Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Daah ka feydida cajal la sheegay in laga duubay ninkii Shabaabka toogteen (cod)

$
0
0

Miisaanka.com Wararkeenii hore waxaanu ku iftiiminay in Al-Shabaab sameeyeen Cajal
been abuur ah oo ay ku nabsanayeen nin muslim ah oo ay si bareer ah ugu
toogeen xerada Maslax ee dhacda duleedka Magaalada Muqdisho.
Danta ay ka lahayeen inay sameeyaan dacaayadaas raqiiska ah ayaa ahayd
in shacabka ay ka gadaan laynta dadka aan wax galabsan oo marmarsiyo uga
dhigtaan wuxuu ahaa jaajuus u shaqeeya Cadowga Alle.
Meeshii laga sugayay inay soo badhigaan Film Video ah
oo la daawan karo ayaa waxay soo daayeen cod uu diyaariyay nin ayaga u
qaabilsan saxaafada oo ka shaqeeya Idaacadooda Al-furqaan oo u qaabilsan
baahinta warar xaqiiqda ka fog, hadii uu warkaas run yahay waxaan shaki
ku jirin cadaymaha ay sheeganayaan inay hayaan ay soo bandhigi lahayeen
iyagoo arag ah ama Muqaal.
Si ay been abuurka dadka uga gadaan oo waxay damacsanyihiin loo rumaysto
waxay cajalka ku bilaabeen muqadamo dheer oo ka hadlaysa
hagardaamooyinkii gaaladii qureysh Nabigeena SCW u soo Maleegeen iyo
shirqooladii ay rabeen inay ku dilaan.
Runtii waa arin ku tusaysa in Al-Shabaab Lafcad toobin ku hayaan, ma
joogno darsi siiro lagu qaato ee waxaan ka sugaynay cadaymihii ay balan
qaadeen inay noo soo gudbiyaan.
Intaas kadibna wuxuu gudagalay ninkii barnaamijka daadihinayay inuu ka
sheegeeyo Qalabka casriga ah ee ay adeegsadaan Sirdoonka maraykanka,
markale waxaan leenahay looma baahno inaad waqtiga ku lumis wax dadka oo
dhan wada ogyahay ee cadaymihii baanu kaa sugaynaa.
hordhac dheer kadib waxaa cajalka ka hadalay nin magaciisa ku Sheegay
Axmed Cali Xuseen kuna magac dheer Axmed keyse oo ku dhashay Magaalada
hargaysa sanadku markuu ahaa 1966.
Ninkan sida uu sheegayo waa nin wadaad ahaa oo ka mid ahaa macalimiintii
ururka Al-itixaad waana macalin quraanka iyo waxbarashada maadiga ah
dadka bari jiray.
Halkan ka dhageyso asagoo ka sheegeynaya bilawgiii noolashiisa iyo qabiilka uu u dhashay.
Axmed Keyse oo ka soo jeeda Soomaaliland ayaa u muuqda nin la shirqoolay
oo u waramayay koox ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, hadalka iyo
warbixinta sida uu u dhigayo waa sidii nin u waramaya dad iska dhigay
inay la jiraan oo warka ka gurayaan.
Axmed sida uu sheegayo waa fadhi weyn oo ay lagu marti qaaday waxaana fadhiya rag sarsare oo ka mid ah xarakada Al-Shabaab.
Sidee buu ugu gacan galay Sirdoonka Maraykanka?
Dulmanaha ayaa ka sheekeeyay isagoo safar u aaday dalka Jabuuti in
gigada diyaaradaha lagu qabtay lana xiray isagoo madaxa giish loo
galiyay kadibna qol yar oo ciriir ah lagu xiray oo uu halkaas in mudda
ah ku jiray.
Waxaa la yaab noqotay ninka Al-Shabaab ee daadihinayay barnaamijkan been
abuurka ah inuu sheegay in Axmed keyse loo ogolaaday inuu galo gudaha
magaalada jabuuti isagoo baasaboorkii laga qaaday! taasi waxaa beeniyaya
hadalka Axmed keyse, war xataa magaran waayeen inay beenta qurxistaan?
Halkan ka dhegeyso Axmed Keyse oo ka waramaya xarigiisii iyo qaabkii loo qabtay.
Sida aad maqlayseen ninkan waa nin la qasbay oo la kala dooransiiyay labo arin midkood in loo dhaadhiciyo xabsiga Guantanamo Bayee caanka ku ah jirdilka iyo faraxumaynta Argagaxisada unisba sheegataa Islaamka.
Cabsi ayaa u geysay inuu sirdoonka maraykan la shaqeeyo, waaba haday
runtahay codka ninkan waayo run ahaantii lama aamini karo kooxda
Al-Shabaab ee camalka ka dhigatay been sheegida iyo masabidaada.
Diin ahaan marka la fiiriyo hadalka ninka wuxuu noqonayaa nin la qasbay
wax xukun ah oo ka dhalanayana ma jiro ee taas niyada ku haya yaysan kaa
hoos bixinee
Intaas kadib Axmed Wuxuu ka sheegeeyay wixii ay sirdoonka maraykanka ka
dalbadeen oo ahaa inuu u soo gudbiyo xogta rag ay sheegeen inay
raadinayaan oo uu ka mid ahaa Saalix nabhaan iyo abuu dalxa Daariq
Sudaani oo lagu eedeyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay
safaaradaha maraykanka ee Nayrooni iyo Daarusalaam.
Halkan ka dhageyso Axmed oo sheegaya waxay Sirdoonka ku wada hadleen.
Hadalka Axmed markii dhagahaadu ku dhacaan waxaad yaqiinsanaysaa in
Axmed uu si daacad ah oo Alle ka cabsi ku jirto ugu waramayay
maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaadna ka ogaan kartaa sida uu macluumaadka
dheeriga ah u siinayay.
Isla hadalkaas wuxuu dhaliilay Axmed Sirdoonka Maraykanka isagoo sheegay
inaysan macluumaad badan haynin, wuxuu kaloo eedeeyay ninkii maraykanka
ahaa ay xiriiri jireen asagoo ku tilmaamay nin qabweyn yacnii isla weyn
taasina waxay ku tusinaysaa in Axmed Ahaa nin la qasbay oo aan marna
raali ka ahayn howshuu ku jiray waaba haday xaqiiq tahay.
Waxaa kaloo dareen ku galinaya hadalka Axmed Keyse isma haysto, waxaana
cad in hadalkiisa qaar laga tagay oo intii danta laga lahaa un la soo
daayay, bal jumladan dhagayso.
Halkan ka dhageyso war aan bilow iyo iyo dhamaad toona lahayn.
Sida aad maqashay Axmed wuxuu leeyahay Markuu ii dhamaaday kulankii
Muqdisho waxaan ku laabtay Magaalada hargaysa , Axmed warbixintiisii
hore kuma uusan sheegin kulankii Muqdisho iyo inuu muqdisho tagayba,
waxaase la yaab ah in ninka Al-Shabaab ee hagay barnaamijka u hadlo
Axmed oo muqadamo u sameeyo isla markiina maqdacana ku xijay si uu
beenta u yara qurxiyo.
Axmed Keyso oo ka Muxaadareeyay Shirkii Ictisaamka Sh Maxamed Idiris hogaanka ugu doorteen
Sida aan horay u soo sheegnayba Axmed wuxuu ka mid ahaa ururka
Al-Ictisaam, wuxuuna ahaa nin la yaqaano saas darteed wuxuu ka jeediyay
shir gudoonkii Sh Maxamed idiris lagu doortay kalmad waano ah oo u
badnayd Alle ka cabsi iyo wadanka qatarta ku soo foodleh sidii looga
hortagi lahaa.
Halkan ka dhageyso Axmed Keyse oo goob jooge ka ahaa Shirkii Ictisaamka Sh Maxamed Idiriis ku dooteen.
Hadalka Axmed Markaad dhageysatid waxaa ku soo baxaya in la shaqeynta
maraykanka ay u gaysay cabsi iyo hunguri lakiinse uu ahaa nin jecel
diintiisa iyo dalkiisa, taasna waxaa kuu cadeynaya sidii uu walaalihiis
itixaadka u faray inay wadanka ka difacaan gaalada ku soo foodleh.
hadaan damacno inaan beenaha iyo dacaayaadka raqiiska ah ee Al-Shabaab
soo bandhino qoraalka ayaa nala tagaya, waxaanse kuu suurta galinaynaa
inaad dhageysatid wareysigii Axmed Keyse oo nadiif ah oo aan ku jirin
beenta uu ku xardhay weriyaha Al-Shabaab si aad xaqiiqda u ogaatid.
Halkan ka dhageyso Warbixintii Axmed Keyse oo dhamaystiran.
Markii ay wareysteen oo wixii ay rabeen ka duubeen ayay go’aansadeen
inay dilaan, waana caado ay uga dayanayaan sirdoonka reer Galbeedka oo
lagu yaqaan inay khaarijiyaan qofka markay dantooda ka gaaraan.
Waxaa kaloo iyana cad in ninkan la hoosaasiyay oo la iskaga dhigay in la
cafiyay oo Mujaahidiinta u waramayo oo u sheegayo qaabka ay gaaladu ku
shaqaysato iyo sida ay u dhibaan Muslimka.
Marka indhaha laga laabto been abuurka Al-Shabaab waxaa suaashu ka
taagantahay Xukunka Jaajuusku ma dilbaa? Miyaysan jirin shuruudo la
eegayo yaasa xukunka fulinaya? Sida saxda ahna waa in Al-Shabaab ahal u
ahayn qabashada howshaas.
Si kastaba ha ahaatee Al-Shabaab ayaa ku fashilmay beenaha ay markasta
soo badhigaan, waxaana dad badan sugayeen Filimii Daawashada ay
balanqaadeen.
Isha: Miisaanka.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>