Galkacyo(Puntlandi.com);- Xarunta Madaxtooyada magalada Garowe waxaa ku soo afmeermay kulan aad ubalaraan oo ay qaadanayeen Madaxda sare ee Puntland iyo Ganacsatada iyo maalqabeenada Puntland.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole wasiiro katirsan Xukumada iyo Ganasatada ugu waawayn Puntland waxaana looga dooday qodobo dhawra.
Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland Xasan Jaamac Faarax oo kulanka kaqaybgalay ayaa gabagabadii warfidiyeenada ugu waramay waxyaabahii looga hadlay iyo waxa ka soo baxay kulanka.
Wasiirka ayaa sheegay in kulanka looga hadlayay qodobo muhiima oo wax utar u ah habsami usocodka Ganacsiga Puntland waxaana uu carabaabay in ay ugu muhiimsanaayeen sidii xal loogu helilahaa dhibaatooyinka soo wajaha Ganacsatada gaar ahaan jidgooyooyinka loo dhigto shixnadaha ganacsi xiliyada ay gooshayaan bada waxaana aad looga dooday dhibaatada Burcad’badeeda sidii loo xalinlahaa.
Dawlada iyo Ganacsatada ayaa istusaaleeyay sida Burcad’badeeda dhibaato ugu yihiin hormarka Ganacsiga amaanka waxaana la iftiimiyay qataraha baaxadawayn ee ka imankara hadaan la ciribtirin waxaana Xukumada iyo maalqabeenada islaqaateen in dhinacwalnaa diyaar uyahay sidii wax looga qabanlahaa.
Waxaa jira qodobo intaa kabaxsan oo aan warfidiyeenada loo soo bandhigan kuwaa oo looga dooday kulanka waxaana jira in dhaliilo badan loo jeediyay Ganacsatada Puntland.
Kulankan ayaa furmay 18-kii September waxaana lagu sheegay in gunaanadkii kulanka in lagu gorfeeyay intii uu socady sidii loo hormarinlahaa Ganacsiga Puntland oo gaabis badan uu kujiro.
Ali Ahmed Abdi
Ali@puntlandi.com
↧
Kulan Looga Hadlayay Hormarinta Ganacsiga Puntland oo Garowe ku soo Afmeermay.
↧