Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Barnaamijyo: Geerida Cabdullaahi Yuusuf

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday Cibistaal ku yaalla dalka Imaaraadka.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinno ku saabsan dhimashada C/laahi Yuusuf.

Sidoo kale, Qeybtan hoose ka dhageyso laba barnaamij oo ka hadlaya Taariikhdii iyo shakhsiyadii C/laahi Yuusuf Axmed.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka Qeybta koowaad.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka Qeybta Labaad.


Aaska Cabdullahi Yuusuf oo La Shaaciyay

$
0
0

Ra’isul Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay in guddi in shalay Guddi Qaran uu u magacaabay sidii ay uga soo tala bixin lahaayeen qaabka uu u dhacayo Aaska madaxweynihii hore.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in maalinta berita ah meydka madaxweynaha Muqdisho la geyn doono, si halkaasi loogu sameeyo xalaflad isugu jirta baroor diiq iyo aas qaran, hase yeeshee ay suurgal tahay buu yiri in magaxweynaha loo sii duuliyo magaalada gaalkacyo oo ah halka uu ku dhashay si loogu aaso.

Dhinaca kale War ka soo baxay Xafiiska  ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay ee Somalia, Augustine Mahiga, ayaa geerida madaxweynihii hore  ee Somaliya Abdullahi Yusuf Ahmed, ku tilmaamay mid laga naxo.

Isagoo ku hadlayay magaca qaramada midoobay ayuu Augustina Mahiga u diray tacsi, qoyskiisa Qaraabadiisa, asxaabtii, DKMG ah, iyo umadda somaliyeed geeridii ku timid madaxweynaha.

Cabdullaahi Yusuf oo Soomaaliya Madaxweyne ka noqday October 2004, ayaa waxa uu iska casilay xilkii madaxtinimada Soomaaliya December 2008.

Wareysi ku saabsan halkan hoose ka dhageyso

Burcad Badeeda Somalia oo Barriga lagula dirirayo

$
0
0

Wasiirada Arimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa go’aan ku gaaray inay balaariyaan qorshaha la dagaalanka burcad badeedda ee ciidamada badda ee midowga Yururb ay ka wadaan xeebaha Somaliya, iyadoo ciidamada siiyay awood dheeri ah oo ay ku weerari karaan burcad badeeda fariisimahooda xeebaha.

Muddo kordhinta howgalka midowga Yurub ay ka wadaan xeebaha Somaliya ee la magac baxay Atalanta mission, ayey wasiiradu isku raaceen inuu sii socdo ilaa iyo dhamaadka sanadka 2014ka, iyadoo ay ku baxeyso qarash ku dhow 15 milyan oo dolar.

Ciidamada ayaa awood loo siiyay inay dhinac badda iyo cirkaba ka soo weerari karaan, saldhigyada xeebaha ee ay burcad badeeda ka soo abaabulaan weeraradooda.

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo si cad uga horyimid hadal ka soo yeeray Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool

$
0
0

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu ku sheegay in ciidamada AMISOM si dhaqo ah loo geyn doono gobolada Bay iyo Bakool, wuxuuna soo dhaweeyay la wareegista ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Ra’isul wasaare C/weli Gaas ayaa wuxuu sheegay in sababta loo geynayo ciidamada Midowga Afrika labadan gobol ay tahay sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka, sidoo kalena ay maamulada goboladaas u gudan lahaayeen waajibaadkooda, wuxuua ka horyimid hadal dhawaan ka soo yeeray xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG, gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo sheegay in deegaanadooda aan la geyn Karin ciidamada AMISOM.
“Waxaan soo dhaweynaynaa qabsashada ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya qabsadeen degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool, arrintan waxay caddeyn u tahay labo arrimood oo kala ah in dowladda KMG ay ka go’an tahay inay gacanta ku dhigto dhammaan gobolada dalka iyo inay wiiqantay awooddii Al-shabaab” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas.
Si kasta oo ay ahaataba si rasmi ah looma oga sida ay isku waafaqi karaan hadalka ka soo yeeray Ra’isul wasaare Gaas iyo hadalkii dhawaan ka soo yeeray Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo sheegay inaysan raali ka aheyn in ciidamada AMISOM la geeyo goboladaasi, iyadoo dalbaday in ciidamada Itoobiya loo daayo gacan ku heynta labadaasi gobol ciidamada Itoobiya oo ay sheegeen inay ka tayo wanaagsanyihiin kuwa AMISOM ee la doonayo in la geeyo Baydhabo.

Safiirka Jaamacada Carbta, C/laahi Xasan Maxamuud oo eedeeyey Qaramada Midoobay

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo Jaamacadda carabta C/laahi Xasan Maxamuud oo ka hadlayey waxqabad la’aanta dowladaha carabta ee ku aadan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladaha carabtu ay indhaha ka fiirsadeen dhibaatooyinkii ka taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan abaarihii ka dhacay dalka.
“Dowladaha carabta qaarkood waxbay tareen Soomaaliya, qaarkoodna way eeganayeen dhibaatadii ka taagenyd Soomaaliya, waxayna amar ka sugayeen Mareykanka oo ay ka baqayeen inuu ku yiraahdo ha faragelinina arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri  C/laahi Xasan.
“Hogaamiyaashii Soomaadilada soo maray oo dhan oo uu ugu dambeeyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay la kulmeen Madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray ee Masar Maxamed Xuseni Mubaarak markii ay dhibaatadu ka taagnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan Sheekh Shariif waxa uu ka codsaday in maadaama ay Masar tahay hooyada carabta uu Xusni Mubaarak u istaago sidii ay kaalmo dhab ah ugu fidin lahaayeen shacabka Soomnaaliyeed, laakiin warkiisa wax muhiimad ah ma siinin, isagoo fulinaya amaro uga yimid dowladda Mareyanka” ayuu yiri markale C/laahi Xasan oo wareysi siiyey Wargeys ka soo baxa dalka Masar.
“Aniga qudheyda dhowr jeer ayaan kala hadlay arrimaha Soomaaliya madaxda dowladaha carabta qaarkood, laakiin wax muhiimad ah ma aysan siinin arrimaha Soomaaliya, waxayna ka doorbideen inay daba socdaan Mareykanka, wixii uu yiraahda ay fuliyaan” ayuu yiri markale C/laahi Xasan oo intaasi ku daray in dowladaha carabta qaarkood uu Mareykanku ku yiri isaga fogaada dhibaatada ka jirta Soomaaliya.
Dhinaca kale danjire C/laahi Xasan waxa uu ku eedeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay inay xadaan gargaarka binni’aadannimo ee Soomaaliya loogu talogalay, wuxuuna intaasi ku daray in shirkii dhawaan loo qabtay Soomaalidu ahaa mid aysan ka marneyn dano gaar ah, balse aysan aheyn jecel loo qabo Soomaalida, isagoo xusay in dowladihii shirkii London horboodayey ay yihiin kuwo dano gaar ah ka leh Soomaalida sida iyagoo doonaya inay la baxaan shidaalka, Macdanka iyo kheryraadka kale ee ku jira dalka Soomaaliya.

Dagaalo khasaaro geystay oo ka dhacay Magaaladda Baladweyne iyo Al Shabaab oo weeraro ku qaaday

$
0
0

Xarakada Al Shabaab oo dagaalo ka wado Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay xalay dagaalo ay kula gashay Ciidamadda Maamulka Gobolka Hiiraan, oo uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha Soomaaliya.
Dagaalada ayaa waxay xalay ka dhaceen Xaafadda Buundo Weyn, waxayna dagaaladu ahaayeen kuwo ku bilowday qoriga Sabanka loo-yaqaano, oo ay dagaaladaasi ku daah fureyn Xoogaga Al Shabaab.
Dagaalada oo soconaayay muddo ku dhaw 25 daqiiqadood oo xiriir ah, ayaa waxay labada dhinac ahaayeen kuwo si kulul ugu dagaalama Xaafadda Buundo Weyn ee Bariga Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa la-xaqiijiyay in dagaaladaan ay ku dhinteen laba askari, oo labada dhinac ah, iyadoo ilaa shan kalna ay ka soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, mana jirto wax khasaaaro ah oo dagaaladaasi ka soo gaaray shacabka reer Baladweyne.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay goobtaasi isaga baxsadeen, kadib markii ay iska caabin kulul kala kulmeyn Ciidamadda Maamulka Gobolka Hiiraan.
Dagaalada ka dhacay Magaaladda Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay imaanayaan xilli ammaanka Magaaladda Baladweyne uu maal-mihii ugu dambeysay ahaa mid aad u soo wanaag-sanaanaayo.

videosonna: 
See video

Ciidamadda Itoobiya oo si xun u gallay mid ka mid ah dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab(daawo)

$
0
0

Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee joogga Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay si adag ay u garaaceen mid ka mid ah Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, ee dagaalada ka wada Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.
Ciidamadda Dowldda Itoobiya oo ku sugnaa Buundada Isha Baydhaba ee Magaaladda Baydhaba, ayaa waxay ka shakiyeen nin dhalinyaro ah, oo markaasi ku sugnaa Buundada Isha Baydhaba, oo ka mid ah meelaha ugu caansan ee Magaaladda Baydhaba.
Ciidamadda Itoobiya ayaa waxay qoryo ay ku qabteen ninkaasi dhalinyarada ah, isla-markaana markii ay baaritaano ku sameeyeen ayaa waxay ka helleen jaakad ka sameysan walxaha qarxa, waxayna fahmeyn in uu damacsanaa weeraro ismiidaamin ah.
Waxaa la-sheegay inay ka fureyn jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ee uu xirnaa, isla-markaana waxay u geysteen jirdil aad u xoogan, iyagoo baabuur dabada uga rixay, isla-markana waxaa la-sheegay inay ku jiideen Buundada Isha Baydhaba.
Ninkaasi dhalinyarada ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ula dhaqaaqeen dhinaca Warshaddii Abukaate Xasey oo ku dhaw Maanyo Fuulka Magaaladda Baydhaba, waxayna halkaasi Ciidamadda Itoobiya ay ku lee-yihiin Saldhig Ciidan.
Lama oga waxa ay ninkaasi ku sameyn doonaan oo damacsanaa in uu isku qarxiyo, kana mid ahaa dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab ee weli ku sugan Magaaladda Baydhabo.

hoos ka daawo isha baydahbo 

videosonna: 
See video

Ciidamada Itoobiyaan oo qorsheeynaya weerar ka dhan ah degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud

$
0
0

Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa xamuulka qaada ayaa waxay u dhaqaajiyeen dhanka degmada Ceelbuur ee Bartamaha Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka dhaqaaqay degmada Dhuusamareeb ayeey dadka deegaanku sheegeen inay u jiheysteen dhinaca Ceelbuur oo ka mid ah deegaanada ay al Shabaabku ku xoogga badan yihiin ama ay saldhigyada ku leeyihiin.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu arkay in ka badan 50 baabuur oo kuwa dagaal iyo xamuulka isugu jira, kuwaas oo sida uu sheegay ku sii jeeda Ceelbuur.

Al shabaab ayaa dhankooda sheegay inay ka warhayana ciidamadan islamarkaasna ay diyaar u yihiin oo ay u jilib-dhigodoonaan haddii ay Ceelbuur u soo dhaqaaqaan.

halgankanet@gmil.com

 


Chelsea V Tottenham

$
0
0

Kooxda Chelsea waxay martigalinaysaa Tottenham. Cayaartan ayaa bilaabaysa 3:45 saacadda africada bari. Waa laba koox oo isku haya kaalinta Afaraaad. Waxaa kaloo Tottenham ay cagta cagta ugu haysaa kooxda Arsenal oo sadex ku jirta.

Arday Berri U Fariisandoonta Intixaan Ay Ku Helayaan Waxbarasho Turkiga Ah

$
0
0

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Ayaa sheegtay in maalinnimada berri ah ay imtixaanaad u fariisan doonaan ilaa lix boqol oo arday oo deeq waxbarasho ah ka helay dalka Turkiga.
Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federalka Soomaaliya Prof. Axmed Caydiid Ibraahim oo xafiiskiisa ugu warramay warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey tirada ardayda imtixaanaadka u fadhiisanaya maalinnimada berrito ah isagoo xusay in imtixaanka ay u fariisan doonaan in ka badan Lixdan Arday oo haddii ay ka gudbaan imtixaankaasi loo qaadi doono Turki.
Prof. Axmed Caydiid Ibraahim oo wax laga weydiiyay eedeymaha ay soo jeedinayaan dadka qaarkood ee la xiriira in magacyada arday imtixaanaadkii hore ku gudubtay ay ku baxeen arday kale oo sharci darro ah ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin eedeymahaasi, wuxsuna tilmaamay in ay sameeyeen qaabab ay  uga hortagayaan musuq maasuqa.
Shalay ayay ahayd markii ay ilaa iyo 50 arday oo helay deeq waxbarasho ah ay u kala dhoofeen dalalka Turkiga iyo Masar, deeqdaas oo ay ardaydaasi ugu talo gashay waddanka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa tan iyo markii ay u soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed waxay ka caawaniyeen dhinacyada, bani’aadamnimada, waxbarashada, caafimaadka iyo dib u dhiska dalka.

Ciidammada Dowladda Iyo Kuwa Amisom Oo Howlgallo Lagu Soo Qabtay Hub Iyo Rag Shabaab Ka Tirsan Muqdisho Ka Sameeyey”SAWIRRO”

$
0
0

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa howlgallo wadajir ah uga sameeyey qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho howlgalladaasi oo ay Ciidammadu kusoo qabteen hub iyo dhalinyaro ka tirsanayd Maleeshiyada Al-Qaeda kuwaasi oo dadka rayidka ah isku dhex milayey.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidammada Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay ciidammadu wadajir u fuliyeen maalinnimadii Khamiista aheyd islamarkaana uu ka dhacay xaafada Towfiiq degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxaana warsaxaafadeedka lagu qeexay in lasoo qabtay Afar dhalinyaro oo Al-qaacidada Soomaaliya ka tirsanaa iyo hub ay ku jireen qoryo gacmeedyo iyo walxaha qarxa.
Sarkaal u hadlay Ciidammada Amisom ayaa sheegay in dhalinyaradan ay xogtooda ku caawiyeen dadka deegaanka islamarkaana ay ahaayeen kuwo guryaha maalintii hoosta ka xiran jirey habeenkiina weeraro kusoo qaadi jireen  fariisimada Ciidammada Dowladda iyo Kuwa Amisom.
Howlgalkan ay wadajirka u fuliyeen Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa qeyb ka ah howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda ayadoo howlgallada ceynkan ahina yihiin kuwo ku socda wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka.



Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Xiisado ka taagan Ceel Buur oo ciidamo Ethiopian- ah ay ku wajahanyihiin

$
0
0

Guriceel-hobyonet)Ciidmada dowladda Ethiopia oo wata dabaabaad iyo hub fudud oo shalay gelinkii danbe tegey magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa maanta la sheegay inay u sii jiheesteen dhinaca Ceel buur iyo Dhuusa mareeb.
Sida wararku sheegayaan Ciidamadan oo ah kuwii ugu badnaa ee gobolkaas soo galay bilihii la soo dhaafay ayaa watay ilaa 50-gawari oo isugu jira kuwa uuralka ee ciidamada xambaara, taangiyo iyo madaafiicda goobta.
Dadka ku nool Guriceel ayaa sheegay in Ciidamadan ay ku biireen ciidamo horay ugu sugnaa duleedka Guriceel, halka ciidamo kalena ay aadeen dhanka Dhuusa Mareeb.
Saraakiisha maamulka Ahlusuna ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamadan ay qeyb ka yihiin howl galka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolada dalka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaan ay hada gaareen deegaano ka tirsan Ceelbuur, halkaasoo xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayo.
Al-Shabaab ayaa la ogeyn inay si rasmi uga baxeen degmada Ceelbuur, ha yeeshee waxay wararku sheegayaan in deegaanada u dhow dhow Ceelbuur ay difaacyo ka galeen.
Ciidamadaii hore ug sugnaa magaalada Ceel Buur ayaa la sheegay inay hubki iska dhigne iyadoo dadka deegaanadaasi ku dhaqan ay sheegyaan in halkaasi xisado ka jiraan.
www.hobyonet.com

Prof Abdi Samatar oo ka hadlaya Muqdisho

$
0
0

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo wax ka dhiga jaamacadda Minnesota ee waddanka Mareykanka, ayaaka hadlaya waxa uu kusoo arkay Muqdisho.

Ciidamo Ethiopian oo soo Galay Galgaduud

$
0
0

Ciidamo kale oo dheeraad ah oo Ethipian ah ayaa xalay ilaa maanta soo gaarayay qeybo ka tirsan gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha magaalada Dhuuse-mareeb C/raxmaan Cali Geeda-Qorow ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidamo badan oo Ethipian ah ay soo galeen gobolka, kuwaasoo haatan ku sugan degmada Guriceel.

C/raxmaan wuxuu sheegay in ciidamadan ay ku soo wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ciidamadan, balse C/raxmaan Geeda-qorow ayaa VOA u sheegay in ciidamadan ay badan yihiin, qorshahooduna yahay inay baacsadaan kooxda al-Shabaab  ee bartamaha Soomaaliya.

Chelsea 0-0 Tottenham

$
0
0

Qoraal toos ah ee cayaarta Chelsea iyo Tottenham. Waxay cayaartu ku dahmaatay 0-0. Chelsea, oo gurigeeda lagu cayaarayay kama faa'iidaysan.


General Galaal “C/Laahi Yuusuf wuxuu iigu aadanaa abti, wuxuuna wax ku soo bartay Italy iyo Ruuskha”

$
0
0

General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa wuxuu ka hadlay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed.
General Galaal oo la-hadlay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu sheegay in C/Laahi Yuusuf uu u ahaa abti, isagoo sheegay in hooyadii iyo C/Laahi Yuusuf ay ahaayeen laba ruux oo ilmo adeer ah, sida uu yiri.
General Galaal ayaa wuxuu sheegay in uu ka naxay geerida Madaxweyne Yuusuf, inkastoo hadana uu sheegay in geerida ay tahay mid Xaq ah, isagoo sheegay in ruux walba uu dunida ka taggaayo maalin uun.
Wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Yuusuf uu ahaa ruux miisaan culus ku lahaa Ummada Somaliyeed, isagoo muujiyay in geeridiisa ay saameyneyso Ummada Somaliyeed sida uu yiri, wuxuuna Alle uu uga rajeeyay in uu meel wanaagsan geeyo.
Mar uu ka hadlaayay taariikhdiisa, gaar ahaan dhinaca tababarka ciidanka ayaa wuxuu sheegay in uu ka gaaray darajada Gaanshaale Sare, isla-markaana wuxuu tibaaxay in uu wax ku soo bartay dalalka Talyaaniga iyo Ruushka.
Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaalida marxuum C/Laahi Yuusuf Axmed, ayaa wuxuu gelinkii hore ee Jimcihii uu ku geeriyooday Sheikh Zayed Hospital ee Abu Dhabi, isagoo ifka uga tagey xaas iyo afar caruur ah “2 rag iyo 2 dumar ah”.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, ayaa wuxuu maanta sheegay in marxuum C/Laahi Yuusuf lagu aasi doono Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug.
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda. 
HeeganTV Muqdisho

غــزة لــ”ثورات الشعوب “….أيــن زهـور ربيعكم ؟!

$
0
0

أزمة الوقود والكهرباء في غزة ظاهرها إنساني ولكنها لا تخلو من أبعاد سياسية، ومصر ملزمة بحل الأزمة لما تحمله من بعد إنساني .

Madaxweyne Yuusuf oo Gaalkacyo lagu Aasay

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Somalia marxuum Cabdullaahi Y. Axmed ayaa waxa aaskiisa ka qeyb galay Madaxweynaha DKMG ee Somalia iyo madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Marxuum Yuusuf waxa uu xilli hore oo maalintii Jimcihii uu xanuun hayey ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

QAYLO-DHAAN WADANI: Ha Tahriibine Tallo Keen!!! Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

$
0
0

Beryahan dambe qoraalkaygu wuu yaraaday, taasi macnaheeduna maaha in qalinkaygu uu gabnoobay ama anniga iyo qoraalku aanu kala fogaanay. Hawlo adduunyo iyo hirdanka nolosha uun baa igu batay oo ila yara durkay, qalinku se hawl iguma aha ee waa hiwaayadayda nololeed, waa saaxiib aan hiil ka dhigto markaan xaq-u-dirirka ahay, markaan runta daafacaayo, markaan dulmanaha u dooddaayo iyo markaan da;yarta la dareen wadaagayo. Sidaas darteed, qalinka isticmaalkiisa marna ba ma hilmaami karo, ma hiifi karo mana ilaawi karo.
 
Waa maqaal cusub iyo arrin aan gocday ka hadalkeeda. Tahriibta ka hadalkeedu iguma cusba oo maaha markii iigu horeysay ee aan wax ka qoraayo, Xaasha! Waxaabay ila gaadhay in aan daraasad ku sameeyo. In badan ayey I damaqday oo aan ka seexan waayey saameynta xun ee joogtada ah iyo tan mustaqbal ee ay tahriibtu ku yeelanayso mustaqbalka nolosheena bulsho iyo jiritaankeena ummaddeed. Labba Sanno kahor ayaan aad uga ololeeyey tahriibta; waxaan ka qoray dhawr maqaal, waxaan ka sameeyey daraasad aan ku ogaaday fikirka ay ardayda jaamacadaha dalku ka qabaan tahriibta, waxaan qabanqaabiyey munaasibado dhalinyarrada lagaga wacyi-galinaayo tahriibta, annigoo idaacadda iyo telifishanka ba kaga hadlay halista iyo hagardaamooyinka tahriibta. Markaas kadib waxaan dareemay in aan culays I saarna dhinac iskaga riday, mar haddaan tahriibta ka hadlay intii tamartayda iyo taagaygu ba ahaayeen. Waxaan aaminsanaa inaan badbaadiyey nolosha dhalinyarro faro-badan oo saxaraha ama badweynta dhexdooda ku naf-beeli lahayd, waxaan is tusay inaan hablo faro-badan oo Soomaaliyeed ka badbaadiyey faro-xumaynta sangaruurta suudaanta ah iyo saxariirta nololeed ee Liibiya.
 
Maanta-na weli cabsidii, murugadii iyo ciilkii ay tahriibtu I baday ayaan la deris ahay. Waa inaan hadlaa si aan waajibkayga u guto, oo aan culayska I saran iskaga rido. Waa in aan ka digaa khatarta tahriibta si aanan mar-dhaw isugu canaanan “kaalintaadii baad gabtay”. Waa in aan qaylo-dhaan dirsadaa si ciidankaygu u kordho, cadowgaygu (tahriibta) na u ciidan waayo. Qaylo-dhaan wadani ayaan dirayaa, cid kasta oo wadaniyaddu ay ehel u tahay ayaan u dirayaa, dhalinyarradaan u dirayaa, waayeelkaan u dirayaa, carruur iyo ciroole ba qaylo-dhaan baan u dirayaa.
 
Dhulkaad ku dhalatiyo, dalku waa awoowgaa, waa deyrcad dhalayood, dambarkiisa maashid, waa beer dalagii bixisay, waa deegaan, dugsi, iyo hooy aynu si qadarin iyo xushmad leh ugu wada nool nahay. Taariikhdeenii bulsho haddaynu dib u eegno, Soomaalidu waxay ahayd bulsho u wada nool hab-beelleed, oo intii isku isir ama farac ahi ba dhul gaar ah ayey ku wada noolaayeen, sidaas iyadoo ahayd haddana guud ahaan dhulka soomaalidu degtaa waxa uu ahaa mid magaca Soomaaliyeed laga wadaago. Abwaan Cabdillahi Suldaan (Timmo-cadde) ayaa markuu dawladnimmada qiimaheeda arkay, dib u milicsaday noloshii hore ee Soomaalida oo ku dhisnayd sumad qabiil oo dadku sida xoolahoogu ay sumad ugu kala leeyihiin iyaguna sumad ay isku kala dhawaystaan u kala lahaa. wuxuu yidhi:
 
Ma sideetan sabaan baa,
 
Sillanaa caqligeeniyoo,
 
Sumad gaar ah aynu lahayn,
 
Sidii xoolaha soofa,
 
Runtiina ilaa maanta summadaasi xoolaha oo kale ayeynu leenahay, waxaanay kamid tahay waxyaabaha ragaadiyey dawladnimadeena iyo hor-umarkeena ummadnimo. Aabaha Soomaaliyeed aad u yaqaanaa sida ubadkiisa uu uga dhaadhiciyo inay qabiil laan-dheere ah ka soo jeedaan, oo qabiilkoogu ugu maal badan yahay geyiga, ugu dhul balaadhan yahay, ugu Ilbaxsan yahay ama ugu mudan yahay qabiiladda Soomaaliyeed. Waxaa nasiib-darro ah in aanu aabbahaasi ubadkiisa weligiis u qeexin ama u sheegin ba waxay u taagan yihiin ereyadda Waddan, Waddaniyad, Ummad, Dal, Dawladnimo iyo Qarranimo. Anniga garaadkayga la yaab malaha aabbahaasi waayo isaga ba looma qeexin looma na sheegin ereyadaasi. Ilmaheenu wuxuu arkaa hooyadii iyo aabbahii oo ka wada hadlaya dannahooga qofeed, qoys ama qabiil, laakiin weligii ma arko iyagoo ka hadlaya dannaha Qarranimo. Markaa waddaniyadu ma samaday kaga soo degaysaa. Haddaynu ilmahaasi waddaniyad ka doonana waa khasab ku islaam oo kale.
 
Manhajkeenii waxbarashadda aas-aasiga ah ayaa ba noqday caqadda kowaad ee waddaniyadda waayo carruurteenii hadday saynis dhiganayaan waa reer galbeed iyo horumarkay gaadheen, hadday taariikh baranayaan waa tii reer galbeedka, hadday juqraafi tahayna, London halka ay adduunyadda ka dhacdo way kuu sheegi karaan laakiin Hargeysa halkay adduunyadda kaga taalo juquraafi ahaan waxaa ba laga yaaba in ay kuu sheegi kari waayaan. Haddii horumar iyo haybad ummadnimo loo dhigaayana, Yurub iyo Ameerika ayaa loogu sheegaa. Dabadeedna, Manhajkeenii aynu is lahayn wuxuu soo saarayaa dhiig cusub oo u dhigma Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sh. Bashiir, Timacadde, X. Adan (Af-qalooc) ama Faraax Oomar, Maxamuud Axmed Cali, Yusuf X. Aadan iyo Gandi. Wuxuu soo saaraa George Washington, Winston Churchill, John F. Kennedy, Hitler iyo qaar kaloo badan oo aan markaasi halkan ku noolaan karin ilaa ay tagaan meeshaasi ay taariikhda ku leeyihiin, dabadeedna iskaga tahriibaya dhulkan bilaa taariikhda ah, dhulkan caqliga iyo maskaxdu ba ka aabaaroobeen, dhulkan duliga, diifta iyo daalka badan, ilayn waxaynu carruurteena barnay in la ina guumeysan jiray, in Afrikaanka la addoonsan jiray iyo in aynu Afrikaan ahaan adduunyadda ugu liidano. Waa maxay  sababta inanka Eeshiyaanka ah ee aabbahii loo addoonsaday sida aabbahaa oo kale, ee dalkiisa loo guumeystay sida dalkaaga oo kale uu isagu dalkiisa u jecel yahay, ugu na taamaa horumarinta waddankiisa halka aad adigu na ka tahriibeyso ee aad u aaminsan tahay in aanad dalkaaga ku noolaan karin. Sababtu waxaa weeyi isaga wuxuu ku barbaaray waalidkiisa oo waddanka u dadaalaya. Dugsiga wuxuu ku bartay taariikh ummaddiisa u gaar ah iyo mid ummaddaha kale u gaara, waxaa u kala soocan qiimaha ummadnimo iyo qofnimo, wuxuu og yahay inuu wax noqonaayo markuu dalkiisu wax noqdo. Adiguna Soomaali ahaan weligaa laguuma sheegin waajib qaran oo ku saaran; waalidkaagu kugu muu canaanan jirin waajib gudasho la’aan. Waxaa qarannimada laguu sheegaa markuu qabiilkaagu seefta hayo, waxaa mucaaradad lagu faraa markasta oo qabiilkaagu kursi siyaasaddeed waayo. Danaha qofnimo, qoys ama qabiil ayaa lagaaga horeysiiyaa ta qarannimo.
 
Ha Tahriibine, Tallo Keen!!!
 
Ninkii Rodolo miisaama ee killoo raajiciya,
 
Ee raasamaalkuu helaa Rubuc ka hooseeyo,
 
Xisaab dib inuu u rog-rogo rayigu sow maaha?.
                          -Jilbo-Reeb- Cabdilaahi M. Dhoodaan
 
Dhalinyarradii jab baa ku dhacay, socdaal nolol iyo dhimasho u dhaxeeya ayey gashay, halka ay u socdaan ee hamigoodu yahay na meel ay ku raynayaan maaha. Waddankeenu waa curdin baahi badanni na way taallaa oo ay ka mid yihiin shaqo la,aan iyo dhaqaale darro laakiin si kastooy ahaato ba waxaan layska indho-tiri karin in meel dalkaaga kuu dhaantaa aanay jirin; waxaad haysataa sharaf, qadarin, xuquuq, iyo amni buuxa markaad dalkaaga hooyo ku nooshahay. Horumarka aad arkayso ee aad naftaada u haligayso rag adiga oo kale ah baa dhulkooga gaadhsiiyay si sahal ah kumay gaadhin, bal ka fakir qarni ka hor reer galbeedku heerkan miyay gaadhsiisnayeen? Jawaabtu waa maya, dadaal bayse ku gaadheen heerkaani ay maanta marayaan “xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”.
 
Dalkeenu maanta wuxuu u baahanyahay in laga shaqeysto oo tacab la galiyo ee uma baahna in laga yaaco, baahida dalkeena taalla na qof kastaa wax buu ka qaban karaa faqiir iyo taajir ba. Labba arrimood aynu kala doorano in dalka lagu negaado oo laga shaqeysto, tacab la galiyo, horumarintiisa na laga sinnaado oo aynu noqono ummad heer is-gaadhsiiyay oo isku filnaatay iyo in aynu sida maanta jirta wadanka ka tahriibno oo aynu u hayaano waddamo aan inala diin, dhaqan, iyo nolol toona ahayn, aynu magan u noqono dad aan inoo naxayn, dad diirkeena iyo diinteena neceb, dad caqligeena, xoogeena, iyo aqoonteena ka faa,iidaysta oo wadankooga heer ku gaadhsiiya, waddankeenu na uu waligii sabool ahaado, waxa qudha ee aynu iska dhaxalnaa na uu noqdo waddan saboola, noloshiisu ay hoosayso, waddaniyad na aanay ka jirin.
 
Akhriste bal u fiirso heerka uu gaadhay wadanka Taiwan, wax-soo-saarkiisu aad ayuu u sarreeyaa, dhalinyartiisu na waddankooga ayay wax ka bartaan ama dibadda ayay wax ka soo bartaanoo kadib na waddankooga ayay cilmigooda, cududdooda iyo caqligooda ba galiyaan. Waa dal aan wali aqoonsi caalami ah haysanin sidee na oo kale, wuxuu heer ku gaadhay waa waddaniyad xoogan iyo maamul wanaag. Dawladda Taiwan wax-soo-saarkii dalkeeda ayay dhiiri-galisay, waxbarashada sarre ayay kor u qaaday, waxay abuurtay shaqooyin faro-badan iyadoo samaysay warshaddo iyo ilo wax-soo-saar, muwaadiniinta Taiwan waxay halku-dhig ka dhigteen “waan ku qanacsanahay, inaan noqdo qof u dhashay wadanka Taiwan”. Innagu dawlad ahaan iyo ummad ahaan ba waynu ku guul-dareysanay in aynu intaa ba fulino.
 
“Rome was not built one day”. Akhriste ha is odhan waddankani xukumad wax-qabad lahi ma jirtee iskaga carrar, lakiin is-waydii waxaad adigu shakhsi ahaan u qaban kartid waddankaaga hooyo. Xasha! U fiirso dhalinyarrada fikirka wanaagsan ee ku bahoobay ururrada, iyagoo si mutawacnimo ah waddankooga ugu shaqaynaya. ka fikira hadii aad ku bahowdaan ururro dhalinyarreed waxaad u qaban kartaan waddankiina iyo noloshiina ba; dadka ayaad wax bari kartaan, nadaafada dalka ayaad ka shaqayn kartaan, dadka ayaad wacyi-gelin kartaan, mashruucyo horumarineed ayaad fulin kartaan, ugu danbeyn tallada dalka ayaad ka qayb-qaadan kartaan.
 
Siyaasiga waddankeena ayaa xun ee siyaasaddu asal ahaan wax xun maaha, siyaasaddu waa mabda’ iyo aragtiyo ay aqoon iyo afkaar wanaagsani hagayaan, laakiin siyaasiyiinteenu waxay ka dhigeen kursi iyo lacag ay qabyaalad iyo af-xumo ku helayaan. Waa hanaan-socodka siyaasaddeena meesha u baahan in isbedel lagu sameeyo, waayo siyaasiga wanaagsan ayaa noqon kara hoggaamiyaha wanaagsan.
 
Haatan iyo Dan
 
Waynu aragnaa itaal-darrida, caddaalad-darrada iyo shaqo la,aanta dalkeena ka jirta. Waynu aragnaa af-xumada, qabyaaladaynta iyo marin-habowga siyaasaddeena. Dhalinyarro ahaan, waxaa inala gudboon in aynu isku tashano oo mowqifkeenu ahaado horumar iyo mustaqbal wanaagsan. In dalkeena aynu ugu noolaano si sharaf iyo qadarin leh oo aynu u shaqayno ummaddeena. In aynu dalkeena u dhimano oo aynaan ka dhimanin; nafteenu waa qaali oo dadkaa u baahan, dalkaa u baahan oo adduun waynahaa u baahan. In aynu ogaano in aanay sirta noloshu ahayn aan taajiro, raaxeysto ama hurdo ee ay tahay tacab, orod iyo aqoon iyo horumar.
 
Xukummadda Maxaa La Gudboon?
 
Qof kasta oo muwaadin ahi xuquuq nolaansho, amni, shaqo iyo caafimaad ayuu dawladda ku leeyahay. waxa jira heshiis-bulsheed {Social Contract} ka dhaxeeya xukumadda iyo dadweynaha. Ummaddu xukumadda waxay ku aamintay danteedii, hantideedii iyo ka midho-dhalinta hanka iyo hamigeeda ummaddeed iyo in ay ka shaqayso horumarinta bulsheed, dhaqaaleed, aqooneed, iyo nabaddeed. Intaa mid ka mid ah haddii ay bulshadu weydo khal-khal iyo mucaaraddad xoogan ayaa dilaacaya. Xukumadda waxaa la gudboon in:
 
1.      Manhajka Waxbarashadda Aas-aasiga ah lagu badiyo taariikhda dalka iyo ummadda Soomaaliyeed iyo arrimaha kale ee waddaniyadda xoojinaya,
 
2.      In dhalinyarrada loo sameeyo barnaamijyo shaqo abuuris ah,
 
3.      Dhalinyarrada lagu wacyi-geliyo inay dalkooga ka shaqeystaan,
 
4.      Dhalinyarrada loo sameeyo mashruucyo horumarineed iyo kuwo lagu barto farsamadda gacanta si ay balwadaha iskaga joojiyaan,
 
5.       Dhalinyarta laga qayb-galiyo tallada hoose ee dalka,
 
6.       Ugu danbeyn, dhalinyarrada ha loo raadiyo deeqo waxbarasho oo gudaha iyo dibada ba ah.
Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
La-Taliye Sharci Madaxbanaan iyo Qoraa wax ka qora Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda.
awmuxumed@yahoo.com     
4460167
Hargeysa, Somaliland.
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

GABAY K U SAABSAN QAADKA

$
0
0

marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba hawlwadeenada warbaahintasomaliland gaar ahaan hawlwadeena shabakadan caalimaga ah ee OODWEYNENEWS iyo sidoo kale akhistayaasha sharafta leh iyo guud ahaan umada reer somaliland iyo kuwa muslimiinta ah.salaan ka dib waxaan jeclaa in aan ka yara hadlo aafo iyo imtixaan ilaahay umada reer somaliland ku imtiaaxmay oo ah aafada qaadka.walaalayaal ma jeclo in aan hadalka dheereeyo laakin waxaan idiin soo gudbin lahaa gabay uu tiriyey abwaanka weyn ee maxamed ibraahim warsame oo ku magac dheer hadraawigabaygan O MAGICIISA LA YIDHAAHDO awaal tiris.waa kan gabaygii ee dhugasho iyo dhuuxid wanaagsan.
1. baad ku jirtaa qarsoone,
02. Ka soo baxa iilka Qaadka,
03. Adduunka ragoow mar kaalay,
04. Abuurtiyo heega daawo,
05. Awoodaha saaran daawo,
06. Falaadkiyo alabbadeeda,
07. Ilaah samihiisa daawo,
08. Udbaha iyo teedka daawo,
09. Aloolka ku jeeran daawo,
10. Hagoogta aslaysa daawo,
11. Cadceedda ifaysa daawo,
12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,
13. Abaabul-caddaanta daawo,
14. Ummuuraha toosay daawo,
15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa,
16. Aashaa socodkiisa daawo,
17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,
18. Rugaa afo-gaalladiisa,
19. Laxaa iyo ururka daawo,
20. Aleelaha guudka daawo,
21. Habeenka amuuman daawo,
22. Shareerkiyo aqalladiisa,
23. Haddana ashqaraarradiisa,
24. Ardaayada gogosha taalla,
25. Ammuuraha seexday daawo,
26. Haddaanu arbeebigeedu,
27. Ku barin abtirsiimadeeda,
28. Inbiig ku dhex joogi maysid;
29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,
30. Irdaha noloshaad ahayd’e,
31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,
32. Ragoow indho-beelistaada,
33. Asaayo maxaa ka beermay!
34. Halkaad ku lahayd astaanta,
35. Maxaa umal soo fadhiistay,
36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,
37. Naftaada markaad illowday,
38. Bal soo tiri aafadaada,
39. Wixii lumay aynabkaaga,
40. Bal daawo inkaarahaaga!
41. Unuunka dhirtaad ka goysay,
42. Aahdeeda bal soo dhegayso,
43. Hashii iyo awrka geela,
44. Abaaludda loo dareershay,
45. Ureenkiyo tiinka daawo,
46. Rasaasta alwaysa daawo,
47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,
48. Areerinka meydka daawo,
49. Islaan curadkeeda weyday,
50. Asayda la saaray daawo;
51. Habliyo ubixii dalkeenna,
52. Markay Ingiriis u xiistay,
53. Markii Inglan looga yeedhay,
54. Wedkay ku aroortay daawo;
55. Uneexada gabanka xoortay,
56. Abaydinka dooxa yaalla,
57. Abkiisa la sheegi waayay,
58. Aboodigu boobay daawo;
59. Addoonka addoonka maagay,
60. Ku yidhi isku Aadan miihin,
61. Gabooye agtiisa yaalla,
62. Walaalnimadii ka ootay,
63. Aayaadkiyo diinta qeexan,
64. Sidaas kaaga aayo beelay,
65. Halkuu illin mooday daawo;
66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,
67. Daruuraha alabaskooda,
68. Cuslayn jiray alalagtiisa,
69. Bal daawada uummigiisa;
70. Dhulkii ubixiyo caleenta,
71. Ugbaadkiyo doogga laaca,
72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,
73. Awaaraha jiifa daawo;
74. Basaastiyo oonka daawo,
75. Geyiga umal-toobankiisa,
76. Ayaayurantiisa daawo,
77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,
78. Waxay af-dhabaandhab keentay!
79. Garaadka abloobay daawo,
80. Adduunyadu baadi maaha,
81. Mudkeediyo bulad ammaanka,
82. Afkii cunay quusan waaye,
83. Hadduu laba-aabudh saaray,
84. Hadduu ugubkeeda leefay,
85. Muxuu ka dhex joogi uuska.
86. Ugaasadu meeday? hee dhe,
87. Dorraato miyaan la aasin,
88. Miyaan kafan loo amaahan,
89. Miyaan axan loo yaboohin,
90. Markii araggaa la waayay,
91. Miyaan jinku qaylo oogsan,
92. Miyaan insigii gadoodin,
93. Miyaan ollogeenu yaabin!
94. Ishaaro san kaama hayno,
95. Shidaad naga oollin maysid,
96. Ogaal nagu caymin maysid,
97. Itaal nagu xoojin maysid,
98. Qudhaanjo afuufi maysid,
99. Dalool naga awdi maysid,
100. Xashiish nala ururin maysid,
101. Aqool nala seesi maysid,
102. Aqoon nagu biirin maysid,
103. Xilkaagana oofin maysid,
104. Afkaagana dhawri maysid,
105. Sidii gabadhii Ayaan’e,
106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,
107. Abwaannimo sheegan maysid,
108. Aroor qudha toosi maysid,
109. Dhiggaagiyo aynigaaga,
110. Adduunka la qaybsan maysid,
111. Iskaaba xusuusan maysid,
112. Wixii Rabbi kuu abuuray!
113. Intaydu ku deeqi mayso,
114. Intaada ku biirin maysid,
115. Hantida arladoo dhan taalla,
116. Haddaad irbad nooga keento,
117. Ducaa ku asqayn lahayd’e,
118. Inkaar naga waayi maysid;
119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,
120. Anfaaciga aad cunayso,
121. Ilaaqda raggaan ku keenay,
122. Waxaan u adkaystay maagis,
123. Amaah iyo qaylo joogta,
124. Uurkayga waxaan ku haysto,
125. Afkayga ka sheegi maayo,
126. Asluubtana qoomi maayo,
127. Awaashiyo waayahayga,
128. Ka daalaco oogadayda.
129. Haddaad na ilaalin weydo,
130. Axsaanta ku laaban weydo,
131. Abaal nagu yeelan maysid,
132. Ammaan naga dhowri maysid,
133. Anigu kugu faani maayo,
134. Dharaar kugu aarsan maayo,
135. Adiga kuu uunsan maayo,
136. Agtaydana jiifi maysid,
137. Haddaan beri kuu il-duufay,
138. Haddeer ku abaysan maayo;
139. Markay ajashaada gaadho,
140. Cidina kuu ooyi mayso,
141. Ilaahay ka dhuuman maysid,
142. Jannada ku aroori maysid,
143. Cadaabta ka oolli maysid,
144. Godkaaguna waa aboor,
145. Abeesiyo waa ciqaab.
146. Ragoow amarkaaga weyni,
147. Haweenka uleeya maaha,
148. Dhibtooda ku iida maaha,
149. Ufaan uf qadhiidha maaha,
150. Albaabbada kheyrku seegay,
151. Caqaar ku aroosta maaha,
152. Asaasaq ku gaadha maaha,
153. Ku aakhiro-seega maaha.
154. Ragoow irdho qaadan maysid,
155. Ugaadhsi ka seexan maysid,
156. Abeerka badbaadin maysid,
157. Ugeybkana dhaafi maysid,
158. Haddaad cunto aayahaaga,
159. Xulkooda haddaad abbaarto,
160. Unuunka haddaad ka goyso,
161. Areebo sidaad ka yeeli?;
162. Sabeen inanteennu maaha,
163. Adeeri ka sii mug weyn’e,
164. Asoolka hablaa ka daaya!
165. Abaartiyo roobka dhoofay,
166. In waalan, intiinna dhoohan,
167. In qaawan, intii sawaaban,
168. Dhammaan ifafaalayaasha,
169. Ka muuqda adduunyadeenna,
170. Ragoow ubadkaaga leexday,
171. Islaamnimadii ka baydhay,
172. Agoonnimadooda buuxda,
173. Dhashiinna ku aabbo weyday,
174. Asmay ku calool galeen’e,
175. Ammaanada boodhka taalla,
176. Ragoow ololaynta Jaadka,
177. Haddaad kaga ood fogaatay,
178. Maxaa arrin kuu dambeeya!
179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,
180. La saayira ooryihiinna,
181. Irmaanta xaqeeda siiya,
182. Ragoow ubadkaaga toosi,
183. Wixii arrin kaa daboolan,
184. Iimaanka ku baadi-doona,
185. Afeefna ka yeesha xaajo,
186. Ilaashada baylahdiinna;
187. Alhuumadu way fiddaaye,
188. Haddaad ummad liil ka weydo,
189. Hadday ahab yeelan weydo,
190. Waayeelku hadduu ab-guuro,
191. Hadduu odaygeedu waasho,
192. Hadduu la anbado xilkiisa,
193. Hadduu runta aamusiiyo,
194. Hadduu kolba eed xanbaarto,
195. Asuulkiyo xeerka soohan,
196. Hadduu marba oof-daloosho,
197. Hadduu laba-eef caddaysto,
198. Iimaanka hadduu xaraasho,
199. Hadduu wacadkiisa iibsho,
200. Araadi hadduu ku doono,
201. Ilaahay ka yaabi waayo,
202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,
203. Hadduu umal saaqa yeesho,
204. Sidii abris qooqan guuxo,
205. Hadduu sida awr xunbeeyo,
206. Hadduu abur xoor leh saydho,
207. Hadduu ilko jiira yeesho,
208. Hadduu noqdo aadun huursan,
209. Abeesada meel la daaqo,
210. Aqoonta qofkii ku dhaama,
211. Hadduu asaraar ku beensho,
212. Dhirtuba kala ayni weeye,
213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,
214. Hadduu kala geeyo uunka,
215. Hadduu marba qayb la ooyo,
216. Hadduu marba iil banneeyo,
217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,
218. Wanaagga ku aabi badan;
219. Aleelo hadduu ku waasho,
220. Islaan iyo foox karaarsan,
221. Agtooda hadduu fadhiisto,
222. Ijaabo ka baadi-doono,
223. Ibliiska hadduu la showro,
224. Hadduu marba ood ka boodo,
225. Ishaaro xun baa qarsoon;
226. Haddaanay astaan lahayn,
227. Abbaar iyo nuxur lahayn,
228. Aroor iyo raad lahayn,
229. Ammaaniyo qawl lahayn,
230. Asluub iyo dhaqan lahayn,
231. Islaamnimo sheeganayn,
232. Hadday wada eexo tahay,
233. Hadday asaroorin tahay,
234. Asaasiran lagu bursado,
235. Hadday dabin aasan tahay,
236. Shil iyo wada eeso tahay,
237. Hadday wada aano tahay,
238. Hadday agaraadam tahay,
239. Addoonsigu diin u yahay,
240. Hadday orgobaysan tahay,
241. Iimaanku ka qooman yahay,
242. Hadday Arraweelo tahay,
243. Hadday abnawaasad tahay,
244. Af-duub iyo beeno tahay,
245. Axsaantu ka maydhan tahay,
246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,
247. Or iyo wada qaylo tahay,
248. Hadday adhiyaysi tahay,
249. Hadday adhax-tuujin tahay,
250. Ilduuf iyo jeeble tahay,
251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
252. Siyaasadi aabbe ma leh.
253. Ku daalka abaabulkeeda,
254. Alooskiyo baanaheeda,
255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

 
abdurahman_444@hotmail.com
 
—————————————————–
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>