Dibadbax Lagu Taageereeyo Midowgii Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin iyo Ururkii Xisbul Islaam Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka magaalada Muqdisho iyadoo ey halkaasi isugu soo baxeen boqaal dad ah.
Boqolaalka Dibad baxayaal ah oo isugu jiray Haween iyo Caruur ayaa manta isugu soo baxay Barxad lagu magacaabo barxadda Mujaahiddiinta ee degaanka Km 13 ee Duleedka Magaalada Muqdisho kuwaasoo dibad baxooda ku taageerayay Go’aankii maalinimadii shalay ay ku midoobeen Xarakada Shabaabaul Mujaahiddiin iyo Ururkii Xisbul Islaam.
Dibad baxayasha ayaa ku qaylinayay ha is raaceen Muslimiinta ha midoobeen iyo hadalo kale oo aad u fara badan kuwaasoo socod ku maray wadad a dheer ee halkaa marta.
Ugu danbayntii ayaa dadkii dibad baxa dhigayay waxaa ay isugu soo urureen barxaddaas iyadoo halkaana ay kula hadleen Odayashii dibad baxa soo qaban qaabiyay.
Odayaashii fagarahas ka hadlay ayaa sheegy inay si weyn ugu faraxsan yihiin isla markaana ay soo dhaweynayaan Midowga dhex maray labada dhinac ee maalintii shalay magaalafda Muqdisha kaga dhawaaqay inay isku darsameen.
Odayshan ayaa intaa ku daray hadalkooda in loo baahan yahay in Daka oo dhan ay ku midoobaan Xarigga alle iyagoo dhinaca kalena Eedeyn u soo jeediyay Ciidamada AMISOM ee gudaha magaalada Muqdisho ku sugan.
Banaan baxan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho tan iyo markii Shalay ay si wadajir ah u Iclaaniyeen Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin in ay Midoobeen.
Isku soo wada duuboo banaan bixii manta ka dhacay halkaas ayaa waxaa ka soo qayb galay Dad u badan bara kacayaal ka kala yimid degaanada loo bara kacay sida sida Degaanka Kaxda, Garas Baaleey iyo Km 13 oo dhamaantoodba ah meelaha ay deggan yihiin dadkii hore uga bara kacay dagaaladii Muqdisho.