Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Weerar loo adeegsaday bumka gacanta oo xalay ka dhacay Buulo Xuubeey iyo dad wax noqday!

$
0
0

Xalay xilli ey dadku hurdaan ayaa kooxo bum nooca gacanta laga tuuro ah waxa ay ku weerareen guri ku yaala xaafadda buulo xuubeey ee degmada wadajir.

Weerarkan ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa lala beegsaday koox dhalinyara ah oo gudihiisa ku jirtay.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay weerarkaas waxayna wararka qaar sheegayaan in gurigaasi ay ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda ku meel gaarka soomaaliya halka warar kalena ay sheegeen in gurigaasi ay ku jireen dhalinyaro halkaa isaga caweyneysey .

Weerarkan bum ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo ka mid ah dadkii gurigaas ku jiray kuwaasoo markiiba loola cararay isbitaalka madiina halkaasoo dhaawacoodii la dhigay.

Goobtii uu shilku ka dhacay ayaa waxaa si deg deg ah u soo gaaray ciidamo ka tirsan  dawladda ku meel gaarka soomaaliya kuwaasoo halkaa ka bilaabay hawlo baaritaano ah.

Ma jiran cid lagu soo qabtay hawl galadaas waloow ay sheegeen saraakiishii hawl galaaas hoggaaminaysey in ay sii wadayaan hawl galada ay ku baarayaan cidii ka danbaysey falkaas xalay ka dhacay degmada wadajir.

Ma ah markii u horeeyey oo weeraro noocaan ah ay xaafaddaas ka dhacaan kuwaasoo inta badan lala eegto fariisimada ay ciidamada dawladdu ku leeyihiin gudaha xaafadaas  taasoo weeraro horey u dhacay laguna qaaday farisimadaas ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Si kastabta goobtii uu xalay ka dhacay weerarka ayaa manta deggan iyadoo halkaasi lagu arkayo dad weyne fara badan oo u soo dawasha tegey goobtii uu qaraxu ka dhacay habeenkii xalay ahaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>