Guddi ey u magacaabeen ururka Alshabaab wax ka qabashada abaaraha ayaa deeqo kala duwan gaarsiiyey meelo kamid ah gobolka Sh/hoose oo ey abaaro ba'ani ka taagan yihiin sida uu sheegay madaxa u qaabilsan abaaraha.
Goobaha la gaarsiiyey gurmadkaan ka koobnaa galay ,saliid ,idaawo iyo booyado biyo ah waxaa ka mid ahaa Riglow,Libaaxley,Mixaareey,masaajidley,owleebow,Tubaako,duugow,oo dhamaantood ka wada tirsan dagmada wanle weyn ee gobolka sh/hoose , Tuulooyinkaan ayaa waxaa ka jirta abaar tii ugu ba’neyd mana laha ceelal ay biyo ka cabaan oo waa gureen sidoo kale malaha waro ay biyo ku keydsadaan waxaana la waayey xiliyo is xigxiga roobkii Meelaha ugu daran ayaa la soo sheegayaa in ay dad iyo duunyaba gaajo iyo haraad ugu geeriyoodeen waxaana k ami ah dhul sadax geeseed ah una dhaxeeyo bur hakaba ,wanla weyn iyo qoryooley ,halkaa waxaa ku yaal geed loo bixiyey baqtiile inkasta oo aysan laheyn geed kale ayaa hadana qofka yimaada wuxuu la kulmaa lafo uu iska xaaro ka dibna isagu ka mid noqdaa lafahaa . Waa meel aan cidina daganayn hadii saxaydu kaa dhamaatana malaha cid ku samata bixisa alle ka sokow.
Deegaanadaan qaarkood waxaa u kireysan boyado halkii marba ay qiimaheedu tahay $70 taas oo aanay awoodin dadka danyar ta ah ku ku nool tuulooyinka waxaana fuurtadii biyo ah qiimaeedu uu gaaray 80.kun ilaa 120 kun marba si waxaana intaa ku dheer in masaajidada siiba maalmaha jimcaha ah aysan helin biyo lagu weeseeysto oo ay culumadu booreystaan Dadka ku nool tulooyinkaan ayaa la siiyey 25 kiilo oo galay ah iyo caag salid ah oo sadax litir qaad ah kalamadaan ayaan guud ahaa ku filneyn iyadoo maamulka Alshabaabku ey ugu baaqeen in dhamaan cidii ka qeyb qaadan karta in ay la xiriiraan hay’addaha islaamiga ah ee deeqaha qeybiya si ay gurmadka uga mid noqdaan Marka laga soo tago rashinka la qeybiyey ayaa hadana waxaa barbarsocday sadax booyadood oo tiiba ay qaado 50 fuusto taas oo iyane loo qeybiyey dadkii ku noolaa tuuooyinkaa fog fog iyo dhulka miyig aha Guud ahaa waxaa ka socdo gobolada ay gacanta ku hayaan xarakada Alshabaab howlo loogu gurmanayo dadka ay saameynta ku yeelatay abaaraha dalka ka jira ,waxaana dhinac socday iyane howlo loogu qeybinayey Zeko oo iyane ay ka faiidaysteen dad ku ceyrtoobay abaaraha sida ey sheegeen masuuliyiin ka tirsan ururka . Sida uu saxaafada u sheegay madaxa gudiga gurmadka abaaraha sheikh suldaan Maxamed Aalla Maxamed waxaa biyo dhaaminta ka shaqeysa 12 booyadood waxaana ugu daran ilaa lix dagmo oo kala ah 1. Wanle weyn 2. Qoryooley 3. Owdheegle 4. Kuntuwaarey 5. Sableele 6. Waraawe.
Sheikh suldaan Maxamed Aalla Maxamed ayaa ugu baqay walaaha muslimiinta ah in ay walaalahoda dalka gudihiisa ku dhibaatoonaya gargaar la soo gaaraan wuxuuna sheegay in ay cid walbo soo dhaweynayaa isaga oo diiday in aan la aqlabayn raashin waqtigiisii dhacay iyo wixii la mid ah.
Si kastaba abaaro ba'an ka jira gobolada dalka somalia dhammaan iyadoo roobkii xiligii uusan di'in taasi ey keentay iney harraad u dhintaan dad iyo duunyo farabadan.