Sheekh Xasan Daahir Aways oo ahaa hogaankii sare ee ururkii Xisbul Islaam ayaa maanta ka hadlay sababaha keenay in ay la midoobaan xarakada Al-Shabaab Xili maalmahan la sugayay hadalka Sheekh Xasan Daahir..
Hogaamiyaha ayaa sheega in uu ku faraxsan yahay in ay la midoobaan Xarakada Al-Shabaab ayna tahay guul u soo hoyatay maamulada islaamiga ah ee dalka ka jira Waxaa Sh. Xasah Daahir uu sheegay inuu la shaqeynayo xarakada Al-Shabaab.
Sheekha ayaa waxaa dhinacyadiisa fadhiyay qaar ka tirsan sarakiishiisa Al–Shabaab oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage, Cali Dheere iyo Sheekh Fuaad Maxamed Qalaf .
Xasan Daahir ayaa Sheegay in uu La midoobay Al-Shabaab taasna ay u qateen midnimada Mujaahidiinta wa sida uu warka u dhigaye.
Kulankaan ayay ku yeesheen degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose waxaana amaanka sugayay Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab .