Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Uganda oo muwaadiniin Somali ah ka masaafurineysa dalkeeda

$
0
0

Dowladda Uganda ayaa sheegtay iney ka masaafurineyso wadankeeda muwaadiniin Somali oo ey dhowaan ku xirxireen meelo kamid ah dalkooda.
Dadkan la masaafurinayo ayaa badankood laga qabtay madhaarka Entebe  iyadoo looga shakiyey argagaxisamino waxaana la sheegay waxa ay ka tageen Magaalada Muqdisho kuwaasoo ku sii jeeday Dalka Ugandha.


Afhayeen u hadlay Ciidanka Boliiska Dalka Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in dadkan iminka ay xiran yihiin isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celin doono Magaalada Muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye.


Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in dadkaasu aanay sharci u haysan ay ku soo galaan Dalka Ugandha sidaa darteedna inta laga dhoofinayo lagu sii hayn doono xabsi ku yaala Garoonka diyaaradaha Entebe.


Xukuumadda Kanbala ayaa in dhaweydba wadday Ololayaal ay ku sugayso ammaanka dalkeeda iyadoona taas laga hor marinayo Doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka ugandha.


Ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa adkeeyay dhamaanba xuddudaha Dalkeeda ay la leedahay dalalka deriska la ah iyo waliba dhinaca duulitaanka dhinaca hawada ah oo si weyn loo Ilaalinayo dadka ka soo degaya Garoomada Diyaaradaha gaar ahaana Soomaalida oo si gaar ah looga shakisan yahay.


Arrintan ku saabsan Muwaadiniinta soomaalida oo la sheegey in dib loogu celinayo dalka soomaaliya ayaa waxaa ay walaac badan ku abuurtay soomaalida ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee dalkaa Ugandha iyagoona ka cabsi qaba in saameyn ay ku yeelato.


Shan iyo Tobankan Muwaadiniinta Soomaalida ah ayaa waxaa ay isugu jiraan Haween iyo Caruur iyo Tiro dhalin yara ah oo aad u yer kuwaasoo qaxootinimo ahaan u gaaray dalka Ugandha .
Si kastaba lama garanayo goorta sida rasmiga ah dib loogu soo celinayo muwaadiniintan dalkooda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>