Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dalalka caalamka ugu tunka weyni go'aankii ka soo baxay Baarlamaanka Soomaalida ka soo horjeestaan.
Mudane Mowliid oo muujinayay sida aysan ugu qanacsaneyn jawaabaha dalalka caalamka qaarkood ay ka bixiyeen go'aankii Baarlamaanku waqtigiisa ku kororsaday ayaa sheegay in Mareykanka , Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaanigu ay muujiyeen daciifnimadooda iyo weliba sida aysan u dooneyn in Soomaali mashaakilka ka taagan xal laga gaaro.
Mowliid Macaani wuxuu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday wakiilka Qaramada Midoobay waxaana uu yiri; "Ergayga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga, xaq uma lahan inuu ka hadlo arrimaah gaarka ah ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan go’aankii uu gaaray baarlamaanku ee uu kaga tashaday aayihiisa”
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa isha lagu hayaa go'aanka Baarlamaanku mudada ku kororsaday sida ay Beesha Caalamku ula fal gasho.