Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Axmed Diiriye Cali; "Maamulka Puntland go'aankii ay ka gaareen DFKMG waa ku fududaadeen ee raaligelin haka bixiyaan"

$
0
0

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo ka hadlayay sida ay u arkaan go'aanka maamulka Puntland uu ku gaaray in ay dib uga laabtaan wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in go'aankaas uu ahaa mid lagu fududaaday.

Caaqil Diiriye oo xog-wareysi siinayay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa go'aanka Puntland ay ku gaartay in deegaanada hoostaga aysan cag soo dhigi karin qof ka mid ah Golayaasha dowladda Soomaaliya mid lala yaabo waayo wuxuu caaqilku leeyahay waxaa golayaasha dowladda ka mid ah dad u dhashay deegaanka.

Ugu dambeyntii Caaqil Diiriye wuxuu labada dhinac waa dowladda iyo maamulka Puntlandiye kula taliyay in ay heshiis ka gaaraan waxa keenay in xaaladu halkan gaarto laakiin wuxuu si gaar ah maamulka Puntland ugula taliyay in ay ka laabtaan islamarkaana raaligelin ka bixiyaan go'aanka sida uu sheegay lala anfariiray.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii madaxda maamulka Puntland ay go'aan ku gaareen in ay xiriirka u jaraan dowladda Soomaaliya waxaase taas ka dambeysay sida dad badani qabaanna ka sii dareyd markii go'aan kale oo ka mamnuucaya guud ahaan xubnaha Golahayaasha dowladda Soomaaliya in ay soo galaan deegaanadooda amaba isticmaalaan xitaa marin cireedyadooda (garoomada) ay soo saareen.

halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles