RBC Radio (Burtinle): Degmada Burtintle ee Gobalka Nugaal ayaa waxa dhawaan laga sameeyay xero weyn oo ay dagaan qoosaska ka soo hayaamay abaaraha ka jirra koonfurta Soomaaliya.
Maamulka Buurtinle ayaa u sheegay saxaafada ka howlgasha deeganada Puntland, Burtinle in la dhisay xero loogu talla galay iney degaaan dadka ka soo barakacaya gobalada koonfurta dalka Soomaaliya.
Tan iyo Markii abaaraha ay ka dilaaceen geeska Africa ayaa waxa magaalada degmada burtinle ee gobalka Nugaal si caadi u gaararay qoosas u badan Dusmar , Caruur , iyo Dad Waayeel, kuwaas oo intooda badan ka soo hayaamay gobolka Bay iyo gobolada kale dalka sida: Baydhabo, Diinsoor ,Qoryooleey, Qansax dheere iyo Afgoye.
Maamulka degmada ayaa sheegay in dadkan la dajiyay xero ku taalo duleedka magaalada Buurtinle taa oo lagu magacaabo Xaska tima dheer.
Maamulka waxa kaloo ay sheegeen in tirada ku jirta xerada ay gaareyso 1200-qoys.
Qaar ka mid ah dadka degan xerada ayaa u sheegay RR. in Xeradda ay kijirto dhibaatooyin ay ka mid yihiin Biyo, Cunto iyo hoy la’aan ,
Mana jirro ilaa hadda hey’addo soo gaaray dadka ku xareesan xerada ku taala degmada Burtinle. .
Si kastaba, waa tiradii ugu badneed ee barakacayaal ah kuwaas oo soo gaara degmada Burtinle ee gobalka Nugaal.
↧
Burtinle Oo Laga Sameeyay Xero Cusub Oo La Dajiyo Dadka Ka Soo Cararaya Abaaraha Koonfurta Soomaaliya Burtinle (RR): Degmada Burtintle ee Gobalka Nugaal ayaa waxa dhawaan laga sameeyay xero weyn oo ay dagaan qoosaska ka soo hayaamay abaaraha ka jirra koo
↧