Cusbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo in mudo ah aan wax adeeg caafimaad ah u qaban shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa hadda sida la sheegayo waxay dowladu diyaarineysaa qorshe ay dib ugu yabyabeyso.
Dr. Aadan Ibraahim Xaaji Daa'uud, wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in dhowaan uu dib u bilaabi doono Cusbitaalka Martiini adeegii caafimaad ee uu beri bulshada u qaban jiray.
Wasiirku wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay Cusbitaalka uga hawlgeli doonaan inkastoo uusan sheegin waqti rasmi ah oo ay shaqada bilaabayaan laakiin wuxuu cadeeyay in mar dhow ay shacabka ka heli doonaan cusbitaalka adeeg caafimaad.
Cusbitaalka Martiini oo hoy iyo deegaan intaba u ahaa mudo dheer Naafada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhanka kale mudadii dowladu jirtay adeeg caafimaad u fidin shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho laakiin mudo dheer wax adeeg caafimaad ah lagama helin dagaalada aan dhammaadka laheyn ee Muqdisho ka socday dartood.