Arday Soomaali ah oo sanadkii labada kun iyo shanta tagay dalka Maraykanka, oo wax ka barta college-ka Mesa ee magaalada San Diego, ayaa ku guulaystay abaalmarin qaran oo heer saraysa oo dhinaca cilmi-baarista dawaynta cudurka cancer-ka.
Arday Soomaali ah oo sanadkii labada kun iyo shanta
tagay dalka Maraykanka, oo wax ka barta college-ka Mesa ee magaalada San
Diego, ayaa ku guulaystay abaalmarin qaran oo heer saraysa oo dhinaca
cilmi-baarista dawaynta cudurka cancer-ka.
Waxaa lagu abaalmariyay shir sanadeedka
cilmi-baarista dawaynta kiimikada ku salaysan, kaasoo lagu soo bandhigo
guud ahaan cilmi-baarista ay sameeyaan dhamaan ardayda wax ka barata
jaamacadaha ku yaalla dalka Maraykanka ee dhinaca daawada.
Waxaa abaalmarinta u tartamaya ardayda
cilmibaarista ka samaysa ilaa 270 jaamacadood iyo kumanaan ardayda
cilmiga sayniska barata.
Maxamed Cabdullaahi Muse, ayaan luqada Ingiriisiga si fiican aqrin karin markii uu tagayay dalka Maraykanka.
Cabdiraxmaan Koronto, ayuu qadka telefoonka, Maxamed ugu waramay.
Wuxuu Maxamed sheegay in uusan filaynin abaalmarintan in uu helayo, uuna la yaabay markii magaciisa looga dhawaaqay shirka.
Wuxuu kaloo Maxamed sheegay in cid kasta oo dadaasha ay dadaalkeeda ka miro dhalin karto.
Wuxuu guushiisa ku tilmaamay mid Soomaali oo dhan u soo hoyatay.