Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shirkii Sharma Sheekh ee Madaxda Carabta oo soo dhamaaday iyo Warmurtiyeed Soomaalida ku saabsan oo ka soo baxay

$
0
0

Shirkii ka socday magaalada loo tamashlaha tago ee Sharma Sheekh ayna ku kulansanaayeen madaxda Carabta ayaa la soo gunaanaday waxaana Shirkaas oo uu Soomaalida u metelayay Madaxweynaha Soomaaliya ka soo baxay war-murtiyeed ku wajahan Soomaalida.

War-murtiyeedka oo meela badan tabanayay ayaa waxaa waxyaabihii ku xusnaa ka mid ahaa in "hiil iyo hoo" intaba lala garab istaago dowlada Soomaaliya iyo in laga hortago kooxaha ay ku tilmaameen argagixiyayaasha ee dunida Carbeed iyo caalamka kaleba ku sugan

Dib u soo celingta nabadda iyo kala dambeynta Soomaalida in gacan weyn laga siiyo dowlada Soomaaliya ayaa ka mid ahaa waxyaabihii shirkaas ka soo baxay islamarkaana ku qornaa War-murtiyeedka Madaxda Carabta ka soo baxay.

Shariif, Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkaas khudbad dheer ka jeediyay ayaa madaxdii Carbeed ee halkaas isugu timid uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay jireen waaba haddii wax la taaban karo ay u qabsoomeene wuxuuna ka dalbaday in ay ku garabgalaan dadaalada ay dowladiisu dalka dib ugu soo yabyabeyso gaar ahaan dib u dhiska iyo nabadda.

Marka laga soo tago baaqyada iyo taageerooyinka warqadaha iyo afka uun ku siman wax la taaban karo oo kaalmo ah dowlada Soomaalidu kama helin Jaamacadda Carabta ee ay Soomaaliduna xubinta ka tahay.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>