Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dagaal saakay db uga qarxay agagaaraka buuraha Galgala ee gobolka bari

$
0
0

Buurolayda Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa saaka dib uga bilowday kaas oo u 
dhexeeya Ciidamada Dawladda Puntland iyo Ciidamo kale oo uu
haggaaminaayo Shiikh Maxamed Siciid Attam.


Dagaalka ayaa waxa uu saaka dib uga dhacay Deegaanka aga gaarka
Deegaanka Madarshoon oo ay hadda ka hor qabsadeen Ciidamada Puntland
waxaana la sheegay in saaka waaberigii ay Ciidamada Puntland dagaal ku
qaadeen goobaha ay fadhiyaan dhinaca kale ee kasoo horjeeda iyadoo
halkaasi oo ka dhacay dagaalka socday wakhti kooban.


Dhinaca khasaaraha uu gaystay dagaalka maanta dib u qarxay ayaan wax war
ah laga hayn waxaana jiray warar sheegaaya in ay jiraan khasaarooyin
dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan taasi
la xaqiijin iyadoo aan wax xog ah laga hayn khasaaraha dhabta ah ee soo
kala gaaray labada dhinac.


Dhulka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay yihiin dhul Buuro ah isla
markaana waxaa gabaabsi ku ah isgaarsiinta iyadoo ay adagtay in la helo
wararka xaqiiqda ah ee ku aadan dagaalka Galgala maadaama ay xayiran
tahay isgaarsiinta guud.


Dagaalkan ayaa waxa uu u muuqdaa mid soo soconaaya muddooyinkan iyadoo
ay masuuliyiinta Dawladda Puntland oo iyagu dagaalka qaaday sheegeen in
ay sii wadi doonaan ilaa ay ka gaaraan yoolka ay ka leeyihiin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>