Image may be NSFW.
Clik here to view.Wadanka waxaa ka jira abaaro baahsan, oo aad u culus, oo ku soo aaday waqti ay wadanka ka aloosan yihiin culaado noocya badan,haya’ddu waxay xoojinaysaa codadka ku baaqaya taakulayn deg deg ah,waxayna soo jeedinaysaa baaqaan:
1-in la toobad keeno,xuquuqdana la isu cesho,istigfaartana la badiyo,waayo, musiibada
Waxaa keena macaasida,waxaana lagu qaadaa towbadda.
2-in wadanka oo dhan laga oogo salaadda roobdoonta,ayadoo la ilaalinayo waqtiga dadka munaasabka u ah iyo sida sunnada ah.
3-waxaan ugu yeeraynaa dhinacyada dagaalamaya in ay ku baaqaan xabbad joojin lix bilood ah ugu yaraan,si gargaarka loo fidiyo,ayna kala saxiixdaan cahdi adag oo muslim nimo,aana la siyaasadeen musiibooyinka ummadda haysta.
Sidoo kale,waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo culaadaha beelaha u dhexeeya.
4-waxaan ugu baaqaynaa hayadaha dowliga,kuwa islaamka iyo kuwa carabta in si deg deg ah loogu gurmado shacabka soomaaliyeed,ayadoo lagala tashanayo dhinacya ay khusayso,lana ilaalinayo diinta iyo duruufta dadka.
Sidoo kale,waxaan ugu baaqaynaa war baahinta in ay gutaan kaalintooda,ayna muujiyaan xaaladda taagan.
5-waxaan ugu baaqaynaa ganacsatada iyo cid kasta oo awoodda in ay dadka la gaaraan biyaha iyo quutudaruuriga,ilaahayna wuu kaalmaynayaa qofka ,inta uu kaalmaynayo walaalkiis.
Ilaahay waxaan waydiisanaynaa in uu ummadda faraj u furo,dhibkana ka faydo.
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Sh. Bashiir axmed salaad
Madaxa haya’dda culumada soomaaliyeed