Madaxwaynaha dalka Masar Hosni Mubarak ayaa sheegay in uu ka dagi doono xukunka balse taasi aysan dhacaynin ilaa laga gaaro dhamaadka xilligiisa.
Khudbad uu telefishinka qaranka ka jeediyay ayaa looga gol lahaa in
lagu dajiyo xiisadda dibadbaxayo ballaaran oo dalbanaya iscasilaadiisa.
Waxaa Mr Mubarak uu sheegay in uusan xilka degi doonin ilaa laga gaaro bisha September.
Wuxuu sheegay in uu yeeli doono wax walba ee uu
awoodo sidii loo xaqiijin lahaa in kala guur nabadgalyo ku dhaca, isagoo
balanqaaday isbadal datuurka lagu sameeyo.
Hase yeeshee wuxuu kaloo dhaleeceeyay
dibadbaxayaasha, isagoo sheegay in ay ka dambeeyaan khuwado siyaasadeed
ayna qatar galiyeen xasiloonida dalka Masar.
Wuxuu ku soo gabagabeeyay in uu ku dhimanayo ciidda dalka Masar.
Jawaabo kala duwan ayaa dadku ka bixiyeen khudbadiisa.
Inta badan kooxaha mucaaradka ayaa ku tilmaamay
mid lagu raadinayo hab waqtiga loogu sii dheeraysto, waxayna dalbadeen
in uu xukunka ka dego.
Sidoo kale dadwaynaha ku dibadbaxaya fagaaraha
Taxriir ayaa wali qaar badan ay halkaas ku sugan yihiin, iyagoo aan dhag
u dhigaynin bandow magaalada la saaray.

Madaxwayne Obama oo hadlay markii ugu horaysay
tan iyo markii madaxwayne Mubakar uu ku dhawaaqay in uusan mar kale isu
soo sharaxaynin xafiiska, ayaa sheegay in loo baahanyahay in isbadal uu
dhaco.
Wuxuu sheegay in aysan cidina door ku lahayn in
ay badasho hogaankta Masar, balse isbadal waa in uu bilowdaa hadda
kaasoo keena in doorashooyin xor ah oo cadaalad ku dhaca la qabto.
Wuxuu ammaanay dadwaynaha gaar ahaan
dhalinyarada Masar iyo ciidamada oo uu sheegay waxay u dhaqmeen si
shaqo-aqoon iyo wadaniyad leh, isagoo ku dhiirigaliyay in ay xaqiijiyaan
in si nabadgalyo ah looga gudbi xilligan.