Ciidamada dowlada KMG ah ayaa saaka howlgalo aad u ballaaran ka wada Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ka dib qarax xalay halkaas ciidamada lagula eegtay fariisimo wadada maka almukarama ay ku leeyihiin Ciidamada.
Saaka ayaa xaafadaha Degmada Waabari waxaa gudaha u galay ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan dowlada kuwaas oo baaritaano ku sameeyay guryaha ay degan yihiin dadka shacabka ah waxaana lagu soo waramay in ciidamada ay dad badan arintaas u qabteen.
Gawaarida dagaalka ayaa la arkayay oo ku sugan gudaha xaafadahaas kuwaas oo qeyb ka ah baaritaanka ciidamada dowlada ay ku hayaan qeybo ka mid ah Degmada Waabari oo ah xaafadaha ugu qaraxyada badan Caasimada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada xaafadaha waabari ay ka aruuriyeen dhalinyaro farabadan oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaas oo ay u dhaadhiciyeen Xarunta danbi barista ee CID-da waxaana jira cabasho dadka ay muujinayaan.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha amaanka ee dowlada KMG ah oo ku aadan baaritaanka ciidamada dowlada ay ka sameeyeen degmada Waabari ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah degmooyinka ay maamusho TFG.