Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dil abaabulan oo gudaha magaalada Boosaaso maanta ka dhacay iyo xiisad ka dhalatay dilkaas

$
0
0

Waxaa maanta gudaha magaalada Boosaaso si bareer ah loogu qaarajiyay gudoomiyihii deegaanka Galgala ee gobolak Bari Cali Maxamad Gurxan.

Dilka Gudoomiyaha oo ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso maanta barqadii ayaa waxaa geystay sida la soo sheegay kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo falkan qaarajinta ah sida muuqata loo soo abaabulay.

Meydka Marxuumka ayaa hadda yaal Cusbitaalka guud ee Boosaaso waxaana weli la baadigoobayaan kooxda dilka geystay sida ciidamada ammaanka laga soo xigtay.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay kooxdii dishay marxuumka ay goobta ka carareen ka dib markii ay rasaas badan ku rideen Marxuum Cali Maxamad Gurxan islamarkaan uu dhulka ku dhacay.

Dhanka waxaa gudaha Boosaaso laga soo sheegayaa xiisad kacsanaan ah oo ay wadaan ehelada uu ka dhashay Marxuumku waloow aan wax isku dhac ah weli la soo sheegin xaaladda guudna ay yara xasilan tahay.

Dilkani ma ahan kii ugu horeeyay ee degmada Boosaaso ka dhaca ee waxaa mudooyinkan dambe halkaas ka dhacayay dilal  u badan oo si gaar ah loola beegsanayo mas'uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Puntland.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>