Mr. Jangeli, wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibadda ayaa sheegay in heshiisyada xukuumadii hore ee Cumar Cabdirashiid ay la gashay Shirkadaha shisheeye ee ay ku jirto SKA ay wax ka ogyihiin Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Sharma'arke.
Cali Jaamaca Jangeli wuxuu sheegay in heshiisyadaas la galay iyadoo loo arkayay in dalka ay faa'iido ugu jirto waxaana wannaagsan buu leeyahay in arrintaas runta laga sheego waxaana hadaladiisi ka mdi ahaa; "Way jirtaa, in shirkado shisheeye heshiisyo ay la gashay xukuumaddii hore, waxaana ka mid ah shirkadda SKA Air, oo maalgelin ku sameynaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasna waxay u muuqataa mid loo baahnaa,".
"Heshiisyadaas, waxaa wax ka ogaa madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid, runtiina markii la galayay looma soo gudbin golaha wasiirrada, waxaase loo arkayay inay yihiin kuwo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed," Sidaas waxaa heshiiysyada muranka dhaliyay sharraxaad uga bixiyay Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha dibadda.
Ra'iisal wasaaraha haatan xilka haya Farmaajo ayaa waxaa shirkadahan iyo nuxurka heshiisyada lala galay faafaahintooda ka dhowaraya Golaha Baarlamaanka Ra''iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Sharma'arke oo la tuhunsan yahay in uu isagu wax ka ogaa heshiisyadaasna wuxuu dhankiisa ku doodayaa in uusan waxba ka ogeyn heshiiysadaas maba uusan isagu saxiixin balse qoraal dhowaan la horkeeni doono Baarlamaanka oo heshiisyadaas ku saabsan ayaa lagu kala bixi doonaa sida dad badani qabaan.