada qaranka gobolka Sanaag Muuse Delef.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Muddadaas labada bilood ee ciidanka qaranku hawlgalkan ku guda jireen oo marka laga reebo maayorka Ceerigaabo oo shidaallo iwm nasiiyey iyo isuduwaha wasaaradda deegaanka oo talooyin naga siiyey aanay meel kale wax taageero ah ka helin waxay ku guulaysteen inay baabi’iyeen 27 lawdh oo dhir la gooyey loona diyaariyey gubista/dhuxul in laga sameeyo waxay kaloo degaanka Carmale ku gubeen 650 kiish oo dhuxul cabbaysan sidoo kalena gaadiid wixii la qabtay intooda badani waxay ku xidhan yihiin fadhiyada ciidanka ee degaankaas halka dadkii arrintan loo qabqabtay oo isugu jira qaar ciidanka dagaal kala hor yimid iyo qaar dhuxusha oo ay ka waantoobi waayeen loo qabtayna waxannu usoo gudbinney oo gacanta ku haya ahy’adaha sharciga eek u shaqada leh”.

Taliyaha ciidanka qaranka Sanaag wuxu intaas kusii daray “Iyadoo hawshani baaxadda ay leedahay aannaan ciidan ahaan awooddeeda u hayn loona baahan yahay in aafadaas ka hortegisteeda la joogteeyo oo loo helo awood iyo dhaqaale u gaar ah maanta laga bilaabo waxannu leenahay annagu hawshaas waxka qabashadeeda ma awoodi karno”. “Waxannuna ku talinaynaa in xukuumadda iyo golayaasha qaranku sameeyaan qorshe cad iyo cid loo qoro oo u gaar ah ka hor tegista aafadaas iyo badbaadinta degaanka oo haddii ay sidaas kusii socoto degaankii buuraleyda iyo soolasha ee dhirta qaaliga ahi ku taalley xoo;aha iyo bulshaduna ku noolaayeen isu beddelaan saxaare lama degaan ah”.
 
Abbanduulaha ciidanka qaranka gobolka Sanaag C/laahi Suufi oo isaguna shirkan jaraa;id ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Arrintan goynta iyo gubista dhirta iyo deegaanku waa aafo gobolkan ku habsatey annaguna intii awooddayadu ahayd waannu ku dedaalney sidii looga hortegi lahaa inbadan oo reer hebel laysugu haysan jirey arrintanina meesha waa ka baxday oo cidda hawsha gashay waa ciidanka qaranka sidoo kalena bulshada iyo dhibaatada arrintani ku hayso inbadan ayaannu is-fahamsiinney haseyeeshee waxay u baahn tahay istaraatiijiyad iyo qorshe cad oo lagaga hortago kasokow dhibaataynta dhinaca deegaankana waxa xusid mudan marka ugu horraysa ee kooxahan dhuxulaysatada ahi is urursadaan waxay iibsanayaan hub waxayna noqonayaan ciidan awood leh oo samaysmay oo xataa marka dhuxushooda la baabi’iyo degaannada qaarkood awoodda maammul oo jilicsan awgeed ay awooddii dhaqan dhuxulaysatadaasi la wareegtey”
 
Waxana abbaanduulahani intaas kusii daray “Annagoo uga mahad celinaynaa bulshada degaannadaas ciddii hawshan wax nagala qabatay haddana waxannu leenahay si hawshu midho dhal u noqoto oo aanay halkeedii dib uga bilaabmin waa in qorshe cad oo lagaga hor tago xukuumaddu ka yeelato”.
Waxana madaxdaasi halkaas uga mahad celiyeen xubno uu ka mid yahay Maxamed Jaamac Xaaji Cali iyo xubno kale oo degaannadooda kala hawl galay sidii laysugu deyi lahaa xakamaynta goynta iyo gudbista lagu hayo dhirta iyo deegaanka.
 
Isuduwaha horumarinta degaanka iyo reer miyiga ee gobolka Sanaag Xuseen Cismaan (Talaahi) oo isaguna shirkaas-jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi
“Marka ugu horraysa si weyn ayaannu wasaarad ahaan uga mahad celinaynaa hawlgalkan ciidanka qaranku sameeyeen marka dhibaatiooyinka gubista iyo goynta dhirta iyo deegaanka laga hadlayona waxaynu ognahay dhinaca dhuxusha degaannada Soolasha iyo guud ahaanba meelaha kale geedkii sare iyo geedkii hoose iyo ciidda intuba waa isku shuf beeleen waana isku gudbteen dhinaca goynta dhirta waxa kasoo if-baxday kaymihii ku yaalley buuraha silsiladda ah ee Goliska gobolka Sanaag ee dalxiiskana khaaska u ahaa ayna ka mid yihiin Daalayow, Surud iyo Siraadley iyo wixii bari ka xiga magaalada Ceerigaabo oo ah buuraleyda dhirtaas caanka ku ahayd oo ay ka mid yihiin Deyibka, Xiiska, Shoyga, Wegerka, Casaasada, iyo geed imminka shaac baxay oo la yidhaahdo Casaaso oo si gaar ah looga ganacsado loona raro sida xaabada loona gudbiyo gobollada koonfureed ayna ugu sokayso Gaalkacayo, wararka qaarkoodna waxay sheegayaan in loo isticmaalo kiimiko ahaan, ama waxyaabaha qarxa in dan qaali ah laga leeyahayna waa muuqataa marka loo eego qiimaha lagu hawlgelinayo dadka gumaadaya geedkaas ee ku nool degaannada kor ku susan  arrintuna waa mid u baahan in wax lagaga qabto awood qaran oo xooggan dhaqaale iyo qorshena leh oo xukuumadda iyo golayaasha kale iyo hay’ado iyo bulshadeennuba aynu iska kaashanno”.
 
 C/laahi Xuseen Darwiish 
Oodweynenews.com/Ceerigaabo Office 
Email: gxdarwish@hotmail.com

MADAXWEYNE 5 SANNO OO DANBENA WAAN KU DOORANAYNAA NADAADIHI MA DAALOW By- Eng: Abdirazak yassin maxamed

$
0
0

 
Waxaa wax laga xumaado ah in Madaxweyne kasta oo kursigaa yimiaada laga dayn waayo xagxagasho iyo hadal qadaf ku ah Madaxweynaha oo af xumadu horaa loo yidhi "Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara" Madaxweynihii aynu ka sugaynay in uu wadanka wax ka qabto oo horumar gaadhsiiyo oo u fakero halkuu diirada saari lahaa in laga dayn waayo af-xumo iyo hadal aan munaasib ahayn waa taad ogaydeen Madaxweyne Riyaale caydii lagu hayey bal hadaba dadkaygoow madaxweynahaad Doonaysaan ma mid meel kale laydinka keenaa waxaan filayaa malaa hadii Shariifka laydiin keenaa hadalka yarayn lahaydeen oo sidii caadada inoo ahayd war waadida iyo xanta la dhuumashada loo kala dheerayn lahaa .
 
Waxaa wax lala yaabo ah ma waxaynaan fahmin mucaaradnimada iyo sida loo tilmaamo hadii ay xukuumada jirtaa xagal daac samayso ama bariiqato sidii loo dhaliili lahaa oo dhaliishaasi waa toosin in la yilmaamo halkay wax ka si noqdeene, maaha "Personal attack" wax lagaga sheegayo shaqsinimada Madaxweynaha amaba reerkiisa waana qalad waayo weli uma aynaan bislaan hadalada qaarkood in laysku yidhaahdo, waxaan kale oo fari lahaa warbaahinteena in ayna baahin hadalada xaqaa'iqa ka fog ama wax yeelaynaya dadka shaqsinimadooda iyo dacaayadaha xun xun ee dawlada dhaawacaya. Dawlada waa la dhaliili karaa aan ku dhaliilo si aan turxaan lahayn waana la mucaaridi karaa aan mucaaradnimada u meel dayano.
 
Waxaan la yaabanahay sawnigii shalay nacnay dawladii hore ee Dawlada hada Madaxweynaha ka yahay Mujiaahid Axmed maxamed aynu cod Aqlebiyada ku dooranay goor maan sidii xanjo durba macaankii laga dhamaystay bal aan sugno oo dhowro oo hareeraa la qabano ilayn meel baanu kuu dhiibnay wax walbana waa in ay sidaan doonayno noqdaan waxna kula qaban mayno weliba hagardaamo iyo hadal aabihii Go'ay ayaan kula dul joogaynaa isma qabatee. waxaan walaalyaal inigoon magac qabiil ku hadlayn ee mid shaqsi ku hadlaya leeyahay waar aan Madaxweynaha la qabano hareeraa oo afxumada ka dayno wadanku waa keenii inagaa uu inoo shaqaynayaa diranay xoog kumuu imaan berina uu tegayaa inta uu joogo aan la shaqayno.
 
Madaxweyne Mujaahid waxaan ku leeyahay 5 sanno oo danbena waan ku dooranaynaa Na Daadihi Ma Daalow hana iloobin intii kula soo halgantay ee wadankan u indho iyo lugo beeshay geed hoostiina aad sanadaha badan kuwada noolaydeen iyaga iyo maatidoodii baa maanta wadanka ugu liidatee waayo wadamada qurbaha waxaa tixgelin la siiyaa ninkii u soo dagaalamay wadanka shaqadana loogu horaysiiyaa hadii uu mujaahid yahay (May27,1988 Veterans) ha ilaawin waana midaa dardaaranka ah baan ku soo geba gebeeyey.
 
Eng: Abdirazak yassin maxamed
jmladam413@gmail.com
———————————————————————–
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live