Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ku-simaha Ra’iisu Wasaaraha oo kormeer howled ku tegay Dekedda iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo

$
0
0

Muqdisho, Khamiis, Sep. 29,2011——Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga iyoWarshaddaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ay wehliyaan xubno isugu jira Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru dowleyaal ayaa maanta booqasho howleed ku tegay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo ee degaanka Jaziira.
Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuurgalay habsami u socodka howlaha Dekedda oo si caadi ah u soconayay isagoo R/wasaaruhu soo kormeeray qeybaha kala duwan ee dekedda ka warbixiyeen howlaha dekedda iyo balanqaad ay ka heleen dowladda Turkiga oo dooneysa inay dayactir xoogan ku sameyso qeybo ka tirsan dekedda gaar ahaana halka ay ku soo xirtaan maraakiibta oo ciriiri badan ka jiro.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa booqday Xerada barakacayaasha ee Rajo halkaasoo ay ku jiran kumanaankun oo dadweyne ka soo barakacay gobolada dalka ee ay abaaruhu dhufteen, isagoo dadweynaha u kuurgalay noloshooda iyo qaabka ay hay’adda Bishacas ee Turkiga iyo Bisha cas ee Imaaraadka ay ka bixiyaan raashin karsan oo saddexda waqti ah.
Ra’iisu Wasaaraha ayaa ka jawaabay cabasho ay shacabka xeradaasi ka muuiyeen raashinyari wuxuuna u balanqaaday in hay’addaha ku shaqada leh ay si deg deg ah uga dalbanayaan in loo kordhiyo Raashinka laga kariyo xeradaasi si loo helo raashin wada gaara dadka.
“Sida aad indhihiina ku aragtaan waxaa halkan ka jira cunayari sababtoo ah waxaa halkan degan 4,00 oo qoysas ah oo soo barakacay oo caruur iyo haween u badan, mana awoodo Dowladda Federaalku inay dhanka raashinka ka caawiso, sababtoo ah waxaan daboolnay baahida degaanka iyo ammaankooda, balse caalamka waxaan ka cosaneynaa inay dhanka Raashinka ka si fiican uga taakuleeyaan” ayuu yiri Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif mar uu warbaahinta kula hadlay gudaha Xerada Rajo
 


Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Dowladda Ka Codsay In ay Kasii Deyso Xabsi Kenya Ku Yaalla

$
0
0

Dhalliyaro Soomaaliya oo ku jira xabsi ku yaala magaalada Bambaasa ee dalka Kenya oo loo haysto mudda ka badan laba sannadood falal burcad baddeednimo ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsay in ay arrintooda wax ka qabato iyagoo sheegay in aysan wax lug ah ku laheen eedeymaha  loo haysto.
Cabdi Welli Xasan Yuusuf o ka mid ah dhallinyarada ku jirta xabsiga magaalada Bambaasa ee dalka Kenya oo Radio Muqdisho waraysi siiyay ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin illaa iyo 150 ruux oo dhammaatood ah sida uu sheegay kalluumesato Soomaaliyeed islamarkaana ay ciidamada Kenya ku hayaan xabsi ku yaalla magaalada Bombaasa in ka badan laba sannadood.
Cabdi Welli ayaa tilmaamay in ay xabsiga ku haysato dhibaato aad u xooggan , waxa uu xusay in siyaabbo kala duwan loo soo qabtay dhallinyarada xabsiga ku jirta oo uu tibaaxay in qaarkood ay dhaawacyo culus qabaan kuwaa oo ay u geysteen ciidamada dowladda Kenya.
Sidoo kale waxa uu beenniyay in ay wax lug ah ku leeyihiin burcad baddeedino isagoo xusay in ay yihiin dad Kalluumeysto ah oo an wax danbi ah ka galin dowladda Kenya.
Ugu danbeyntii Cabdi Welli Xasan Yuusuf ayaa ka codsay dowladda Soomaaliya in ay xaqiijso eedeymaha loo haysto islamarkaana ay dowladda Kenya kulla xibaabtanto dhibaatada loo geeystay muwaadiniinteeda Soomaaliyeed.
 
 

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom oo Muqdisho ka soo degay

$
0
0

Cutubyo ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee Amisom ayaa shalay ka soo degay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan tirada ciidamadaas yimid.
Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa ilaa hal diyaaradood lagu keenay shalay casir liiqii, iyadoo xilligaas garoonka ahaa mid shaqaalaha ay goor hore ka rawaxeen galabnimadii.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamadan ay yihiin cutub ka tirsan Uganda oo horay u balan qaaday in ilaa kun askari dheeraad ah ku soo biirin doonto.
Dalalka Uganda iyo Brundi ayaa horay ugu celiyay inay ciidamo dheeraad ah soo dirayaan, waxaana Taliska Amisom uu horay u dalbaday ilaa saddex kun askari dheeraad ah.
Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan ayaa hada gaarsiisan ilaa 9-kun askari, oo ka kala socda Labada dal ee Brundi iyo Uganda.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dalalka ku dhawaaqayay in ciidamo u soo dirayaan, waxaana Jabuuti ay sheegtay in 950-askari ay soo diri doonto, halka Seira Lione ay balan qaatay Hal Batalyan.

Burcad Koofur Afrikan oo Ganacsato Soomaaliyed ku dilay duleedka Cape Town

$
0
0

Kooxo Burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay ku dilay duleedka Magaalada Cape town ee dalkaas Ganacsato Soomaali ah, markii ay weerareen goobo ganacsi halkaas ku yaala.
Weerarka ay fuliyeen burcada Koofur Afrikanka ayaa waxaa ku dhintay labo ganacsato, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahaas ay dhac iyo boob u geysteen goobihii ganacsiga ay lahaayeen soomaalida, iyagoo qaatay hanti fara badan.
Falkan ayaa ah kii u horeeyay ee bishan ka dhacay duleedka magaalada Cape Town, inkastoo bilihii la soo dhaafay si xiriir ah u dhacayeen dilalka lagula kacayay ganacsatada soomaalida.
Ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koofur Afrika ayaa la kulma tacadiyo kala duwan oo isugu jira dil, dhaawac iyo boob loo geysto goobahooda ganacsi.
 

Shirka Kooxda xiriirka Caalamiga oo maanta la soo gaba gabeyn doono & R/wasaaraha oo ka halday

$
0
0

Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ICG ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, kadib markii uu maalinimadii shalay ka furmay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, iyadoo shirkan ahmiyad gaar ah lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee Soomaaliya.
R/wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo shirka hadal ka jeediyay ayaa waxaa kaga hadlay horumaradii dhinacyada siyaasada iyo ammaanka ka sameeyeen labadii bilood ee la soo dhaafay.
Dr. C/wali ayaa waxaa uu ka mahad celiyay gurmadka beesha caalamka uga yimid ee dhinaca wax ka qabashada abaaraha ku dhiftay dalka, waxaana uu tilmaamay in abaaraha iyo macluusha heysa dadka Soomaaliyed loo baahan yahay in gar gaar dheeraad ah lala soo gaaro.
Shirka maanta ayaa waxaa si gaar ah loogu lafa guri doonaa dhinaca ammaanka oo uu warbixin ka jeedin doono R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.
Shirka xiriirka caalamiga ayaa waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaha Baarlamaanka, R/wasaaraha, xubno ka socda Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca.
Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa noqonaya kii 20aad ee kooxdan ay yeeshaan tan iyo markii la aas aasay sanadkii 2006-dii.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Luuq iyo Beled-xaawo

$
0
0

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xowli ku socda ayaa ka jira degmooyinka Luuq iyo Beled-xaawo, xilli labadii maalmood ee u dambeeyay dagaalo ka jireen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Sida wararku sheegayaan ciidamada dowladda oo wehliya kuwa Ahlkusuna ayaa dhaq dhaqaaqyo duulaan ah wada, iyadoo deegaanada ay gacanta ku hayaan soo gaarayaan Ciidamo fara badan oo tababar u soo dhamaaday.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dhowr jiho ugu kala ambabaxeen degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey deegaano ka tirsan, halkaasoo wali isku uruursanayaan Shabaab.
Dagaalo shalay gelinkii hore iyo duhurkii dhacay ayaa wxaaa jidka loogu galay boqolaal ciidamo ku soo wajahnaa deegaanadaas, kuwaasoo tababar ugu soo dhamaaday deegaanka Doolow.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyada ay xoogooda ka jiraan dhanka duleedka Garbahaarey oo gaadiid dagaal iyo ciidamo ay ku baxeen.
Saraakiisha Dowladda oo warbaahinta muqdisho la hadlay ayaa ku gaabsaday inay wadaan diyaar garow dagaal, balse aanay ka hordhici doonin.
Al-Shabaab iyo saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalo labadii maalmood ka dhacay, iyagoo guulo ku kala sheegtay.
 

Dhegeeyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Kulan looga hadlayay mustaqbalka Suuqa Bakaaraha oo Shabaab iyo Ganacsatada ku kala dareereen (Xog-rasmi)

$
0
0

Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo xiriir ah ay ku dhex marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku saabsanaa mustaqbalka suuqa bakaaraha Ganacsatada iyo Saraakiisha Shabaab ayaa rajadii laga qabay in kulankaas natiijo ka soo baxaan ay noqotay mid lagu kala dareero.
Kulankii shalay galab oo ahaa kii 3aad oo ay isugu yimaadaan labada dhinac ayaa mar kale uu is faham waa ku dhamaaday, kadib markii shuruudo ay ku xireen Shabaab in ganacsatada xilligan u guuraan suuqa bakaaraha.
Ganacsatadii ka soo raratay alaabtooda suuqa bakaaraha ayaa iminka waxaa la soo gudboonaaday labo daran mid dooro, waa tan koowaade iyadoo lagu amray in alaabtooda kala bixi karin ceelasha, tan labaad ayaa loo sheegay in meel uu cadaw joogo in aanay u guuri karin.
Saraakiisha Shabaab oo labo maalmood ka hor laga dalbaday in laga qafiifiyo ganacsatada lacagaha ay ka qaadaan ayay ku gacan seyreen, iyadoo haatan ganacsatado xaalka ku xun yahay.
Warar si hoose loo helayo ayaa sheegaya in ganacsatada qaar ay joojiyeen badeecadihii ay u gudbin jireen Ceelasha Biyaha ee ay kala soo degi jireen Dekeda Muqdisho, si aanay xaalka ugu sii dheeraan.
Arrinta uu culuska weyn ka jiro ayaa ah sida ganacsatada ugu dhiiran karaan in suuqa bakaaraha ay dib u howl geliyaan, maadaama Shabaabka u arkaan hadii suuqa furmo in dowladda dan weyn ugu jirto, iyagana xaalkooda ku sii xumaanayo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa ka codsaday ganacsatada inay dib u furaan ganacsiga suuqa bakaaraha, isagoo balan qaaday in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin.
 


Dagaalo xoogan oo ka qarxay Degmada Dhoobley & Shabaab oo gudaha u galay

$
0
0

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Raaskambooni iyo Al-Shabaab ayaa ka socda degmada Dhoobley.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay Shabaabku dhowr jiho kaga qaadeen, kadib markii mudooyinkan ay wadeen diyaar garow ballaaran.
Isgaarsiinta ayaa ah mid ka maqan magaalada, taasoo adkeysay inuu yaraado wararka laga heli karo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Shabaab ay gudaha ugu jiraan.
Ma cada ilaa iyo hada qasaaraha uu geysanayo dagaalka, hase ahaatee wararka ayaa tilmaamaya in madaafiic iyo hub cul culus la isku adeegsanayo.
Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa jiray diyaar garow dagaal laga dareemayay qeybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoos, oo ciidamo fara badan oo shabaabka ay ugu qul qulayeen.
Wixii ku soo kordha wararkeena dmabe kala soco.

dulqaadkii madaxdu lahaanjirtay halku ka maray madaxweyne siilaanyo uf walagu nacay iyo sanka laga qabsaday ma hadal madaxweyna mise wa hadal nin wayni ku hadli karo…Wq: abdiqani salaf kaptanka

$
0
0

 
waxan aad ula yaabay hadalka madaxweynihii dhana kasoo yeedhay ee cadiifadu ka muuqato iyo wax iska caabinta iyadoo waliba
oo madaxeynuhu sugi kari wayay inuu wagu u baryo oo saqdii dhexe uu ku nafisay waxoo hadaloo si cadho ka muuqato uga soo baxay
waxana muuqata in markii hore madaxweynaha la duray oo ay hadalka ku mudeen nimankan uu ujawabayo ee madaxda xisbiyada 
mucaridka oo iyagu inta badan soo jeediya ama dadka usheega dhaliilaha xukumada meeshii ayka damqanaysana qabta iyagoon
utudhayn haday doonto nabar xanuun badanba hanoqdee waayo xikmada ka danbaysa in la sameeyo xisbiyo qaran aya sida ka turjumaysa
in mar walba laba xisbi mucaarid noqdan midna dowlada waqtiga soo dhiso hadiiba ay sida tahay macaaridku ma qaldana ee waxay 
wataan shaqadii loo soodoortay ee ahayd mucaaridnimo 
hadaba aniga oo tixgalinaya madaxweynaha (with all my respect) waxan aad ula yaabay oo liqi kari wayay markan dhaqahayga ku maqlay
hadalada aan ku haboonayn af madaxweyne ee ay ka midka yihiin isagoo u jawaabaya ina cali waraabe hadalada ayka mid ka yihiin
sida hore kor ugu soo xusay ;waalagu nacay uf ba lagu yidhi saka laga qabsaday; hadaladaas oo runtii nusqaan wayn ku ah madaxweyneheenii
aan dooranay eenku aaminay masiirkii umada oodhan inuu sida u hadlo la qurux badan sidoo kale dulqaad la,aan iyo daldhan ayan hogaan 
unoqonayaana isma qabtaan waxa fiican qofku haduu hogaan ahaado wa inuu yeesha dulqaad hogaamiye wa inu yeesha hadal hogaamiye
wa inuu yeesha samir hogaamiye wa inuu u hadla madaxweynuhu si aan caadifad ka muuqan oo ogson mucarid iyo muxaafidba isaga 
madaxweyne u ah mid neceb iyo mid jecelba maanta isaga hogaanka uhaya waxa kale oo is waydiin leh aaway xirfadii hadal yaqanimo
ee lagu yaqaanay siilaanyo waqtigii uu snm ta hogaamin jiray sowkii afmishaarka aha ee hadalka aan laga heli jirin waxan xasuusta maalinti
la waydiyey odayga ay bbc du waydiisay snm maxay filaysa hadii laga dilay halyaygii lixle markasu ku jawabay snm wa wada lixle marka manta
marku somaliland oo dhan aabo u noqday maxa ku kalifay inuu u hadlo si an ku haboonayn inu madaxweyne u hadlo ma da,dii aya kusoo baxday
mise lataliye yaashisa aya xun su,asha jawabteeda adigan kaga tagaya,
waxaan madaxweynaha kula talinayaa inuu noqdo nin dulqaad badan oo aan wax walba ka jawabin wayo afhayeeno ayuu leeyahay oo matali
kara samir iyo codkar nimo iyo adkaysi madaxweyne ileen inta kursiga aad hayso wa lagu durayaa ee adkayso madaxweyne oo uma haka nixin
markad ku hadasho waxan loo baahnayn de umadu way kula yabaysa mucaaridkuna waaba intuu kaa rabay madaama ay rabaan inay dadka 
tusaan shaqsiyadaada dhabta ah,
allaa mahad iska leh dhamaanteed
wabilaabi towfiiq
abdiqani ibrahim salaf (kaptanka)
political activist
captainsalaf@hotmail.com
abdiqanisalaf@facebook.com
south africa cape town
 
———————————————–
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Darawallada Gaadiidka Muqdisho Oo Soo Dhaweyay Dib U Dhiska Waddooyinka

$
0
0

Darawallada gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa si diiran usoo dhaweeyay dib u dayac tirka uu waddooyinka ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir iyadoo ay sheegeyn in ay hadda ay howllahooda ay u fududaaneyso.
Qaar kamid darawallada gaadiidka isaga kalla goosha degmooyinka gobolka Banaadir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa soo dhaweeyay dib u dhiska uu ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir qaybo badan oo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa ay sheegeyn in markii hore ay dhibaato xooggan ay ku qabeen isticmaalka waddooyinka magaalada Muqdisho kaddib bur bur xoogaan oo soo gaaray waddooyinka balse hadda ay dareemayaa in howshooda dawallnimo ay u fudufudaatay.
Darawallada ayaa ugu mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir sida wanaagsan ee uu isugu xilqaamay dib u haggaajinta billicda waddooyin oo laf dhabbar u ah noloshada dabiiciga ah ee shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa muddooyinkanba ku howllanaa sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa dhammaan waddooyinka degmooyinka gobolka Banaadir iyadoo maamulku uu ku guullesytay haggaajinta iyo hirgallinta qaar kamid ah waddooyinkii ku bur buray intii ay collaadaha ka jireen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo hadda uu ka jiro amni iy kala danbeyn.
 

Dhoobleey waa laga qaxay

$
0
0

al Shabab ayaa dib u qabsaday Dhoobleey saaka aroortii. War kale ayaa sheegaya in laga saaray. Isgaarsiinta Dhoobleey wey go'an tahay.Dhaawaca waxaa la geeyay Liboi, Kenya. Waa dhabbihii qaxootiga u hayaamaya Kenya.

Diyaarado dagaal oo maanta duqeeyay degmada Ceelbuur ee Galgaduud

$
0
0

Diyaarado dagaal oo aanay cidi ogeyn halka laga leeyahay ayaa maanta duqeyn xoogan ka geystay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyadoo warar is khilaafsan ka soo baxayaan weerarka ay geysteen diyaaradahaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradahan ay duqeeyeen degmada saaka barqadii, kadib markii dhowr jeer ay dul martay degmada.
Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha ka dhashay duqeynta, hase ahaatee meelaha la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah Saldhiga degmada Ceelbuur iyo bartamaha degmada.
Dhinaca kale Isgaarsiinta Gobolka Galgaduud ayaa hawada laga saaray, taasoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta looga saaray, hase ahaatee waxay tan sare u qaadeysaa xiisad weyn.
Deegaano ka tirsan degmada Ceelbuur iyo deegaano kale ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu arkayay diyaaradaha joog hoose ku socday, iyadoo Ceelbuur Shabaab u tahay xarun muhiim ah.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa diyaaradaha is wada ee Mareykanka leeyahay ayaa weeraro cirka ah ka geystay deegaano ka tirsan Jubooyinka oo ay ku beegsadeen saldhigyo Shabaab lahaayeen.

Xaalada Dhoobleey oo dagan caawa & Shabaab oo daqiiqado la wareegay

$
0
0

Ku dhawaad 20-ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 40-kalana way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ka dhacay degmada Dhooblay ee gobolka Jubada Hoose kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Raas kanbooni iyo Maleeshiyada Al Shabaab sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.
Dagaalkani ayaa waxa uu bilowday kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Dhooblay oo ay gacanta ku hayso dowladda ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kaladuwan oo ay ka mid yihiin hoobiyayaal kuwaasi oo qaarkood ku dhacay xaafado dad rayid ah ay ku sugan yihiin.
Kooxda Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay la wareegtay degmada inkastoo markii dambe laga saaray mudo saacado kadib, waxaana warka uu intaasi ku daraayaa in isgaarsiinta oo ka maqanayd saaka magaalada ay haatan dib usoo laabtay taasi oo sahashay xiriirka dhanka isgaarsiinta qeybaha kala duwan ee bulshada oo hakad ku jiray
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ilaha waxa ay sheegayaan inay ka mid yihiin Saraakiil ka kala tirsan dowladda, Raas kanbooni iyo Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo xilalkooda iyo magacyadooda aan la shaacin.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Dhooblay ee gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in haatan magaalada ay si buuxdo gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Raas kanbooni halka Al Shabaab ay ku sugan yihiin duleedka magaalada, halkaasi oo inkastoo daganaansho aan caga badan ku taagneen ay ka jirto hadana laga maqlayo rasaas iyo madaafiic goos goos ah.

Hogaamiye Al-Qacida ka tirsan Oo la dilay..

$
0
0

24-saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay dilka hogaamiyiha koobaad ee gacanka carabeed u qaabilsan urur weynaha Al-qaacida Anwar Al-cowlaqi.
Dawladaha Yemen & Mareykanka ayaa si buuxda u xaqiijiyey geerida Anwar al-Awlaki oo ka mi ahaa hogaamiyeyaasha Al-qaacidada Gacanta Carbeed isla markaana ka mid ahaa saraakiisha sar sar ee kooxda Al-Qaacida ee ka talin jiray guud ahaan gacanka carabta iyo dalka Somalia.
Geerida Anwar al-Awlaki waxay ka dhigan tahay jug culus oo madaxa lagala helay Al-qaacida waxaana la sheegay in duqeyn loo adeegsadey diyaaradaha bilaa duuliyeyaasha ah lagu diley Anwar al-Awlaki oo la socdey kolonyo gaadiid ah.
Dhanka kale, hogaamiyaha Mareekanka Obama ayaa ka hadlay dilka Masuulkaasi ayadoona warbixinda kasoo baxayo dhanka Mareekanka uu yahay mid isa soo taraya saacadaba saacada ka danbeysa.


Ganacsatada G/Banaadir iyo Wafdiga Somaliland oo kulmay

$
0
0

Xarunta ganacsatada maamulka G/Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacday munaasabad isugu jirtay soo dhoweyn iyo sagootin loo sameeyay wafdiga ka socda Rugta ganacsiga Somaliland, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay inta badan ganacsatada Gobolka Banaadir iyo wafdigii ka socday Somaliland. Guddoomiyaha Ganacsatada G/Banaadir Maxamuud C/Kariim Gabeyre ayaa ka hadlay ujeedada kulanka ganacsatada ay [...]

Madax-wayne Siilaanyo Inaad Saamo jiidiyo Sanqadh- tirasho Kala Daa Ogoowna Eedaynta Aad Kula Dulkuftay Faysal, Warancade Iyo Siciid Sulub-na Waxaa Kaa Mudnaa Mahiiga Iyo Sheekh Shariif. W.Q Cabdirisaaq Suudi

$
0
0

Madaxwayne siilaanyo ma haysto cid u jawaabta mucaaridku marka ay isaga iyo xukuumadiisa eedaymo usoo jeediyaan taasina waa ta sababtay inuu habeenka galinkiisii dambe hadal laga soo duubay madaxweynaha loo qaybiyo saxaafadda iyadoo flash lagu sido codkiisii, isagoo u jawaabaya faysal cali waraabe, cali warancade iyo siciid sulub haddii aynu dib u jaleecno wakhtigii xukuumadii rayaale jawaabaha mucaaridka waxaa uqaabilsanaan jiray raga xilalka ka haya xukuumada daahir riyaalana wuxuu qaabilsanaan jiray jawaabaha ergayga qaramada midoobay iyo madaxwaynayaasha iyo raysal wasaarayaashii xilalka u kale dambeeyey ee dawlada ku meel gaadhka ah mudadii uu riyaale hayey xilka madaxwaynanimo ee Somaliland.
Manta waxaynu ognahay oo aan qarsoodi ahayn mahiiga inuu la shiray dad ku hadlaya magaca awdal state iska dhaaf madaxwayne siilaanyo inuu ka hadlo’e waxaaba difaacay falkan guracan wasiirka arimaha dibada Somaliland maxamed cabdilaahi cumar sidoo kalena waxaa erayo dhaawac ku ah qaranimada, jiritaanka iyo gooni isku taaga Somaliland warbaahinta caalamka ka sii daayey madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha dawalada ku meel gaadhka ah wax jawaaba oo xukuumada Somaliland kia bixisayna ma jirto dhinaca kale haddii aan iska toogo anigu waan taageersanahay soomaali iska daaye haddii ay falastiin abaari ku dhacdo in loo gurmado oo wax la taro laakiin waxtarkaasi waa in aanu noqon mid dhaawac ku ah gooni isu taaga Somaliland marka aan sidaa leeyahay waxaan daba socdaa markii waftigii Somaliland ka tagay ee mucaawanada qaaday ay ka dageen garoonka dayuuradaha ee muqdisho hadalkii uu afhayeenka waftigu halkaa ka yidhi maxamed shugri jaamac wuxuu ahaa "aniga oo ku hadlaya magac dawlada Somaliland iyo shacabigeedaba waxaan idiin sheegayaa inaanu idiin soo hilawnay"waxaana hadalka ka daba qaatay gudoomiyaha gobalka banaadir oo yidhi"haddii aad noo soo hilawdeen waxaa meesha ka bixi doona  is faham la’aantii meesha taalay waxaanay arintani muftaax u noqon dootaa midinimada somaliya" hadba hadalada ka soo yeedhay raysalwasaaraha iyo madaxwaynaha dawalada ku meel gaadhka ah muu ahayn hadal maskaxdooda ka dhashay wuxuuse daba socday hadalkii uu garoonka dayuuradaha ee muqdisho ka yidhi afhayeenka waftigii ka socday xukuumada Somaliland maxamed shugri jaamac waxaanay dad badani iswaydiinayaan hadalkani ma waxa uu ahaa mid jeebkiisa ah mise wuxuu ahaa mid uu xukuumada kaga wakiil ahaa intaa ka dib waxaan xasuustay qisadan soo socota " ninbaa reer u waynaa waxaanu ahaa wiilkii curad waxaanu guursaday oo uu caruurna dhalay isagoo dhalinyaro ah haseyeeshee ragii ay walaalah ahayeen ee ka yaryaraa ayuu ugu tag waayey inay guursadaan ‘inan ragna waa is tirsanayaa’ markaa ka dib wuxuu go’aansaday inuu isaga oo nin wayn ah buuxiyo kaalinta ay gabeen walaaladiisii raga ahaa ee ka yaryaraa waxaanu mudo isu dhaw guursaday saddex dumar ee sharcigu u ogol yahay inuu wada guursankaro ninkan odayga ah ee aynu soo sheegnay marka uu walaaladiisa ka yaryar ku waaniyo inay guursadaan waxay ugu jawaabi jireen walaal waanu iska cibaadaysanaynaa marka uu ugu jawaabo waxaa rag cibaadaysanaya ee aad arkaysaan xaasas bay leeyihiin ee guursadana way ka aamusi jireen, hadaba ninkii odayga ahaa markii uu saddex dumara guursaday  mudo isku dhaw ayey dadkii is waydiiyeen waar ninkii odayga ahaa maxaa qaaday dadkuse ma oga dhibaatada haysata ninka odayga ah iyo inuu xaalkiisu yahay ‘ninka faras dabadii ka dagay meel u dhaantuu waayay akhristoow haddii aad is waydiiso madaxwayne siilaanyo maxaa qaaday waxaad ogaataa inaanay jirin cid ka furan karta jawaabta mucaaradka, hadaba aynu sheekadeenii hore dib ugu noqonee markii uu ninkii odayga ahaa saddex dumara wada guursaday muddo isku dhow oo ay dadkuna ku sheekaysteen  odayga maxaa qaaday muu walaaladiisan ka yaryar uu guuriyo ayuu dadkii hab suugaaneed ugu sheegay inuu walaaladii kala quustay guurka kaalintoodiina uu isagu buuxinayo waxaanu yidhi: mar haday da’dii iga yarayd; daafac geli weydey; oo ay dumarkii igu baylahsheen doqomo waysaystay saw inaan dantay waariyaa igu wanaagmaaha"
 
 
  Cabdirisaaq Suudi Nuur
  Tel: 4425243
  Hargeisa Somaliland
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,
 

10 Dhismo Oo aduunka ugu yaabka badan. DAAWO SAWIRO

$
0
0


Muuqaalada dhismayaashaan ayaa ah kuwa indhaha caalamka soo wada jiitay ayadoona intooda badan ay yihiin muuqaalo aad u qurux iyo taarkh badan.
Muuqaalka 1-aad ayaa ah mid aad u fac weyn marka loo eego taariikhda dunada waana Masjidka faca weyn ee Suleymaaniyaha waxa uuna ku yaala dalka Turkiga.
Muuqaalka 2-aad ayaa ah Mataxaf ada u balaaran kaa oo dhismo ahaan aad u qadiimi ah waxaana lagu magacaabaa Solomon waxa uuna ku yaala magaalada Newyork.
Muuqaalka 3-aad ayaa ah mid marka loo eego aduunka haatan sii carara mid isaga fac weyne waxa uuna ku yaalaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waana Barajka aduunka ugu muuqaalka fiican marka loo eego.
Muuqaalka 4-aad waxa uu yaala dal carbeed waxaana lagu bartaa taariikhda carabta gaar ahaan waa goob laga helo dhamaan taariikhda carabta ahna Machad.
Muuqaalka 5-aad waa Mari Dijabo waxaa laga helaa taariikhihii hore ee aduunka waxa uuna ku yaalaa dalka Talyaniga.
Muuqalka 6-aad waa dhismo aad u cajiib badan waxa uuna ku yaalaa dalka Germany waxaa dhisay nin Germany ah waa dhismo ay ka hooseeyaan biyo waliba gacan ku sameys ah dhalo ka dib.
Muuqalka 7-ada waa dhismo ka sameysan Dhalo gabi ahaan habeenkiina waxa loo maleeyaa sida in qorax in ay soo baxday nawaaxigiisa waxa uu ku yaala dalka Russia ama Ruushka.
Muqaalka 8-aad waxa uu ku yaalaa dalka Mareekanka waa goob lagu soo bandhigo dhacdooyinka aduunka gaar ahaan waxa uu ku yaala magaalada California.
Muuqalka 9-aad waa goob lagu ciyaaro dhamaan ciyaaraha waana dhismo isku laa laabanaya oo aad ku wareereyso waxaana lagu ciyaaraa dhamaan ciyaaraha fudud waxa uuna ku yaala dalka dalka Shiinaha.
Muuqaalka 10-aad waa Kaniisad iyada oo dhan ka sameysay Saliibkeeda waxa birbirqa waxa ayna ku taalada dalka Mareekanka.









MOHAMED IBRAHIM AYAANLE
Ayaanle19@gmail.com
Nairobi – Kenya
+254-7-28862688

KA FAAIIDEYSO NIDAAM GANACSI OO HORUMARSAN Qeybta 3aad

$
0
0

Dr: Abdullahi Sheik Mohamed ( MIFTAAH )
SWEDEN
Waa qaybtii 3aad  ee barnaamijkii aynu ugu magacdaray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara. Waxa aynu ku soo sheegnay qaybtii koowaad iyo labaad si loo abuuro ganacsi guulaysan kara in loo baahan yahay in uu jiro nidaam ama qorshe ay raacayso shirkaddu oo la yidhaa (business plan). Waxa aynu qaybtan 3 aad  kusoo qaadan doonaa waxyaabaha kale ee u baahan in lagu qoro qorshaynta ganacsiga (business plan). Qorshaynta ganacsiga oo aynu kusoo qeexnay in uu yahay wadadii la mari lahaa si loo gaadho ujeedada shirkaddu leedahay. Shirkadd aan lahayn qorshe cad ama nidaam la raacayaa suurto gal ma aha in ay si fudud u guulaysato.
Halkan waxaynu ku soo gudbin doonaa qaybta 3 aad oo u baahan in lagu qoro marka la diyaarinaayo nidaaminta ganacsiga (business planning). Marka aynu dhamayno waxaynu samayn doonaa tusaale (sample) business plan si qof waliba u fahmo.
Fadlan qofkii aan akhrisan qaybihii hore waxa laga yaabaa in fahamka qabtani ay ku adkaato markaa ku noqo qaybihii hore.
Waxyaalaha u baahan in la ogaado inta aan shirkaddu badeecad ama adeeg soo saarin:

  • Waa maxay baahida dhabta ah ee hadda ka jirta suuqa aad higsanayso (current demand in the target market)? Waa in aad ogaataa in baahi ka jirto suuqa aad galayso, waayo macaamiishu waxa ay marka hore ku xidhnaayeen shirkaddo kale, markaa waa maxay sababta ay ugu baahan yihiin in ay shirkaddan cusub kusoo biiraan, dhinacyo badan ka fiiri baahida.
  • Waa maxay xajmiga saxda ah ee suuqa aad rabto in ay shirkaddan cusubi ka shaqayso (size of market)? Badanaa suuqyada dhaqaalaha badan laga helaa waa suuqyada dadkoodu ay aadka u badan yihiin (more populated). Markaa waa in aad ogaataa xajmiga suuqaagu inta uu noqon karo.
  • Boqolkiiba meeqa ayaad suuqa ku yeelan kartaa (tani waa muhiim haddii aad si dhab ah uga fakirayso in aad noqoto mid ku guulaytsa suuqa)?
  • Muxuu yahay isbedelka ku imaan kara suuqa aad ku fakirayso, intee in leeg ayuu suuqu isbedeli karaa isla markaa horumar intee leeg ayaad badeecada ama adeega ku samayn kartaa?
  • Muxuu yahay koboca imaan karaa (potential growth)?
  • Maxay yihiin xanibaadaha kaa hor imaan kara markaad suuqa galayso (market entry barriers), maadaama aad shirkadd cusub tahay?. Tusaale ahaan waxyaalaha kaa hor imaan kara waxaa ka mid ah:
  • Kharashka daraasaadka suuq-gaynta oo bata (high marketing cost)
  • Kharash badan oo loo baahdo (high capital cost)
  • Kharashka tacab soo saarka oo aad u bata (high production cost)
  • Macaamiisha oo u baahan in ay ku bartaan (consumer acceptance and brand recognition)
  • Shirkadoo u baahata dad tababar iyo xir fad leh (training and skills)
  • Kharashka lagu raraayo oo sareeya (shipping costs)
  • Cashuuraadka (tariff)
  • Sharciyada dawladda (legal authority)
  • Iyo dabcan sidii aad uga gudbi lahayd xanibaadaha kaa hor yimaada
  • Side ayay waxyaalahan soo socdaa u saamayn karaan shirkadda cusub helida jawaabahoodu waxa ay kaa caawinaysaa in aad dhinac walba ka eegto ganacsigan cusub ee aad furaysaa si aad u ogaato waxyaalaha kugu soo fool leh:
  • Haddii isbedel ku yimaado ganacsiga (change in the business).
  • Haddii is bedel ku yimaado qalabka farsamada (change in technology)
  • Haddii is bedel ku yimado sharciyada dawlada (change in government regulations)
  • Hadii isbedel ku yimaado xaga dhaqaalaha (change in the economy)

Badeecada (products):
Qaybtan waxaa laga rabaa shirkaddu in ay si cad u sharaxdo badeecadaha iyo adeegyada ay samaynayso. Weliba waa in shirkaddu qeexdaa ayadoo toos ula hadlaysa macmiisha.
Waxaad taxdaa dhamaan alaabta aad rabto in aad iibiso oo dhan.
Mid walbana si cad u sheeg faaiidada uu leeyahay iyo weliba waxyaalaha dheeriga uu layahay. (describe the most important features and benefits).
Waana in aad sheegtaa haddii lagaa iibsado waxyaalaha aad qofka aad siinayso, tusaale ahaan in aad alaabta halkuu doonayo aad u geyso (delivery), in aad siiso damaanad (warranty), taakulayn dheeri ah (support) iyo in lacagtisii loo celin karo haddii loo baahdo (refund policy).
Macaamiisha (customers):
Waa in shirkaddu si buuxda u aqoonsataa macaamiisha ay beegsanyso (target customers). Dabeecadahooda (characteristics), iyo weliba halka ay degan yihiin.
Haddii shirkaddu ay macaamiisheedu aanay ahayn koox gaar ah, waxaa lama huran ah in aad sheegto kooxda ugu sii muhiimsan haddii ay tahay da’da (age), lab ama dhedig (gender), meesha uu degan yahay (location), awoodiisa dhaqaale (income level), bulshada halka uu kaga jiro iyo shaqadiisa (social class and occupation), waxbarashadiisa (education) iyo wixii kale ee shirkaddu u baahataba.
LA SOCO “” ” ” “ASBUUCA SO SOCDO
 
 

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo ka hadlay weerarkii lagu dilay Al-Awliki

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka hadlay dilkii Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, kaasoo maanta diyaaradaha kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone ay ku dileen Gobolka Jawf, xilli uu ku socday Kolonyo. Obama ayaa sheegay in dilka Al-Awlaki oo ahaa wadaad heystay dhalashada Mareykanka ay dhabar jab weyn ku tahay Al-Qaacidada gacanka Carabta, hase ahaatee [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live