Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah goobaha ay ku xoogga badan yihiin al-Shabaabku ayaa waxay maxkamad ku taalaahi in gacanta laga jaro ku xukuntay wiil da' yar.
Wiilkan oo shalay gelinkii dambe ay al-Shabaabku gacanta uga gooyeen barxad ku taal degmada Ceelbuur ayaa waxaa lagu eedeeyay dembi ah xatooyo sida maamulka al-Shabaabku sheegeenna, dembigaas wiilku waa qirtay.
Dad badan ayaa u soo daawasho tegay fagaarihii wiilkan lagu naafeynayay waxaana dadkii halkaas isugu soo baxay la hadlay mas'uuliyiinta maamulka al-Shabaab ee degmada Ceelbuur.
Mid ka mid ah dadkii halkaas ku sugnaa ayaa ku tilmaamay qaabkii gacanta looga járay wiilkan mid argagax leh waxaana uu sheegay in middi af badan looga jaray qeybta hore ee gacanta ka dibna uu wiilku miir qaadmay dhiig bax fara badan ka dibna waxaa goobaha caafimaadka u qaaday maleeshiyaadkii gacanta ka jaray.
Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay al-Shabaabku dhalinyaro dembiyo kala duwan lagu soo eedeeyay ku naafeeyaan amaba ku dileen.