Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

R/wasaare Farmaajo oo ku sii jeeda Mareykanka

$
0
0

Raisul wasaaraha xukuumada KMG ee Soomaaliya Prof Maxamed C/laahi
Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhoweyd oo maanta ah ka duulay garoonka
diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.


Safarka raisul wasaaraha ayaa ku wajahan wadanka Maraykanka, balse waxaa
uu sii maraya wadanka Kenya halkaasi oo kulamo uu kula yeelanayo
masuuliyiin ka tirsan beesha caalamka.


Ujeedada safarka raisul wasaare Farmaajo ee Mareykanka ayaa ka dambeysa
kulan toddobaadka soo socda ka dhicui doona xarunta Qaramada Midoobay ee
New York kaasoo looga hadlayo amaanka Soomaaliya.


Raisul wasare Farmajo ayaa hadal kooban siiyey saxaafada kahor intuusam
ka duulin garoonka Muqdisho wuxuuna sheegay in safarkiisa ku tegi doono
New York halkaasoo uu kaga qeybgali doono shir 14-bishan January ka
dhacaya magaalada New York kaasoo ay ka soo qeybgalayaan madax iyo
saraakiil ka tirsan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.


Safarka raisul wasaaraha waxaa ku wehliya wasiirka arimaha dibada
Maxamed C/laahi Oomaar, Sahro Cali Samatar oo ah wasiiru dowlaha
xafiiska raisul wasaaraha iyo C/raxmaan Yariisow oo ah madaxa xiriirka
saxaafada ee xafiiska raisul wasaaraha.


Socdaalka raisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu qaato mudo hal todobaad
ah, wuxuuna sidoo kale kulamo kale la yeelan doonaa masuuliyiin ka
tirsan Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Europe oo siyaabo gaar gaar ah
ugala hadli doono arimaha Soomaaliya.


Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Qaramada Midoobay ay
sheegtay inay ku talineyso in awood loo adeegsado kooxda Shabaab ee
mucaaradka ku ah DKMG Soomaaliya.
Wuxuuna safarkan noqonayaa midkii labaad ee Raisul wasaaruhu dalka kaga
baxo tan iyo intii xilka wasiirka koowaad loo magacaabay saddex bilood
ka hor.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>