Idaacad madax bannaan oo ka hawlgasha magaalada Muqdisho laguna magacaabo Shabelle Radio ayaa waxaa lagu eedeeyay in lacago ka qaadato Kaniisadaha caalamka qaarkood.
Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo la hadlayay qaar ka mid ah saxaafada ayaa sheegay in uu isagu si shaqsi ah wax uga qabanayo idaacadan sida uu sheegay lacagaha ka qadata Kaniisadaha islamarkaana ka shaqeysa dano shisheeye.
Mr. Jeele ayaa ku celceliyay in uusan sidan uga hareyn idaacadana sharciga iyo shantana (xoog) labadaba wax uga qaban doono maadaama sida uu ku doodayo ay idaacadani gaalada u adeegto dano shisheeyana dalka ka fuliso.
Laakiin sida dad badani qabaan hadalka Salaad Cali Jeele ayaa ka dhashay warbixntii ay idaacada Shabelle sida madaxa bannaan uga qortay shaqsiyaad ka mid ah maamulka dowlada oo si caqliga ka baxsan ugu takrifala hantdia Qaranka ee ka soo xaroota dekada magaalada Muqdisho, warbixintaas oo uu magaca Salaad Cali Jeelana ka dhex muuqday.
Si kastaba ha ahaatee waxaa loo jooga goodinta uu Salaad Cali Jeele u goodiyay idaacada Shabelle in ay wax ka og yihiin mas'uuliyiinta dowladu, haddii ay wax ka ogyihiina waxaa meeshaas ka muuqata mushkilad ku soo fool leh warbaahinta fara ku tiriska ah ee sida naf-huridnimada ah uga hawlagala magaalda Muqdisho.