Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Hanjabaad Kulul U Diray Puntland kuna eedeeyey dagaalka Kalshaale

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in uu
ay si toos ah uga soo qayb gashay dagaaladda ka socda Deegaanka lagu
muransan yahay ee Kalshaale.

 

 

Wasiir
Xaabsade waxa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay sidii ay
qaranimadeeda u difaaci lahayd, waxaanu u soo jeediyay Maamul Goboleedka
Puntland in ay faraha kala baxaan deegaamada Somaliland, haddii kaleba
buu ku hanjabay in ay kala kulmi doonto cawaaqib xumo aanay dib uga soo
waaqsan doonin.

 

Sidaasna
waxa uu ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta,
waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan idiin sheegayaa in ciidamo
ka socda Puntland ay soo galeen dagaalka, waxaanan leeyahay Puntland oo
aanu isnaqaano, haddii aad ku sii jirtaan waxa aad kala kulmi doontaan
cawaaqib xumo” ayuu ku hanjabay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta
Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaabsade.

 

Wasiirku
waxa kale oo uu tilmaamay in gaadmadii shalay aroor la soo weeraray
ciidamada Somaliland ay ku dambaysay dhirbaaxo kulul oo ay ciidamada
qaranka Somaliland huwiyeen maleeshiyaadkii soo weeraray “Ciidamada
Somaliland way iska waabiyeen ciidamada, waxaanay badeen jab iyo mahadho
aan yarayn, waxaanan ugu baaqayaa ciidamada Somaliland in ay ka
feejignaadaan cid kasta oo isku dayda in ay hagar daamo gaadhsiiso” ayuu
yidhi Wasiirku.

 

Wuu
sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi “kooxada nabaddiidka ahi waxa ay
caadaysteen in wax ka soo tuurtuuraan dhulka ay ku sugan yihiin is ay
khal-khalgaliyaan amniga dalka, waxa ay doonayaan in ay fadqalalo ka
aburaan mandaqada Buhuudle iyo Laascaanood waxa ay sidaas sameeyeen
markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo barigihii la qoday, ayay
bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan
beelaha lacagta u soo dira”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

Si
kastaba ha ahaatee labada dhinac ee isku haya degaanka ayaa guulo ka
sheeganaya dagaalkii shalay ka dhacay Kalshaale, waxaanay wararka ka
imanaya maanta uu yahay mid xasiloon

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>