Ciidamada xarakada al-Shabaab ayaa la wareegay goobo ay horey uga talin jireen xoogagga Xisbul Islaam oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamo ka tirsan al-Shabaab ayaa waxa saaka iyo xalay ay la
wareegeen iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin Afgooye, Ceelsha Biyaha,
Lafoole, deegaanka Xaawa Cabdi iyo saldhigyada Huriwaa iyo
Wardhiigleey.
Goobahaasi ayaa dhamaantood waxaa horey gacanta ugu hayay maliishiyo ka tirsan Xisbul Islaam.
Toddobaadka horaantiisi ayaa waxa soo baxay warar sheegaya in ay Xisbul Islaam ku biirayaan al-Shabaab.
Hogaamiyaga Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys
ayaan weli laga hayn wax war rasmi ah oo ku saabsan dhacdooyinkan ugu
danbeeyay iyo in ay ku biireen al-Shabaab.