Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shiikh Yuusuf Indha-Cade; "al-Shabaab iyo Xasan Daahir horay waa kuwii u dagaalay, markii laga adkaadayna xoog baa lagu qabsaday Xasan Daahir"

$
0
0

Shiikh Yuusuf Indha-Cade, gudoomiyaha Xisbul islaamka garabkii dowladda la heshiiyay ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Shiikh Xasan iyo garabkii xisbiga ee uu hogaaminayay meesha ay ku dambeeyeen ka dib markii la shaaciyay in Shiikh Xasan iyo Xisbigiisi ay al-Shabaab ku biireen.

"Xasan Daahir iyo Alshabaab waa  dagaaleen waxaana dagaalkaas looga awood roonaaday Xasan Daahir ka dibna xoog ayaa lagu qabsaday ee isagu iskiis uguma biirin al-Shabaab" Sidaas waxaa ku dooday Shiikh Yuusuf Indha-Cade mar uu ka hadlayay sida uu arko biirista ay al-Shabaab ku biireen Shiikh Xasan Daahir iyo xisbigiisa.

Shiikh Indha-Cade ayaa dhanka kale sheegay in uu isagu yahay Gudoomiyaha Xisbul islaam haddii Shiikh Xasan Daahir iyo kooxdiisuna ay doonayaan in ay xisbigiisa ku biiraanna ay soo dhoweynayaan.

"Al-Shabaab iyo wixii la mid ah haddii dowlad si wannaagsan wax u maamusha la helo, waxqti yar ayaa dalka looga saari karaa" Shiikh Yuusuf Indha-Cade ayaa sidaas yiri mar uu kooxaha dowlada ka soo horjeeda ka hadlay sida wax looga qaban karo amaba looga guuleysan karo.

Hadalka Yuusuf Indha-Cade ayaa ka dambeeyay ka dib markii Xisbul Islaamkii Shiikh Xasan Daahir ay isu dhiiban al-Shabaab ka dib wadahadalo iyo bowda-qaawis wada socda.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>