Ra'isulwasarre Farmaajo oo la
socday diyaaradda Jubba Airways ayaa safarkiisa Hargeysa
lagu sheegay diyaaradda oo Transite ku ahayd hasse
yeeshee warar hoose oo laga helay Saraakiil ka shaqeysa
Madaarka Hargeysa ayaa tibaaxayo inuu la kulmay Masuuliyiin
ka tirsan Xukumadda Somaliland waloow aan la ogeyn
waxay ka wada hadleen.
Ila wareedyada lagu kalsoon yahay waxay tilmaamayaan
in kulanka Ra'isulwasaaraha iyo Madaxda Somaliland
ee ka dhacay qolka madaxda ee gudaha garoonka uu ka
shaqeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Mohamed Abdillahi
Oomaar.
Qaar ka mida shaqaalaha Jubba Airways ee qaabilsanaa
socdaalka Ra'isulwasaraha ayaa Waagacusub.com u xaqiijiyay
inuu ka degay diyaaradda kadibna u gudbay qol loo
sii diyaariyay,oo Ciidamadda nabadsugida ay ilaalinayeen.
Shaqaalaha Jubba
Airways waxay ku gaabsadeen in Ra'isulwasaraha ay
la socdeen laba Wasiir iyo shaqsiyaad kale oo siyaasiyiin
Somalia.
Ra'isulwasarre
Farmajo oo la doonayay inuu Muqdisho kaga dhoofo diyaarad
qaasa ayaa diiday inuu qaato diyaarad u gaara,wuxuuna
ku adkeystay inuu raaco diyaaradda rakaabka ee Jubba
Airways.
"Afartanka
kun dollar ee diyaaradda la iigu kireeynaa,hala siiyo
Ciidamadda baahan,anigu waxaan raacayaa Jubba Airways,waxaana
sii marayaa Hargeysa oo aan balamo ku leeyahay"ayuu
yiri Ra'isulwasarre Farmajo.
Lama oga inay
Farmaajo ka tahay daacad socdaalkiisa uu ku diiday
inuu ku baxo qarash badan hasse yeeshee hadii taasi
aysan ku hoos jirin balamo siyaasadeed,wuxuu ka dhigan
yahay masuulkii ugu horeeyay ee uldheer iskaga fogeeyay
tamashlaha ay sameeyaan madaxda Somalia xilli dhaqaalaha
ku baxayo safaradooda lagu dabooli karo baahida hay,adaha
dowladda qaar.
Todobaad ka hor
Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Mohamed Abdullahi
Oomaar ayaa ka degay garoonka Magaaladda Berbera kadibna
wuxuu gudaha u galay Magaaladda taas oo buuq la xaliyay
uu ka dhashay.
Qaar ka mida Saraakiisha
Sirdoonkii hore ee Xukumadii Dahir Reyale ayaa rumeeysan
inuu xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn ka dhaxeyso
Dowladda labada Shariif iyo Xukumadda Axmed Siilaanyo.
Tan iyo markii
Somaliland ku dhawaaqday inay tahay dal madaxbanaan,waa
markii ugu horeysay taariikhda ee Ra'isulwasare Caalamka
aqoonsan yahay,watana Suite la dulsaray calanka Somalia
uu ka degto garoonka Magaaladda Hargeysa.
By Dahir Abdulle Alasow
dahiralasow@yahoo.com