Hargeysa ( ToggaHerer ) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in guud ahaan dalka ay doorashadii Madaxtooyadu saaka uga bilaaban tahay si nabad ah, ilaa hada ay u socoto si habsami leh.
Mudane Xaashi oo ka mid ahaa Masuuliyiin uu hor kacayey madaxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo oo maanta codkooda ka diibtay xarunta Hay'adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in doorashadani ay sumcad weyn u leedahay Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi " Farxad weyn ayey ii ahayd inaan maanta codkayga ka dhiibto xarunta hay'ada shaqaalaha dawladda ee - Hargeysa, gobol wal iyo goob wal oo Jamhuuriyadda Somaliland ah hawluhu waxay uga socdaan si fiican, cod bixintuna waxay u socotaa si habsami ah, ammniguna guud ahaan waa sugan yahay, sharaf weyn ayey qarankan u tahay in doorashadii Madaxtooyada 13 Novemeber/2017-ka ay si habsami ah u socoto, waxaannu rajaynayaa inay sidaa si la mid ah ku dhammaato."
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa intaasi ku daray " Waxa ay arintaasi muujinaysaa bisaylka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay muujinaysaa qarankani sida uu isu tashaday, iyada oo wadamo badan oo la aqoonsan-yahay aanay heerkaa gaadhin, Somaliland waa dal madax-banaan hasayeeshee aan wali la aqoonsan. Doorashadu waxa ay ka socotaa 1642 goobood oo dalka ah, intaan xog-ogaalka ka ahay, ilaa hada sadex goobood ayaa tiradaa ka baaqday, sadexdaas gooboog guddiga doorashooyinka ayaa hakiyey sababo darteed. Doorashadani sumcad weyn ayey qarankan u tahay, Madaxweyne Siilaanyo sumcad weyn ayey u tahay, Xukuumaddayadana waxay u tahay sumcad weyn, xisbiga KULMIYE ee talada dalka hayana sumcad weyn ayey u tahay."
Mudane Maxamuud Xaahsi ayaa sidoo kalena baaq u diray bulshada Somaliladn waxaanu yidhi " Waxaannu rajaynaynaa inay guul ku dhammaato, shacbiga Somaliland waxaannu ku hambalyeynaynaa dedaalka iyo bisaylka, guddiga doorashooyinka qaranka waannu boggaadinaynaa, ciidamada ammniga ka shaqaynaya waannu boggaadinaynaa, waa u mahad-naqyanaa shacbigana waxaannu leenanay codeeya, si buuxdana doorashada ugu qayb qaata, nabadgalayna ilaaliya oo la shaqeeya ciidamada amaanka ku hawlan."
storvideo:
“ Gobol Wal Iyo Goob Wal Oo Jamhuuriyadda Somaliland...
Polls open in Somalia’s breakaway region of Somaliland
Voting kicked off at 7 a.m. in the breakaway region of Somaliland on Monday as over 700,000 voters lined up in queues to vast their ballot to elect their fifth president.
Queues started forming in a number of the stations as voters lined up to vote in 1,642 polling centers.
"I am very happy to vote and I will give my vote to the most suitable candidate," Sagal Mohamed told Xinhua.
Muse Bihi Abdi will be defending the ruling party seat while former House Speaker Abdirahman Irro is vying in Wadani ticket. Faisal Ali Warabe is running under Justice and Development Party (UCID).
This is the first poll in Somaliland to use a new voter registration system, which itself marks the first use of iris-scan biometric technology in an African election.
Meanwhile, a 60-member team of international observers from 27 countries is monitoring the polls.
The international election observation mission (EOM), which has been invited by Somaliland's National Electoral Commission (NEC), said it will conduct its observation activities in accordance with the Declaration of Principles for International Election Observation, emphasizing the impartiality and independence of that observation.
The EOM is led by the Development Planning Unit (DPU) at University College London (UCL), and Somaliland Focus UK.
This EOM marks the fourth election in Somaliland observed and reported on by DPU and Somaliland Focus since 2005.
"Preparations for this mission have been intense, and we are very appreciative of the invaluable assistance we have had from so many stakeholders in Somaliland, and from the British government in funding this mission," Michael Walls of DPU, chief observer on the EOM.
"Now that we are seeing the hard work bear fruit, we are hoping we will see a spirited and peaceful polling day marking another step in Somaliland's democratic development," Walls said.
storvideo:
Ciidamada Xoogga dalka oo Xorreeyey deegaano horleh ...
Muqdisho (SONNA), Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa howlgallo ka dhan ah maleeyshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah Gobolka shabellaha hoose, iyaggoo ku xorreeyey deegaano hor leh oo gobolkaaasi katirsan.
Degaano hoos yimaada degmadda Kuntunwaareey ayey ciidamada xoogga ka xorreeyeen Nabad diidka Alshabaab, waxaana deegaanadaas argagixisada ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, waxayna ku qasbi jireen inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta kooxda iyo in aysan jari Karin geedka Soomaalida ay u taqaan cali garoobka oo wadooyinka deegaanada la xorreeyey xiray, dhibaatana bulshada ay ku qabeen.
Taliyaha ururka 26 aad ee guutada seddaxaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar (Jaamici) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in gacanta Nabad diidka Alshabaab ay ka bixiyeen deegaano hoos yimaada degmadda Kuntunwaareey ee Gobolka shabellaha hoose, islamarkaana ay qabteen tiro Maleeshiyaad oo Kooxda u dagaalameysay.
Col Xasan Jaamici, ayaa sheegay in howlgalada Nabad diidka lagula dagaalamayo ee gobolka Sh/hoose ka socda ay noqon doonaan kuwa joogta ah, dhowaanna lasoo afjari doonno howlgaladaasi, isagoo shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan siddii Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaaanada tirada yare ee hadda ay ku dhuumanayaan.
storvideo:
Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada oo soo...
Muqdisho (SONNA) Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ayaa go'aamiyay in dhammaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay'adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto.
Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa la isku af gartay in wasaaraduhu ay gacan weyn ka geysan karaan sidii loo dardar-gelin lahaa boostada dalka, iyagoo sameynaya tallaabooyin lagu dhiirri-gelinayo isticmaalka boostada.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen.
Wasiiru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhawaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti. Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.
"Ciwaanka kaliya ee Soomaaliya ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbeddel weyn ku sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu, waayo waxay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba. Haddaba waxaan dadweynaha ku wargelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka" ayuu hadalkiisii ku soo gagabeeyay wasiir Bile.
storvideo:
Natiijadii cod bixinta maxaad kala socotaa illaa...
Natiijadii cod bixinta maxaad kala socotaa illaa immiga?
Waxa Daabacay staff-reporter on Nov 13th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
?
Awdalpress - London - Inta aannaan natiijada iyo tirada xisbiyadu kala heleen idiin soo gudbin, waxan immiga idiin soo gudbinaynaa warkii ugu horreeyey ee ay guddiga Komishanka Somaliland u sheegeen shacabka reer Somaliland iyo caalamka.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 900 times.
storvideo:
ote Counting Under Way in Somaliland Presidential Election
Vote counting is underway in Somaliland after the breakaway republic held its presidential election.
Three candidates are competing to replace President Ahmed Mohamed Mohamoud, who opted not to seek re-election.
The three candidates, Muse Bihi Abdi of the ruling Kulmiye party, Faysal Ali Warabe of UCID and Abdirahman Mohamed Abdullahi of the Waddani party, cast their votes Monday in Hargeisa, the capital.
Somaliland’s electoral commission said voting was peaceful in all of the republic’s six regions. It said it recorded an incident in Togdher region where at least one person was injured after a soldier’s gun accidentally discharged.
Of the more than 1,600 polling stations, only a few had people in line when voting ended at 6 p.m. Electoral officials closed the stations, but allowed those in line to cast their ballots.
Final results are not expected for several days. Under the vote-counting system, polling stations send their results to regional offices, who will pass them on to the electoral commission.
Voting was watched by a total of 60 election observers from 27 countries whose salaries were paid by Britain.
The observers said they heard reports of some problems, but not many.
“I’m referring to isolated instances, with one of the more serious being in Hargeisa where a polling station was closed down because of a disturbance. That prevented or delayed the closing of the polling station and the count. We’re not sure of details yet,” said the observer, speaking on condition of anonymity.
“There were also some complaints from parties of voters being prevented from voting, though again, we didn’t hear of anything that seemed systematic or widespread.”
More than 700,000 people were expected to vote. Turnout was thought to be high, but the commission says it was too early to give figures.
Somaliland, a former British colony, broke away from the rest of Somalia in 1991. The territory has run its own affairs since, but has never been recognized as an independent country.
The post ote Counting Under Way in Somaliland Presidential Election appeared first on Shabelle.
Wefti ka Socda Dawladda Puntland oo Gaadhey...
14th November 2017 admin Category :
- WARAR: AF SOOMAALI
Wefti kasocda dawladda Puntland ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 13 Nov 2017 gaarey magaalada Xingalool ee gobolka Haylaan, halkaasi oo ay shacabka magaaladaasi kala qayb galeen banaanbaxyo lagu tageerayo dawladda Puntland iyo kuwo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland.
Weftigan gaadhey magaalada Xingalool ee goblka Hayland ayaa waxaa hogaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.
Banaabaxa ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Hayland ayaa waxaa sidoo kale shacabka Magaaladaasi kala qayb galay Guddoomiyaha gobolka Hayland iyo taliyayaasha booliiska ee goboladda Sanaag iyo Hayland.
Dadka banaanbaxayay oo lulayay calamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo calanka dawladda Puntland ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo shucuuri ku dheehan tahay kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan doorasho kusheegga khasabka ah ee maamulka Soomaaliland, isla markaana waxa ay muujiyeen taageeradooda ku adaan dawladda Puntland, waxana ay ku wareejiyeen masuuliyiinta dawladda Puntland ee kala qayb gashay banaanbaxani kaararka codaynta doorashada maamulka Soomaaliland oo hore loo siiyay.
Sidoo kale magaalooyinka Hadaaftimoiyo Ceelbu ee gobolka sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo metelaadda doorasho ee ka dhacaysa maamulka Soomaaliland, waxaana ka qaybgalay kumanaan kun oo qof kuwaas oo aaminsan qadiyaddooda Soomaalinimo iyo tan Puntland-nimo kana soo horjeeda faragelinta qaawan ee maamulkaasi Soomaaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Hayland Maxamed Cawil Cabdullaahi oo la hadlay banaanbaxayaasha magaalada Xingalool ayaa waxa uu sheegay in ay ka hortageen kooxo doonayay inay si qarsoodi ah doorashada uga dhacdo degmooyinka gobolka, isagoo tilmaamay in dhammaan degmooyinka gobolka Hayland aysan ka dhicin wax doorasho ah.
Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur ayaa waxay sheegtay in shacabka magaalada Xigalool ay muujiyeen dareenkooda iyo sida aysan raali uga ahayn doorashada maamulka Soomaaliland oo ay ku tilmaamtay mid khasab ah, oo aysan dadku raali ka ahayn"Waxaan idiinku hambalyaynayaa sida aad u diideen sanaadiiqdii la idiin keenay oo la doonaayey inaad khasab ku codaysaan, dad aan idiin tirsanayn oo degaankiina u yaqaan magac cuyaal ayaad maanta u muujiseen dareenkiina iyo qadiyaddiina waddaninimo," ayay tiri Wasiir Sucaad.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa goobta banaanbaxa ku soo bandhigay kaararkii codaynta ee doorashada Somaliland, kuwaas oo ay ku wareejiyeen Shacabka Magaaladaasi, waxaana uu fariin u diray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, isagoona sheegay in shacabka reer Sanaag iyo Hayland yihiin dad leh qadiyad, tariikh soo jireen ah, mid geesinimo oo ay iskaga dhiciyaan cadawgooda sida ay horeba taariikhdu u qortay, Isla markaana waxa u nasiib daro ku tilmaamay in Muuse Biixi sheegto waanu hayn oo ah inuu yahay nin talin jiriy, waxaana uu u cadeeyey muumulka Soomaaliland in ay shacabka labadaasi gobol hore iyo haatanba ka tashteen doorashadooda beenta ah ee lagu majara habaabinayo beesha caalamka iyo shacabka rayid ka ah ee maamulkaasi.
ok
Banaan bax looga soo horjeedo maamulka S/land oo ka dhacay Degmada Xiingalool iyo kaararkii codbixinta oo la qabtay.
Opslaet af Warbaahinta Dawladda Puntland pa 13. november 2017
storvideo:
Fashilkii ugu weynaa ayaa SNM kasoo gaaray Gobolka...
Fashilkii ugu weynaa ayaa maamulka Somaliland kasoo gaaray xud...
Dawladda Puntland oo gacanta ku dhigtay kaararka codbixinta ee Somaliland, kuwaasoo si dhuumaalaysi ah la doonayey in lagu soo galiyo xuduudda Puntland ee gobolka Cayn.
Opslaet af Warbaahinta Dawladda Puntland pa 13. november 2017
storvideo:
ote Counting Under Way in Somaliland Presidential...
Hargeisa: A woman casts her vote in the presidential election in Hargeisa, in the semi-autonomous region of Somaliland, in Somalia Monday, Nov. 13, 2017. More than 700,000 registered voters across Somaliland are expected to cast their votes Monday to elect their fifth president, as the ruling party faces a strong challenge from opposition candidates.AP/PTI(AP11_13_2017_000249B)
Vote counting is underway in Somaliland after the breakaway republic held its presidential election.
Three candidates are competing to replace President Ahmed Mohamed Mohamoud, who opted not to seek re-election.
The three candidates, Muse Bihi Abdi of the ruling Kulmiye party, Faysal Ali Warabe of UCID and Abdirahman Mohamed Abdullahi of the Waddani party, cast their votes Monday in Hargeisa, the capital.
Somaliland's electoral commission said voting was peaceful in all of the republic's six regions. It said it recorded an incident in Togdher region where at least one person was injured after a soldier's gun accidentally discharged.
Of the more than 1,600 polling stations, only a few had people in line when voting ended at 6 p.m. Electoral officials closed the stations, but allowed those in line to cast their ballots.
Final results are not expected for several days. Under the vote-counting system, polling stations send their results to regional offices, who will pass them on to the electoral commission.
Voting was watched by a total of 60 election observers from 27 countries whose salaries were paid by Britain.
The observers said they heard reports of some problems, but not many.
"I'm referring to isolated instances, with one of the more serious being in Hargeisa where a polling station was closed down because of a disturbance. That prevented or delayed the closing of the polling station and the count. We're not sure of details yet," said the observer, speaking on condition of anonymity.
"There were also some complaints from parties of voters being prevented from voting, though again, we didn't hear of anything that seemed systematic or widespread."
More than 700,000 people were expected to vote. Turnout was thought to be high, but the commission says it was too early to give figures.
Somaliland, a former British colony, broke away from the rest of Somalia in 1991. The territory has run its own affairs since, but has never been recognized as an independent country.
storvideo:
14th November
14th November 2017 admin Category :
- Uncategorized
Warbahintii gobolka Sool, qaybtooda xalaasha ahayd ee ka shaqayn jirtay midnimada beelaha Dhulbahante ayaa Somtel oo xaaraan ku joogta Laascaanood xanibaad ku soo rogtay
Ilaaladda horgal Gargaar oo maamulka somaliland ugu magacaaban wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada bari ayaa rasaas xoogan ku furay dad ku qeylinayay Dhiigya Cab muuse dooni mayno
Goob-joogayaal ku sugan koonfurta magaalada laascaanood ayaa sheegaya inay hadda degantahay inkastoo markii hore ay dadka deegaankaasi ka caroodeen falka foosha xun ee uu ku kacay
dhinaca kalena Internedka Shirkadda Somtel oo ah shirkad hoos tagta DAHABSHIIL ayaa xanibaad ku samaysay dhanka booqashada shabakadda daldoon taasoo noqonaysa xad-gudub iyo awood sheegasho dhanka internedka ku hayso degaanada Khaatumo
Shabakadda daldoon oo si weyn gudaha degaanada khaatumo looga akhristo ayaa saaran xanibaad ay cadaysay in aan la booqan karin oo la joojiyay shabakada daldoon
Hasayeeshee uma hakinayso hawlaha ay u hayso dhanka shacabka khaatumo halka hoose eeg dhaqan xumada shirkada Somtel oo leh shabakadda Lama Ogala
Post navigation
- Fashilkii ugu weynaa ayaa SNM kasoo gaaray Gobolka Cayn.. Rasaas Ka Dhacday Koonfurta Laascaanood Iyo SNM-ta Oo Xanibaad Saartay Shabakadda Daldoon -
storvideo:
Rasaas Ka Dhacday Koonfurta Laascaanood Iyo SNM-ta...
14th November 2017 admin Category :
Ilaaladda horgal Gargaar oo maamulka somaliland ugu magacaaban wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada bari ayaa rasaas xoogan ku furay dad ku qeylinayay Dhiigya Cab muuse dooni mayno
Goob-joogayaal ku sugan koonfurta magaalada laascaanood ayaa sheegaya inay hadda degantahay inkastoo markii hore ay dadka deegaankaasi ka caroodeen falka foosha xun ee uu ku kacay
dhinaca kalena Internedka Shirkadda Somtel oo ah shirkad hoos tagta DAHABSHIIL ayaa xanibaad ku samaysay dhanka booqashada shabakadda daldoon taasoo noqonaysa xad-gudub iyo awood sheegasho dhanka internedka ku hayso degaanada Khaatumo
Shabakadda daldoon oo si weyn gudaha degaanada khaatumo looga akhristo ayaa saaran xanibaad ay cadaysay in aan la booqan karin oo la joojiyay shabakada daldoon
Dahabshiil iyo Somtel oo xaaraan ku jooga Maakhir
storvideo:
DAAWO SAWIRRADA:- Ra’isulwasaaraha Oo Ka Qeybgalay...
-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta [...]
storvideo:
Taliyaha milatariga Zimbabwe oo ka digay faragalin milatari
Janaraalka ugu sarreeya milateriga waddanka Zimbabwe ayaa ka digay suuragalnimada in faragelin milateri lagu sameeyo dagaalka siyaasadeed ee ka dhex taagan xisbiga haya talada waddankaasi ee ZANU-PF.
Taliyaha milatariga Zimbabwe oo ka digay faragalin...
Janaraalka ugu sarreeya milateriga waddanka Zimbabwe ayaa ka digay suuragalnimada in faragelin milateri lagu sameeyo dagaalka siyaasadeed ee ka dhex taagan xisbiga haya talada waddankaasi ee ZANU-PF.
Faragelintan uu sheegay ayaa imanaysa maalmo kaddib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilkii ka qaaday ninkii ay u badneyd inuu xilka isaga ka badelo, madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa.
Dagaalka loogu jiro cidda badalaysa Madaxweynaha 93 jirka ah ee Robert Mugabe oo si hoose u soconayay muddo sanada ah ayaa haatan bannaanka u soo baxay.
Inkastoo uusan haatan doonayn inuu xilka banneeyo ayaa haddana waxaa loo malaynayaa in Mr Mugabe uu u meeldayayo xaaskiiska Grace.
Todobaadkii la soo dhaafay waxa uu xilka ka qaaday siyaasi la is lahaa waa uu badeli doonaa waa Emmerson Mnangagwa ee, isagoo ku eedeeyay inuu galay khiyaano qaran.
Mr Mnangagwa ayaa u baxsaday dalka dibaddiisa, Mugabe-na waxa uu wacad ku maray inuu xididada u siibi doono saaxiibadii.
Janaraal Constantino Chiwenga ayaa haatan u muuqda inuu soo dhexgalayo qalalaasahan siyaasadeed.
Taliyaha milateriga Zimbabwe ayaa sheegay in xilkaqaadista ka dhex socoto xisbiga Zanu-PF ee lagu bartilmaameedsanayo dadkii ka soo qeyb qaatay halgankii xornimo doonka ay tahay in la joojiyo.
Tani waxa ay dad badan u arkayaan in uu janaraalku ka hadlayo Mr Mnangagwe iyo taageerayaashiisa.
Janaraal Chiwenga ayaa waxa uu intaasi ku daray in marka ay timaado ilaalinta waxa uu ugu yeeray kacaanka Zimbabwe, uusan milaterigu ka baaqsanayn inuu soo farageliyo.
Xiisaddu ayaa aad u kacsan, milateriga Zimbabwe-na waa uu kala qeybsan yahay si la mid ah sida uu u kala qeybsan yahay xisbiga Zanu-PF, qofkastana waxa uu haatan sugayaa qaabka uu Mr Mugabe u falcelin doono.
storvideo:
US-targeted ISIS in Somalia could be a ‘significant...
Mogadishu - The Islamic State group's growing presence in Somalia could become a "significant threat" if it attracts fighters fleeing collapsing strongholds in Syria and Iraq, experts say, and already it seems to be influencing local al-Shabaab extremists to adopt tactics like beheadings.
The US military this month carried out its first drone strikes against ISIS fighters in Somalia, raising questions about the strength of the group that emerged just two years ago. A second strike targeted the fighters on Sunday, with the US saying "some terrorists" were killed.
The Islamic State group burst into public view in Somalia late last year as dozens of armed men seized the port town of Qandala in the northern Puntland region, calling it the seat of the "Islamic Caliphate in Somalia." They beheaded a number of civilians, causing more than 20 000 residents to flee, and held the town for weeks until they were forced out by Somali troops, backed by US military advisers.
Since then, ISIS fighters have stormed a hotel popular with government officials in Puntland's commercial hub of Bossaso and claimed their first suicide attack at a Bossaso security checkpoint.
This long-fractured Horn of Africa nation with its weak central government already struggles to combat al-Shabaab, an ally of al-Qaeda, which is blamed for last month's truck bombing in the capital, Mogadishu, that killed more than 350 in the country's deadliest attack.
The Trump administration early this year approved expanded military operations in Somalia as it puts counterterrorism at the top of its Africa agenda.
The US military on Sunday told The Associated Press it had carried out 26 airstrikes this year against al-Shabaab and now the Islamic State group.
For more than a decade, al-Shabaab has sought a Somalia ruled by Islamic Shariah law. Two years ago, some of its fighters began to split away to join the Islamic State group. Some small pro-ISIS cells have been reported in al-Shabaab's southern Somalia stronghold, but the most prominent one and the target of US airstrikes is in the north in Puntland, a hotbed of arms smuggling and a short sail from Yemen.
The ISIS fighters in Puntland are now thought to number around 200, according to a UN report released this month by experts monitoring sanctions on Somalia. The experts traveled to the region and interviewed several imprisoned ISIS extremists.
The UN experts documented at least one shipment of small arms, including machine guns, delivered to the Islamic State fighters from Yemen. "The majority of arms supplied to the ISIL faction originate in Yemen," ISIS defectors told them.
A phone number previously used by the ISIS group's US-sanctioned leader, Abdulqadir Mumin, showed "repeated contact" with a phone number selector used by a Yemen-based man who reportedly serves as an intermediary with senior ISIS group leaders in Iraq and Syria, the experts' report says.
While the Islamic State group in Somalia has a small number of foreign fighters, the Puntland government's weak control over the rural Bari region where the ISIS group is based "renders it a potential haven" for foreign ISIS fighters, the report says.
The ISIS group's growing presence brought an angry response from al-Shabaab, which has several thousand fighters and holds vast rural areas in southern and central Somalia, in some cases within a few dozen miles of Mogadishu.
Al-Shabaab arrested dozens of members accused of sympathising with the Islamic State faction and reportedly executed several, according to an upcoming article for the Combating Terrorism Center at West Point by the center's Jason Warner and Caleb Weiss with the Long War Journal.
Civilians in areas under al-Shabaab control have suffered. "Possibly in response to the growing prominence of ISIL, al-Shabaab imposed more violent punishments, including amputations, beheading and stoning, on those found guilty of spying, desertion or breaches of sharia law," the new UN report says.
Some Somali officials say al-Shabaab has begun to de-escalate its hostility against the ISIS fighters as its initial concerns about rapid growth have eased. Al-Shabaab has begun to see ISIS in Somalia as a supplementary power that could help its fight against Puntland authorities, said Mohamed Ahmed, a senior counterterrorism official there.
Officials also believe that the Islamic State group has difficulty finding the money to expand. Its fighters are paid from nothing to $50 a month, the UN report says.
"For them, getting arms is a lot easier than funds because of the tight anti-terrorism finance regulations," said Yusuf Mohamud, a Somali security expert.
For now, no one but al-Shabaab has the ability to carry out the kind of massive bombing that rocked Mogadishu last month. For the Puntland-based ISIS fighters to even reach the capital, they would have to pass numerous checkpoints manned by Somali security forces or al-Shabaab itself.
That said, two Islamic State fighters who defected from al-Shabaab and were later captured told the UN experts they had received airline tickets from Mogadishu to Puntland's Galkayo as part of the ISIS group's "increasingly sophisticated recruitment methods," the UN report says.
Scenarios that could lead to ISIS fighters gaining power include the weakening of al-Shabaab by the new wave of US drone strikes, a new offensive by the 22 000-strong African Union force in Somalia or al-Shabaab infighting, says the upcoming article by Warner and Weiss.
On the other hand, "it is a strong possibility that given the small size of the cells and waning fortunes of Islamic State globally, the cells might collapse entirely if their leadership is decapitated."
That's exactly what the US military's first airstrikes against the Islamic State fighters this month were aiming to do, Somali officials told the AP. The US says it is still assessing the results.
Source: - AP
storvideo:
Duqa Caasimadda Soomaaliya Shir Caalami uga qeyb...
Share on Facebook
Tweet on Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo:
Imisa Dal Ayaa Ka Qeybgali Doonta Koobka Aduunka ee 2018
Ka dib ka haritaankii Talyaaniga koobka kubadda cagta adduunka, waxa illaa iyo hadda xaqiijiyay inay Ruushka iska xaadirin doonaan 28 waddan ee 32-ka waddan ee guud ahaan ka qeyb gali doona koobka adduunka.
Imisa Dal Ayaa Ka Qeybgali Doonta Koobka Aduunka ee...
Ka dib ka haritaankii Talyaaniga koobka kubadda cagta adduunka, waxa illaa iyo hadda xaqiijiyay inay Ruushka iska xaadirin doonaan 28 waddan ee 32-ka waddan ee guud ahaan ka qeyb gali doona koobka adduunka.
Dalka Brazil, oo shan jeer koobkan ku guuleystay ayaa waxa uu xaqiijiyay usoo bixista koobkan mar kale, waxana la mid ah dalkaasi Jarmalka oo isaguna difaacanaya koobkan.
Dalalka kale ee koobkan xaqiijiyay in ay ka qeyb gali doona waxa kala yihiin:Argentina, Belgium, Colombia, Costa Rica, Croatia, Egypt, England, France, Iceland, Iran, Japan, Mexico, Morocco, Nigeria, Panama, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Senegal, Serbia, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, Tunisia iyo Uruguay.
Dalal kale, ayaa wali dheelaya ciyaaraha kala baxa, waxana la filaya inay soo dhameystirmaan toddobaadyada soo socda.
storvideo:
Mareykanka oo caawa Duqeyn ka fuliyay Shabeellaha Hoose
Ciidamada Mareykanka ayaa maqrabnimadii caawa Saacadu marka ay ahyed 06:00-PM waxa ay Duqeyn ka fuliyeen Saldhig ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.
Duqeyntan oo ay fuliyeen Diyaaradaha Droneska ee Mareykanka ayaa waxa ay si gaar ah uga dhacday saldhiga Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Yaaq-bari oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee Ciidamada Mareykanka kala Shaqeeya dhanka Howlgalada gaarka ah ayaa Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida u Xaqiijiyay in Duqeynta ay ka dhacday bar Kontarool oo Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaq-bari Weyne.
Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen Duqeyntan in lagu dilay ilaa Lix Dagaalame oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga lagu duqeeyay.
Mareykanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay Duqeymaha uu ka fulinayon gudaha Soomaaliya, ee uula beegsanayo saldhigayada Shabaab ee Gobolada dalka ay ku leeyihiin.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo:
Farmaajo oo la kumay Culima’udiinka iyo guddigii...
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Culima'udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadateen gurmadkii dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo inay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.
Culima'udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxaana ay sidoo kale la kulmeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Kheyre, iyaggoo Guddiga gurmad qaran ku warreejiyey $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Keny.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: