Qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka ku dhaqan deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ayaa shacabka deegaanadaas ku dhaqan ugu baaqay in ay la dagaalaan al-Shabaabka ku xoogga badan gobolka.
Midka ka mid ah odayaasha ka soo jeeda deegaanka Ceel-Garas oo la hadlayay idaacada maxalliga ah ee Shabelle Radio ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen falalkii shalay ay al-Shabaabku kula kaceen qaar ka mid ah ganacsatada degmada Ceelbuur islamarkaana ku xirxireen odayaal dhaqameedyo.
Duqan u hadlay reer Ceelgaras ayaa ku goodiyay in al-Shabaab kacdoon ka dhan ah uu ka bilaaban doono guud ahaan deegaanada gobolka Galgaduud maadaama sida uu sheegay ay shacabku dhibaatooyin aan la soo koobi karin ku qabaan al-Shabaabka waa siduu hadalka u dhigaye.
Shalay ayeey aheyd markii al-Shabaabku ay degmada Ceelbuur ku karbaasheen mid ka mid ah ganacsatada ka soo jeeda deegaanka Ceelgaras qaar ka mid ah waxgaradka degmadana ku xirixireen.