Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa ku eedeeyay wasiirka
gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya in amar uu bixiyey lagu laalyay
dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
“Ciidamada dadkaasi laayay waxaa laga soo diray Xarunta taliska
ciidamada Millateriga ee magalada Muqdisho ee Villa Baydhabo oo ku
tyaala meel ku dhow Isbitaal Banaadir” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde oo
sheegay in ay ciidamadaasi hoos tagaan wasaaradda gaashaandhiga ee
dowladda KMG.
Waxa uu ku taliyey Yuusuf Indha-cadde in dowladdu ay xili ka qaadis ku
samayso wasiirka gaashaandhiga, lana soo taago Maxkamad isaga iyo
saraakiisha kale ee ku lugta lahaa casuuqii ka dhacay Isgoyska Banaadir
ee magaalada Muqdisho.
Dowladda KMG ayuu ku eedeeyay inaysan waxba u qaban dadkii ku dhaawcmay
rasaastii ay fureen ciidamada dowladda ee jiifa qaar ka mid ah
Isbitaalada magaalada Muqdisho.