Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al-Shabaab oo ka hadlaya ujeedada ka dambeysa mamnuucida Hay'adaha Gargaarka ay ka mamnuuceen deegaanada ay ka taliyaan

$
0
0

Ka dib markii aad looga dooday su'aalo badanna la iska weydiiyay ujeedada ay ka leeyihiin al-Shabaabku mamnuucida Hay'adaha Gargaarka ay ka mamnuuceen in ay ka shaqeeyaan deegaanada ay ka taliyaan ayaa waxaa hadda ujeedadaas faahfaahin ka bixinaya afhayeenka guud ee al-Shabaab, Shiikh Cali Dheere.

Shiikh Cali, Afhayeenka al-Shabaab ayaa ugu horeyntii mar uu u qiil-sameynayay mamnuucista Hay'adaha Gargaarka ee ay dad badani ku sifeeyay "cunaqabateyn ay cunaqabateynayaan shacabka intooda weli nool ayaa durbaba hadalkan la soo booday waxaana uu yiri ; "Sababta aan Hay'adaha gargaarka uga joojinnay in ay ka howlgalaan gobolllada aan ka talino  waxaa waaye, markii aan ogaanay in ay cadawnimo gaar ah u hayaan shacabka Soomaaliyeed," 

Cali Dheere oo doonayay in ay uu dadka ka dhaadhiciyo waxa ay u hayaan mar haddii Ha'adihii wax uun la soo gaari ay ka mamnuuceen in ay soo galaan kana shaqeeyaan deegaanada ay ka taliyaan ayaa waxaa uu ku dooday sidan; "Xarrakatul Shabaab, waxay bilowday inay gurmad u fidiso dadka ku nool 10ka gobol ee ay ka taliyaan, waxaanna la gaarsiiyay dadka biyo iyo raashin ay cunaan"

Afhayeen Cali Dheere ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka feejignaadaan dibindaabyooyinka ay ay wadaan Hay'aduhu iyagoo ku soo gambanaya magaca Samafal balse wax kale hoosta ku wata, dadka wax heystana wuxuu ku waaniyay in ay walaalahooda baahan u gargaaraan.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>