Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM xalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dhowr kalena la dhaawacay.
Goob-joogayaal iyo ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ay geeriyoodeen laba askari markii dagaal iyo weerar gaadmo ah uu xalay saq dhexe ka dhacay degmada Boondheere, kaasoo ay soo qaadeen Xarakada Al-Shabaab oo ka soo horjeeda DKMG iyo AMISOM. Dhanka kale waxaa la sheegay in illaa sedex askari oo kale ey dhaawacmeen iyadoo mid kamid dhaawac halis ahi soo gaaray
Labada dhimatay waxay kamid ahaayeen ciidanka dhulka AMISOM, meydkoodana waxaa la geeyey xero ay ciidamadu leeyihiin. Xalane
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka soo gaaray dagaalka xooggaga Al-Shabaab oo iyagu weerarka gaadmada ah ku qaaday AMISOM.