waxa uu
markale si qeexan u sheegay, shir jaraa’id oo uu August 11, 2010 ku
qabtay Addis Ababa, in kooxda heshiiska la gashay ay tahay hadda kuwa
ugu taag daran oo ay heshiiska ogolaadeen kaddib markii kooxahaasi ay ku
badbaadi waayeen degaanka.
Zenawi oo
arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Gobolka Soomaalida isbedelka ugu
weyn waxa uu yimid markii dadka rabitaankooda nabadda ay difaacdeen,
taas oo ah furaha, waxay dadweynahu isu diyaariyeen in ay difaacdaan
nabadooda oo u dhintaan, taas ayaa waxay bedeshey miisaankii gobolka oo
dhan, waxayna ka dhigtay mid aad ugu adag kooxahaasi in ay ku
badbaadaan gobolka, taas weeye sababta ay hadda u yihiin markii ay ugu
taagta darnaayeen. Dadweynaha ayaa dawladdu awoodeeda ku
xoojisay si ay ula dagaalanto ONLF iyo (U)WSLF, arrimahaas awgeed nabada
gobolka ayaa soo ifaysa, waxaan filayaa dhawr bilood gudahood waxaan ku
gaari doonaa nabad gelyo raaxo leh ee gobolka. In aan heshiis la gallo
kooxda ugu taagta daran su’aal aniga iitaal ma aha.
Zenawi waxa
uu UWSLF ku eedeeyey in ay ahaan jireen Argagaxiso oo hadda nabadda
qaateen, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Sidaad ogtihiin
(U)WSLF waxaa markii hore loogu yeeri jirey Al-Itixaad,
waadna ogtihiin wixii Al-tixaad ka samaynayeen halkan Addis Ababa,
waxay ahaayeen argagaxiso wax xasuuqa, xilli dhexaad ah ayey waxay
go’aansadeen in ay ka baxaan Al-Itixaadka Soomaaliya, markaas ayey
bedeleen magacoodii. Hadda waxay raadinayaan nabbad, waxaana ku
faraxsanahay taas mar haddii ay u soo gudbeen dhanka nabadda.”
Eedaymahaas waxa uu soo jeediyey Agoosto 11, 2010 oo ah kaddib
heshiiskii xukuumaddiisa iyo UWSLF ee July 29, 2010.
Zenawi oo
adeegsanaya xirfadii gumaystayaashii reer Yurub ee “Qaybi oo Xukun” ayuu
isku deyey in uu sharaxaad qabiil ka bixiyo laba garab oo uu sheegay in
ay ka tirsan yihiin ONLF oo garab kamid ah uu heshiis kula jiro,
garabna uusan kula jirin. Waxana uu yiri: “Waxa kale oo wada hadal
nagala dhexeeyaa garab ONLF, oo ah garabka ugu muhiimsan. Sidaad
ogtihiin ONLF sida bulshada Soomaaliyeed oo dhan waa kuwo ku salaysan
qabiil. Kooxda wada hadalku noo socdo waa jilibka labaad ee ugu weyn
beesha Ogaadeen. Jilibka ugu weyn Ogaadeen weligood kama qayb qaadan
ONLF. Garabka aan wada hadalku noosocon waxay ka tirsan yihiin jilib
kale oo yar oo ah Ogaadeen. Kooxda wada hadalku noosocdo waa jilibka Reer Cabdille, kooxda aan wada hadalku noo socon waa jilibka Reer Isaaq.”
Hadalka Zenawi ee Augu 11, 2010 Dhegeyso ama soo rogo Warbixinta SomaliTalk.com oo dhamaystiran si aad u akhriso Halkaan Riix Ama Guji
Warbixintii
SomaliTalk ka Diyaarisay Hishiiskii Meles Zanawi iyo Jamhadii Somali
Galbeed ee Cadowga Gacanta loo Galiyey si aad u akhri Halkaan Riix Ama Guji
Xuquuqda Qoraalka, Codka Meles Zanawi Masawirka Dhammaan
waxay u xafidan tahay Shabakada Caalamigaa ee
WWW.SOMALITALK.COM.COM