Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax oo sidoo kalena ku magac dheer Cali Seeko ayaa sheegay in xaalada mushkilada xambaarsan ee Soomaaliya aysan xukuumadu waxba uga qaban karin waqtigii boqolka maalmood ahaa ee ay qabsatay.
"Boqolkii maalmood bar ayaa ka baxay barka harayna waxba ugama qaban karto xukuumadu dalka Soomaaliya" Sidaas waxaa idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio u sheegay Xildhibaan Seeko oo ka mid ah xildhibaanada aan rumeysneyn in xukuumadu dhibaatada dalka ka jirta wax ka qaban karto.
Hadalk Xildhibaan Seeko ayaa daba socday waqtigii boqolka maalmood ahaa ee ay Xukuumada Ra'iisal wasaare Farmaajo sheegtay in ay magaalada Muqdisho wax uga qabaneyso ka gadaalna uga sii gudbi doonto gobollada dalka ee kale.