Guddi ey dhowaan dowladda KMG ahi u xilsaartay soo qiimeynta khasaaraha abaarta baahsan ee ka taagan dalka Somalia ayaa maanta soo bandhigay qiimeyntii ay ku soo sameeyeen degaanadii ay booqashada ku tageen.
Afhayeen u hadlay Gudigaas oo lagu magacaabo Axmed Nuur oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in kormeero ay ku tageen Degmada dharkeenleey iyo degaano hoos yimaada halkaasoo ay ku yaalaan illa dhowr Xero oo ay deggan yihiin ugu yaraan Sideed Boqol oo bara kacayaal ah.
Af hayeenkan ayaa hoosta ka xariiqay in qoysaskaasi ay ka soo hayaameen gobolda koofurta soomaaliya isla markaana aysan heli karin waxyaabihii daruuriyaadka ahaa ee ay u baahnaayeen.
Axmed Nuur ayaa intaa ku daray in qoysaska ay soo arkeen ay u baahan yihiin in lala gaaro Kaalmooyin aadanimo oo deg deg ah isagoona u soo jeediyay xukuumadda ku meel gaarka in dadkaas deg deg loo gaaro.
Dadkan bara kacaysha ah oo ku nool duleedka degmada dharkeenleey ayaa waxa ay u badnaayeen qoysas xoolo dhaqata ah kuwaasoo xoolihii ay dhaqan jireen ay dhaafeen abaaraha dartooda.
Gudigan soo qiimeynyay Culeyska haysta dadka ku dhibaataysan duleedada magaalada Muqdisho ayaa ku taliyay in si deg deg ah loola gaaro gar gaarka aadanimo ee ay u baahan yihiin.
Qiimeyntan Gudiga abaaraha ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha dawladda ku meel gaarka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo uu sheegey in ay wadamada Carabta ka heleen balan qaadyo sama faleed oo dhawaan ay soo gaarsinayaan gudaha Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee dadka ku dhibaateysan daafaha magaalada iyo gobolada dalka taasoo qayla dhaan xoogan ay ka soo yeerayso gobolada dalka oo muddooyinkii danbaba abaaro ba’an ay ka jireen.