Al-Shabaabka ka taliya gobolka Galgaduud intiisa badan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dhibaatooyin fara badan ku hayaan dadka shacabka ah ee gobolka ku dhaqan.
Suldaan Cali Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntii sheegay in al-Shabaabku shacabka abaartu heyso ee ku dhaqan Galgaduud ay ka horjoogsadeen helitaanka gargaarka maadaama hay'adihii deegaanka ka hawlgeli lahaa ay deegaanada iyaga hoostaga waa al-Shabaabkee ay ka mamnuuceen in ay soo galaan.
Suldaanku wuxuu sidoo kale sheegay in deegaanada Ceelbuur, Ceelgaras iyo weliba Galhareeri ay al-Shabaab si aan sharciga waafaqsaneyn gacmaha uga jaraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan waa sida uu Suldaanku ku doodaye.
Eedeynta Suldaanka ayaa ku soo beegmeysa xili maalmo ka hor ay al-Shabaabku dhalinyaro gacmaha uga jareen degmada Ceelbuur ka dib markii sida Shabaabku sheegay ay dhalinyaradaasi falal xatooyo ah sameeyeen.