Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Farmaajo oo hadda booqasho shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa mar uu xog-wareysi siinayay VOA:da waxaa uu sheegay in xukuumadiisu rajo ka qabto nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya guud ahaan.
"Waxaan Beesha caalamka ka codsanayaa in ay igu garab galaan burburinta al-Shabaab iyo xoogagga shisheeye ee Soomaaliya ku sugan nabadda iyo kala dambeyntana ka soo horjeeda" Sidaas waxaa idaacada VOA u sheegay Ra'iisal wasaare Farmaajo.
Farmaajo wuxuu ku dooday in xukuumadiisa uusan raad wax is-daba-marsiini soo gelin sidaas darteedna ay beesha caalamka ka filayaan gargaar dhinacya badan si buu yiri cagta loo mariyo xoogagga xukuumadiisa iyo xukuumadii ka horeysayba ay ka saldhigi weysay waa al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si toos ah iyo si dadban intaba uga taliya halka ay dowladuna talada magaalada Muqdisho la wadaagto xoogagaas inkastoo ay garab ciidan ka hesho AMISOM.