Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Somaliland oo ka qayb gashay shir ku saabsan Soomaaliya

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa ka qayb gelaya shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka socda agagaaraha magaalada Brighton ee dalka Ingiriiska.

Dalkan Britain waxaa maalmahan ka socday shir lagaga
hadlayo arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana ka qayb gelaya
dowlada ku-meel gaar-ka ee Soomaaliya, maamul-goboleedka Puntland iyo
Somaliland. Waxaa shirkan qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo
common wealth-ka ee Britain, waxaana uu ka socdaa xarun ku taalla meel u
dhow magaalada Brighton ee Ingiriiska.

Waa markii ugu horreysay ee Somaliland ka soo
qayb gasho shir noocaan oo kale ah oo lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda
ee dalka Soomaaliya tan markii ay gooni isu-taagga ku dhawaaqeen
sanadkii 1991-kii, hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland,
Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaa uu BBCda u sheegay inaan waxba iska
beddelin mowifka dowladdiisa ee ka bixidda midnimada Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirkan ka qayb gelaya dowladaha,
ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee daneeya arrimaha Soomaaliya,
waxaana diiradda la saarayaa waxa ka dambeyn doona marka uu dhammaado
xilliga dowaldda ku-meel gaarka ah bisha August ee sanadkan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>