Xarumaha dalalka Soomaaliya iyo Norway waa Muqdisho iyo Oslee ayaa waxay hadda bilaabayaan wadashaqeyn ugub ah sida uu warbaahinta xarunta abaalmarinta Nobelka lagu bixiyoee Oslo ugu sheegay Duqa magaalada Muqdisho Mr. Tarzan.
Mr. Tarzan oo booqasho ku jooga caasimada dalka Norway ee Oslo ayaa halkaas kula kulmay duqa magaalada Oslo iyagoo ka wadahadlay iskaashi dhinacya badan oo labada maamul dhexmara sida uu saxaafada qaarkood uu u sheegay Tarzan, duqa magaalada dagaalada ka daashay ee Muqdisho.
Mr. Fabian Stange, duqa magaalada Oslo iyo Mr. Tarzan Duqa magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay sidii magaalada Muqdisho ay magaalada Oslo uga gacansiin laheyd adeegyada aasaasiga ah ee ay ka midka yihiin Dab-damiska, Nadaafadda, Biyaha la cabo iyo weliba tababarada dhinaca shaqaalaha ka shaqeeyay hawlahaas.
Duqa magaalada Oslo Fabian ayaa dhankiisa sheegay in ay gacan ka siinayaan magaalada Muqdisho dhammaan waxyaabaha ay uga aqoonta roon yihiin isagoo rajo ka muujiyay nabadda magaalada Muqdisho gaar ahaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Tarzan ayaa lagu tiriyaa dadka fara ku tiriska ah ee ka dhiidhiya dhibka ka taagan magaalada Muqdisho islamarkaana ku dadaala sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaas waa sida dadka isaga la shaqeeya ama aqoonta u leh ay sheegaane.