20-sano oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen wadanka
Soomaaliya, dhalinyaradda ayaa aheed kuwa uga weyn ee laga dhigtey
xaabadda la shito.
Markii kooxiihii jabhadaha ay qabsadeen caasimadda Muqdisho 26-janaury
1991-kii, waxa bilaabatey dhibaato dheer oo qabsatey dadweynaha
Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda oo waayay wadado ay u mari
lahayeen dhismaha noloshooda.
Qaar badan oo ku jirey waxbarashada ama shaqeysan jirey ayaa ku dhacday
dagaalada aysen filanayn oo dhibaato xoog leh gaarsiinay noloshooda,
ayna adkaatey in dib u dhistaan noloshooda, waxana ay badankooda u
qaxeen wadamo shishiye, qaarkoodna siyaabo kala duwan u dhinteen.
Dagaal galintii hogaamiye kooxeedyada
Badalkii dhismaha noloshooda ay ka shaqeyn lahayeen, hogaamiye
kooxeedyadii dagaalka ayaa qaab qabiil iyagoo usoo maraya waxa ay
galiyeen dagaalo sokeeye oo uga dhigayeen mid ay ku badbaadinayeen dadka
ay asal ahaanta ka soo jeeda.
Hogaamiye kooxeedyada qabiilka ayaa si taasi ugu suura gasho siinayay
dhalinyarta u dagaalanto maandooriyaal aan xisaabsanayn, si ay dantooda u
fuliyaan una dhibaateeyaan dad aan wax galabsan oo Soomaaliyeed,
dhalinyaro faro badan ayaana dabintaas ku dhacay oo dantii laga lahaa
fuliyey.
Dhalinyaradda saran gawaarida dagaalka ee sidata hubka oo ilaaliya
hogaamiyaasha dagaalka ama jooga isbaarooyinka ayaa muddo faro badan
ahaa shaqada ugu fiican uu qof dhalinyaro ku faano inuu hayo, taas oo in
badan ay iskaga daysadeen.
Wacyo galinta Dhalinyaradda
Muddo toban sano oo taasi ay socotey ayna aad u yareed wacyo galinta
lagu sameyaynayay dhalinyaradda, waxa suura gashay iney soo baxaan dad u
istaaga wacyo galinta dhalinyaradda iyadoona dowrka ugu weyn ay ka
qaadanayeen saxafadda iyo qeybaha kale ee bulshada rayidka.
Idaacadaha ayaa bilabay sheekooyin madadaalo ah balse lagala jeeday in
lagu wacyo galiyo dhalinyaradda – Mid kamid ah sheekooyinkaas ayaa
dhalinyaradda la dagaal galiyo ugu yeertey (MALIIBANE LAGU LIIBAANAY!!) oo
macnaheeda aheed in dad lagu shaqeyso ay yihiin oo iyaga aan wax macno
oo leehyihiin aysen jirin. Waxa kale oo sheekada ay muujineysay in
hadii ay waxyeeloobaan aysen daryeeleen cidda dhibaatadaas ay madaxooda u
gashay balse dhibaatadaas u taalo qoyska ay horey uga carareen.
Dhalinyaro faro badan ayaa taasi ku waano qaadatey, qaar badane hubka
ayay iska dhigeen, soona dhex galin dhalinyarta, waxana bilaabatey is
dhexgal dhalinyaradda oo badalkii dagaalka la iskaga hor imaan jirey in
cayaaro la isku badal sado ama madadaalooyin kale iyo iney xaafadihii
kala xerxernaa ay dhalinyarada isku gudbaan.
Dowrkaas is dhexgalka dhalinyaradda oo aheed iney dagaalada iska
hilmaamsiiyaane waxa dowr weyn ku lahaa oo la hilmaami Karin hablaha.
Hooyooyinka oo kale gaar ahaan kuwa gobolka Banadir oo kale marka aan
isoo qaato waxa ay u istaageen dhalinyarada isbaarooyinka lagu qalday
iney wacyo galiyaan iyagona ku qasbayay iney hubka iska dhigaan oo dadka
ay ku darsamaan ama tagaan xeryo ku yaala banaanka magalada Muqdisho si
dhibaatada hubka ay hesytaan looga badbaado – Run ahaantiine dhalinyaro
faro badan ayay taasi suura galisay iney iska dhigaan hubkii ay ku
waxyeeleen jireen dadkooda.
Idaacadaha ayaa bilaabay ku tartamida in la sameeyo barnaamijyo
dhalinyaradda u sameyay kuwaas oo naadiyo ay iskugu tagaan, waxa ay dowr
lama hilmaaman ay ka geysatey is dhexgalka dhalinyarada oo iskaga
imanayay xaafadaha, wadana xiriiri jirey, kana wada qeyb gali jirey
doodo kala duwan oo looga hadlayay aayaha dalka, hormarinta bulshada,
dowrka dhalinyarada Iyo kuwo kale oo faro badan.
Naadigii Barbaarta ee idacada Capital Voice oo kamid ahaa ayaa
dhalinyarada maalin walba iska diwaan galin jirey gaarayeen 20-qof, ugu
yaraane todobaad walba ayay isku imaan jireen kulan, waxana maalin
walba ay ka qeyb gali jireen doodo loo qabto – Waxa kale oo jirey
barnaamijyo tartan aqoon ku saleysan oo la qaban jirey si wax loo kala
faa’ideystaan.
Mudadii aan ku jirey waxa aan isku baranay boqolaal dhalinyaro – qaar
badan oo kamid ah waxa aan ka dagaaneen degmooyin aad u kala fog oo ka
tirsanaa Muqdisho, muddo badane kala xirnaan jirey in la isku gudbo –
intooda badan ee bartay ma aan aqoon heebtooda ee waxa aan bartey
shaqsiyaadkooda – waxa aan iskugu imaan jirney kulamada arimaha bulshada
ama dhalinyarta – in badan dhalinyaradaas hawada oo kaliya waxa kaliya
iska naqaanay anagoo waligeen is arag, waxa aan aheen adane saaxiibo aad
iskugu fog.
Dib u dagaal galinta dhalinyaradda
Mar kale dhibaato cusub ayaa xilligaan soo wajahay dhalinyaradda markii
wadaado diimeedyadii ka unkumay Soomaaliya dhibaato xoog leh ayay ku
noqotey isdhexgalkii iyo hormarkii yaraa ee dhalinyadda usoo iifayay oo
hubka iskaga dhigayeen, waxa qaar badan oo dhalinyarta lagu wacyo
galiyey iney hubka qaateen oo dagaalada ay galaan, iyadoona wadiiqado
diimeedyo loo marayo.
Maxkamadii islaamiga ee Muqdisho iyo goboladda kale ee koofurta iyo
bartamaha qabsaday, dadka u dagaalamayay waxa ay ahayeen 90% dhalinyaro –
70% xilliga la dagaal galinayay dhiganayeen iskoolaadka iyo
jaamacadaha, qaar badan ayaa ku dhintey dagaalo ay galeen oo qaab qiiro
la galiyey, kuwii kale ee ka badbaaday dagaalada wali waxa ay kamid
yihiin kooxo diimeedyada madaxa adage e mucaaradka – Waxa kale oo laga
yabaa in tiro koobaan ay wali dowlada federalka ay la shaqeyaan.
Dhinaca kalane ma jirto wax xoriyad ah oo leehyihiin dhalinyarada ku
dhex nool meelaha ay ka taliyaan kooxaha xagjiriinta ee heysta inta
badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoona siinayn dhalinyarada
xoriyad ay ku madadaashaan oo kamid tahay in kubadda ay si xor ah u
cayaraanaa ama u daawadaan TV-yada iyo in naadiyo ay iskugu yimaado ama
isdhexgalo furan sameystaan – Taas badalkeedane intey barxado waawayn la
iskugu keeno dhalinyarada ayay siiya casharo lagu barto xagjirnimada oo
ku wacyo galinayaan iney ku dagaal galaan oo hubka ay qaataan ayna
dilaan dad aan wax galabsan ama dhibaatooyin ka geystaan wadamo
shisheeye.
Wacyo galin cusub
Hadii aysen xilligaan soo bixin dhalinyaro gacan ka geysta sidii loo
dabar qaban lahaa dhalinyaradaas xagjirnimada lagu faafinayo oo tiro
badanaysa, lagu tarbiyaynayo iney dhibaato geystaan waxa soo baxayo
dhalnyaro aan waxba loo sheegi karin oo mooqifkoodo gaareey meel iney
wax dilaan oo kaliya u muuqato.
Dhalinyarta waxa ay dowr wayn ka qaadan karaan in dalka Soomaaliya u ka
dhasho dowlad dhalisa nabad waarta hadii ay badalaan dowrka loo
isticmaalayay in dagaaladda loo adeegsado ayna ka qeyb qaataan dib u
dhis iyo hormar la gaaro – qoysaskooda ka dhigaan kuwo ku dhisan kana
qeyb qaato nabadda taas oo faa’ido guud u leh guud ahaab shacabka
Soomaaliyeed.
Dhalinyaradda dibadda joogta ee wadanka ka maqan waxa ay fursad u
haystaan iney wax bartaaan taas oo dalka anfacayso, maadama qaar badan
oo dhalinyaradda gudaha ku nool aysen badankooda fursad u helin iney wax
barasho helaan, maadama qaar sabool ah ama kuwo aan heesan wax barasho
fiican haysan noqdeen.
Maxamed
Cabdinuur Mascud waa saxafi Soomaaliyeed, waxana uu ku jiraan golaha
hormarinta Soomaaliyeed (Somali Forum for Progress) isagoona in badan ka
soo shaqeyay wacyo galinta dhalinyaradda, waxadna kala xiriiri kartaa mascudmedia@gmail.com ama http://www.facebook.com/Mohamed.Mascud
↧
Dhibaatada ay u geysatey Dagaladda sokeeye dhalinyaradda Soomaaliyeed
↧