Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada AMISOM oo madaafiicdii dib u bilaabay iyo muwaadiniin somali oo ey ku dileen

$
0
0

Madaafiic ey soo gameen ciidamada AMISOM ee jooga dalka SOmalia ayaa xalay degmada Kaaraan xilli la afurayey ku leysay somali aan ku jirin dagaalada siyaasadeed ka jira dalka somalia.

Dad badan ayaa maalmihii u danbeeyey degmada Kaaraan guryahooda ku soo laabtay kadib markii ey xaalada degmadu ka reyneysay iyadoo madaafiicdani ahaayeen kuwii ugu horreysay muddo asbuuc ah.

Madaafiicdan aan la ogeyn waxa ey ula jeedeen ciidamada AMISOM ayeysan jirin xalay wax jawaabayeen iyagoo ciidamada AMISOM kU andacooda iney ka jawaabayeen weeraro uga yimid dhanka kooxaha ka soo horjeeda.

Xaafadda Xaliima Hayti ee degmada Kaaraan ayaa xalay sagaalkii fiidnimo waxaa ku soo dhacay Madfac ka mid ah  Madaafiicdii goobahaas lagu duqeynayay, wuxuuna halkaa ku dilay laba qof halka labo kalena uu ku dhaawacmeen.

Madfacan ayaa ku dul habsaday guri ay ku jireen qoys keliya hallaasoo dhinasho iyo dhaawacba ay ka dhacday.
Sidoo kale tiro madaafiic ah ayaa u gudubtay dhinaca  Degmada Heli waa ee deriska la ah degmada kaaraan.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntii ku dhacday degmada Heli waa in kastoo ay jireen warar sheegayay inuu jiro khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray dad ku sugnaa xilligaan meel ay ku sheekeysanayeen.
Degmada Heli waa ayaa xalay markii u horreeyey laga dareemay duqeymahaas iyadoo degmadaasna ay ka mid tahay degmooyinka ka nabdoonaa duqeynta ay inta badan dhinacyadu is weeydaaarsadaan.

Degmada Kaaraan oo ka mid ah degaanadii maalmihii u danbeeyey lagu garaacayay madaafiicda ayaa in mudda ah aysan jirin wax duqeyn ah oo ka dhacayay iyadoo dadkii degmadaa horey uga bara kacay ay bilaabeen in ay dib u soo noqdaan.
Dadkii dhawaanta soo noqday oo xalay mar kale maqlay madaafiicda ayaa cabsi la soo deristay iyadoo qaar ka mid ah dadkaasina ay manta bilaabeen inay hallaa isaga bara kacaan oo dib ugu laabtaan degaanadii ay dhawaan ka soo galeen.

Ma aha duqeymaha iyo iska hor imaadyada u dhaxeeya dhinacyada iska soo hor jeeda kuwo  waqti leh, waxaana dhacda inta badan in duqeymo ay dhacaan habeenkii marka uu dadku ku wada sugan yahay xaafadahooda.

Si kasta ha ahaatee duqeyntii xalay ka dhacday degmooyinka Kaaaraan iyo Heliwaa ayaa ah tii ugu horreysey ee halkaa ka dhacda tan iyo markii ay bilatay bisha barfakasyan ee ramaaan.

Shalay ayey ahayd markii Xildhibaan salaad cali jeele ,sheegay in dowlad KMG ah lagala xisaabtamyo duqeymaha dadeku ku dhintaan oo aan loo meel dayin iyadoo degmada Kaaraan Shibis iyo meelo badan oo kamid ah waqooyiga muqdisho ey dhulka la simeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>