Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo
Isgaarsiinta Xukuumadda KMG Soomaliya mudane C\kariin Xasan Jaamac ayaa
maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaardda warfaafinta
Soomaliya waxa uu faafaahin dheer kaga bixiyay heshiiskii ay DKMG
Soomaliya la gashay shirkadda Sarsen International.
Wasiirku waxa uu sheegay in shirkadu ay
fulineyso heshiisyo ay ka mid yihiin tababarida Ciidamada Ilaalada
gaarka ah ee madaxda Qaranka, dib u dhiska ilaha muhiimka ah ee
bulshada iyo fulinta mashaariic horumarineed oo dhinaca Bani’aadanimada
ah.
Mudane C\kariin Xasan Jaamac Wasiirka
wasaaradda Warfaafinta. Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya ayaa sidoo
ka hadlay in heshiiska ay dowladu la gashay shirkadaasi aanuu waxba u
dhimeynin cunuqabateyntii dhanka hubka ee saarnaa Soomaliya.
Dhanka kale Wasiirka warfaafinta,
Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya waxa uu sheegay in ay Amisom ay
sharaxaad buuxda dhankeeda ka siiyeen waxa ay qabaneyso shirkadaasi iyo
in aysan howlahoodu aheyn kuwa saameyn isku yeelanaya iyadoo dhanka kale
uu wasiirku tilmaamay in ay shirkada qarashaadka ku baxaya heshiiskeeda
ay bixinayaan dalal ka tirsan wadamada muslimiinta oo uu ka gaabsaday
in uu faahfaahin ka bixiyo.
Dhawaan ayey aheyd markii DKMG Soomalia
ay heshiis la gashay Shirkada Sarsen International taasi oo fulineysa
howlo badan oo ay la gshay DKMG Soomaliya.