</div>
Waxaa
la soo bandhigay ragg afar ah oo ka danbeeyay qaraxyadii Kampala ee ay
ku dhinteen in kabadan 70 -ruux oo daawanayay ciyaaraha kama danbeenta
ee koobka kubada Cagta .
Raga waxaa lagu kala magacaabaa; Isah Ahmed Luyima (Ugandes), Mugisha
Muhamood (Rawanda), Haruna Luyima (Ugandes) iyo Edrisa Nsubuga
(Ugandes).
Raggan afarta ah ayaa sheegay inay ka soo galeen Uganda dhinaca dalka Kenya ayna caawiyeen saraakiil ka tirsan booliska Kenya.
Waxay sheegeen in ay qiranayaan qaraxyada iyagoo isla markaasina
raaligelin siiyey qoysaskii ay ka geeriyoodeen 76 ruux oo ku dhintay
qaraxyada labada ahaa ee 11 July lala beegsaday baar Ethiopianku
leeyahay iyo naadi ciyaareed .
Waa
markii ugu horeysay oo booliska Uganda ayaa soo bandhigaan dad ay u
qabteen qaraxyada oo dhacay bishii hore, hase ahaatee ma jirto wax
go’aan ah ama xukun maxkamadeed oo raggan lagu riday.
Wakaalada wararka AP ayaa soo tebisay in laga yaabo sababta ay raggan
u qirteen qaraxyada ay tahay ka dib marki si xun loo jirdilay, waxaana
booliska Uganda ay caan ku yihiin jirdilka iyo garaacida maxaabiista.